|
|
NEWS
|
|
|
Duulimaadyo Hawada Lagaga Sahaminyo Khayraadka Dabiiciga Ah Oo Ka Bilaabmay
Dalka J. Somaliland
December 30, 2007
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Mudane Qaasim Sh. Yuusuf ayaa Sheegay in
ay shalay Bilaabantay duulimaadkii ugu horeeyay ee dhinaca cirka ah oo lagu
sahaminayo khayraadka dabiiciga ah ee ku jira guud ahaan Jamhuuriyada
Somaliland, sida Biyaha, Macdanta iyo Batroolka , sidaana waxa uu u sheegay
shalay Wasiirku Weriye ka tirsan Shabakada Wararka ee Maalin laha ah
Hadhwanaagnews Media.
Sahaminta shalay bilaabantay waxay la xidhiidhsan tahay heshiiskii ay hore u
wada galeen dawlada Somaliland iyo Shirkadda TGS oo Norwegian ah, taas oo
horaantii sanadkan sahamin Dhinaca dhulka ah ku samaysay Batroolka gaar ahaan
inta u dhaxaysa Berbera oo ah gobolka Saaxil iyo Laaso surad oo ah gobolka
Sanaag. Sahamintan oo ay samaynayso Shirkadd Australian ah oo marka magaceeda la
soo gaabiyo loo yaqaan PGX, waxay Isniintii doraad ka soo dageen garoonka Cigaal
International Airport iyaga oo wata diyaarad casri ah , kuwa caalamku wax ku
sahamiyo. Mar Wasiirka wax laga waydiiyay hawlahan sahaminta waxa uu yidhi
‘’Waxaanu shirkadda TGS la saxeexanay in ay noo samayso xog rasmi ah oo ay
Somaliland leedahay si dunida aanu ugu bandhigno khayraadkeena, Maadaama
qarnigii tagay xogtii uu lahaa dalku ay gacanta ugu jiraan shirkaddo kale oo
aynaan heshiis la galin’’.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|
|