NEWS

Hogaamiye Ka Tirsan Ururka Al-shabaab Iyo Ciidamo Uu Horkacayo Oo Gaaray Meel 60km U Jirta Magaalada Baydhabo
December 30, 2007


Wadaadka lagu magacaabo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur, isla markaana ah Afhayeenka garabka hubeysan ee Al-shabaab ayaa la sheegayaa inuu saldhigtay meel 60km u jirta Magaalada Baydhabo oo fariisin u ah Baarlamaanka Soomaaliya.

Abuu Mansuur oo ka soo jeeda Gobolada Baay iyo Bakool ayaa ah wadaad la rumeysan yahay inuu tababar ku soo qaatay Dalka Afganstan, isagoona ah afhayeenka Kooxda Al-shabaab oo la sheego in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-qaacida.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada uu wato Wadaadkan ay fariisin ka sameysteen Deegaan u dhow Labatan Jirow, oo ahaa Dugsiga Tababarada Ciidamada Booliska Dowladda.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Ciidamada uu wato Abuu Mansuur ay yihiin kuwo aad u hubeysan, balse aysan wadan wax gaadiid dagaalka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Abuu Mansuur uu gaaray Deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, isagoona mar uu la hadlay Warbaahintana uu sheegay inuu joogo deegaan ka tirsan Gobolka Baay.

__

Source: Jowhar

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].