|
|
NEWS
|
|
|
Wasiirka Kalluumaysiga
Somaliland Oo xaqiijiyey In 12 Markab Xukuumaddu U Oggolaatay Inay Ka
Kalluumaystaan Badda Somaliland December 30, 2007
Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Somaliland Md. Cali Qorseef, ayaa sheegay 12
markab ay xukuumaddu ruqsad u siisay inaym ka kuluumaystaan badda Somaliland,
kuwaas oo uu xusay in dakhliga ka soo xaroodaa ku jiro miisaaniyadda qaranka.
Md. Cali Qoorseef waxaa uu sidaa ku sheegay xog-waran uu shalay xafiiskiisa ku
siiyey weriyaal ka tirsan shebekada wararka hadhwanaagnnews.com iyo wargeyska
Jamhuuriya, waxaana Wasiirku tilamaamay in xukuumadda Somaliland dalka Itoobiya
heshiis kula gashay in khayraadka badda iyo milixda laga soo saaro xeebaha
Somaliland ay ganacsatada kaga qaataan bilaa cashuur.
Wareysiga Wasiirka Kalluumaysiga Md. Qoorseef oo dhinacyo badan taabanayey, isla
markaana ahaa mid aad u dheer waxa uu u dhacay sidan:
S: Wasiir, dhawaan waxa jiray doonyo si sharci-darro ah uga kalluumaysanayey
xeebaha galbeed ee Somaliland oo la qabtay. Waxaad nooga warantaa halkay ku
dambeeyeen doonyahaas iyo dadkii watay?
J: Horta mar walba waa la qabtaa doonayaha oo waa joogto, waxaanay ku xidhan
tahay kolba sida ciidanka ilaalada xeebuhu uga hawlgalaan, dhawrkan bilood ee u
dambeeyey waxay soo qabteen ilaa shan doonyood, tii ugu dambaysay waxa 12 qof oo
saarnaa iyo doonidiiba dhammaantood way xidhan yihiin.
S: Laakiin, marka doonyaha la qabto, haddana markiiba la sii daayo, arrintaas
maxaa u sabab ah?
J: Waxay ku xidhan tahay, ciidanku wuu soo qabtaa wixii badda ku jira, kadibna
way keenayaan, marka ay keenaan haddii uu sharci Wasaaraddan ka haysto waa la
sii daynayaa, haddii aannu ruqsad haysan oo la caddeeyo waa la eegayaa waxa loo
gudbinayaa Maxkamadda oo xukumaysa.
S: Dadka reer Somaliland ee kalluumaysatada ah iyo dadka wax ka yaqaan baduhuba
waxay sheegaan in si weyn loo xaalufiyey baddii. Markaa ruqsadda Wasaaraddu
bixiso, miyaanay ku jirin shuruudo u diidaya maraakiibta ama doonaha inay ka
kalluumaystaan meelaha dhaw dhaw ee badda iyo nooca kalluunka ah ee ay
qaadanayaanba?
J: Horta meesha waxa taala aqoon-darro, waxa suuqa laga sheegaana waa wax aan
jirin, jaraa’idka waxaan ku arki jiray intii aanan iman 120 markab ayaa jooga
badda Somaliland, waa la xaalufiyey, dhagaxii ayaa la guray, markii aan imi
maxaa jooga ayaan idhi oo 12 markab ayey noqdeen. Marka ruqsadda la siinayo
qaabaa loo siiyaa oo shuruudo ayey leedahay, maraakiibta iyo shabaagtu waa laba
nooc oo kala ah mid (mid-water) oo biyaha dhexdooda ah iyo midna waa ka dhulka
gaadha.
Markaa annagu ruqsadda aannu bixinaa gebigeeduba waxa la yidhaahdaa (Mid-water
traveller) oo aan badda gunteeda gaadhin oo shabagoodu biyaha dhexe ayuu ku
jiraa, waana la baadhaa oo waxa la eegaa shabaga uu sito, waayo shabaggu wuu
kala dalool waaweyn yahay, shabaga daldaloolkiisu waa inuu le’egkaado 70mm,
sababta sidaa loo leeyahay waa in kalluunka wayn mooyee ka yari ka dhex baxo oo
aannu qaadin, makaa ka dal daloolka shabagiisu yar yar yahay ma oggolin. Markaa
shabagga uu sito ayaa heshiiska iyo ruqsadda la siinayo ku taal.
S: Dhawaan waxa jiray in adiga iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyuhu aad socdaal ku
soo marteen meelo ka mid ah xeebta Somaliland, socdaalkiinu muxuu daaranaa?
J: Socdaalkayaga waanu sheegnay oo ujeeddadiisa isaga oo qoraal warsaxaafadeed
ah ayaanu bixinay, markaa wixii waanu caddaynee maxaa muranba keenaya.
S: Ma jirtaa in aad badda heshiis kula soo gasheen maraakiib ruqsad loo siinayey
si ay uga kalluumaystaan badda?
J: Waxba kama jiraan, waa iska ceebayn iyo aflagaado, waxa caynkaas oo kale
ahina sumcadda waddankeena ayey wax yeelayaan, idinka laftiina (saxaafadda)
masuuliyad baa idinka saaran marka waxaas oo kale la qorayo, inta hebel ku xumee
la wado dhibaatada ay geysanayso ayaa ka badan. Wixii aannu u tagnayna
warsaxaafadeed baanu si cad ugu sheegnay, wax heshiis ah oo aannu badda ku soo
galnay ma jirtee heshiiska waxa lagu galaa xarunta waddanka oo Hargeysa ah, bad
gudaheed Ingiriiskii baa la yidhi baddaa heshiis lagula galee ma niman Ingiriis
ah oo soo degayey baanu la galaynay?
S: Doonida aan sharci haysan ee la soo qabto maxaa lagu sameeyaa?
J: Kiiskeeda ayaa la qorayaa, kadibna maxkamadda ayaa la geynayaa, maxkamaduna
waxay raacaysaa sharciga kalluumaysiga u yaal, marka ugu horreysa waa la
ganaaxayaa, waxaannu ku salaysan yahay ganaaxu kolba inta uu misheenkeedu le’eg
yahay, haddii mar labaad la qabto ganaaxu saddex jibaar ayuu noqdaa, mar
saddexaad haddii la qabto waa la xidho saddex sanno doonidana lagala wareego.
S: Mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiillada iyo dad kaleba waxay sheegaan in aan
lacagta ka soo baxda maraakiibta badda ka kalluumaysata ee xukuumadda Somaliland
ruqsadda siisay aan lagu darin miisaaniyad sannadeedka dawladda oo aan la aqoon
meel ay ku dhacdo, arrintaas maxaa ka jira?
J: Way ku jirtaa, buuga miisaaniyadda 2007 ayaan iminka hayaa oo ay ku jirto
bogga 4115, waxaanay leedahay dakhliga iyo fiiga kalluumaysiga badda, lacagta ku
jirtaana waxay le’eg tahay hal bilyan saddex boqol iyo afar iyo afartan milyan.
Markaa waxa suuqa laga sheegayaana waa been.
S: Baddeena khayraad fara badan ayaa ku jira, dadkeenuna ugama faa’iidaystaan
siday tahay, wasaarad ahaan maxay siyaasaddiinu tahay si khayraadkaa badda ku
jira loo baro dadka ama aad dalka wax ugu qabtaan?
J: Wax waliba aqoon ayuu u baahan yahay, aqoontana waxa dheer waa in uu jiraa
dhaqan, sidaa daraadeed dadkeenu malaha dhaqan badda, waxaannu soo marnay
Bulaxaar, Ceel-sheekh iyo Lughaya, dhammaantood laashashkii, shabaaktii,
matooradii iyo talaajadihii la siiyey sannadkii 2004 oo halkoodii ku daboolan
ayaanu ugu tagnay, markii aannu waydiinay cid badda gashaba ma hayno ayey
yidhaahdeen oo xabbada kalluun ah ee badda ka soo caarida uf baannu nidhaanaa.
Waxaannu ku nidhi saddex sanno ayey alaabtani taalay oo way khasaaroobaysaaye
waannu idinka qaadaynaa oo Berbera, Saylac iyo meelahaa kale ee ka
faa’iidaysanaya ayaanu u gaynaynaa. Meelahaas oo odhan waxa loo tababaray
shaqaale markii ay dhammaysteena qof waliba meel ayuu qabtay.
Badda khayraad badan ayaa ku jira oo cilmi-baadhistii ugu dambaysay ee la qaado
1986-kii oo markii Soomaaliya aynu isku jirnay loo sameeyey badda Somaliland oo
850KM ah 100,000 Tan oo kalluun ah ayaa sannadkii iyadoon waxba la yeelin
noolaha badda ku jira ayaa lagala soo bixi karaa, boqolkaa kun ee tan markaanu
eegnay lix kun ayaa lagala soo baxaa sannadkii. Waxaannu ku talo jirnaa in
meelaha Berbera, Saylac, Maydh, Xiis, Karin iyo Laasqoray in aannu u kordhino
awoodooda, si hadhaw meelaha kale ugu daydaan, in kastoo ay jiraan duruufo oo
marka uu ninku badda ka soo saaro waa in uu helaa suuq lagaga iibsado oo
kalluunka laga soo saaro Buloxaar ama Lughaya suuqa uu haystaa waa Hargeysa ama
Jabuuti, markaa ma hayso gaadhi ama qaboojiye uu intaa ku soo qaado, waddadii oo
xunna way dheer tahay. Aqoon iyo maalgashigiiba in aannu u raadino oo siyaasad u
samayno, taasi ayaanu isleenahay wax ugu qaban karaysaan.
S: Dalka Itoobiya ee aynu jaarka nahay malaha bad, kalluun badana way
isticmaalaan, innagana waxa inooga yimaadda jaad ay dakhli badan ka helaan.
Idinku xukuumad ahaan ma isku daydeen siyaasad kalluunkeena aynu ku baddelano
jaadka Itoobiya inooga imanaya?
J: Haddadan baannu ka hadlaynay, waxaanna jira dad badan oo doonaya, laakiin
markay ku yidhaahdaan 30 tan ayaan kaa doonaya wiig walba innaga awooddeenu maba
samayn karno, iyagu waa diyaar’e innagaan bixin karayn wixii la inooga baahnaa.
Ilaa saddex shirkadood baa geeya, oo kuwii toddobaadkan geeyey saaka [shalay]
halkan ayey ila joogeen, oo waxay ka cabanayeen xadka ayaa waxoogaa nalagu
daayey, taana waannu kula hadlaynay in la fududeeyo oo markiiba waraaqaha la
siiyo illeyn waa hiliboo ma sugi karo waqti dheer.
Siyaasadda kalluunka sidii looga faa’idaysan lahaa waannu samaynay, laakiin
ciddii fulin lahayd baa loo baahan yahay, maaha dawladdu inay wakaalad samayso
oo iyadu iibiso sidii nidaamkii Hantiwadaaga, taasi dastuurkeena ayaan oggolayn,
laakiin siyaasadda markay dawladdu samayso in dadku fuliyaan wixii dawladdu la
qaban karayso la qabato. Iminka suuqa waannu u soo diyaarinay oo waxaannuu uga
soo dhammaynay Itoobiya wixii badda ka soo baxa ee ah kalluun, aargoosato, milix
iyo waxyaabo kaleba inay bilaa cashuur ku galaan waanay haystaan fursadii,
laakiin intii loo baahnaa bayna wada gaadhsiin karayn.
S: Somaliland wali ictiraaf may helin, dhoofka xoolaha oo laf-dhabar u ahaana
cunaqabatayn baa saaran, dhaqaaluhuna wuu liitaa, sidee looga bixi karaa
xaaladdaa adag ee lagu jiro?
J: Waddan walba waxa uu qabsado dadkiisu ayaa lagu qiimeeyaa, 17-kaa sannadoodba
waxaynu qabsanay ayuun bay ku jirnay oo halkii aynu ka bilownay 1991-kii iyo
maanta farqiga u dhaxeeya waynu arkaynaa, markaa dadaalkuna wuu jiraa awoodeenu
hadba sidaynu u shaqaysano ayey ku xidhan tahay oo horumarkeenuna ku xidhan
yahay, rajada muuqataana waa mid aad u fiican.
S: Xukuumadda aad ka tirsan tahay waxa loo soo jeediyaa dhaliilo farabadan oo
dhinaca dhaqaalaha ah, kuwaas oo la xidhiiha musuqmaasuq hay’adaha dawladdu ku
kacaan, waxa la yidhaahdaa waxa soo maray dalka shantii sannadood ee
dhaqaalihiisu ugu liitay, dhoofkii xooluhu wuxuu xidhan yahay, shaqo la’aan
badan ayaa jirta, sixir-bararkii cirka ayuu isku shareeray, arrimahaas maxaad ka
leedahay?
J: Wax walba in iska sheego maaha, ee marka wax la sheegayo wax cad oo qoraal ah
oo la is barbar dhigo la keenaa, waa in la yidhaahdaa waxbaynu dhoofin jirnay oo
intaas lacag ah ayaa innaga soo geli jirtay, iminka hoos buu u dhacay oo la
sameeyaa is barbar dhig qoraal ah oo cilmi ku dhisan, laakiin haddii hadal aan
caddayn lahayn la sheego waa wax aan macno lahayn. Runta markaynu sheegayno wuu
korayaa dhaqaaleheeno.
Meel shaqo ka socotana waa la is dhaliilayaa, la ismaagayaa oo waxbaa la iska
sheegayaa, waa iska caadi oo meel aan waxbaba ka socon waxba la iska sheegi
maayo.
S: Waxa jiray in hoggaamiyayaasha ururka QARAN oo ah rag miisaan weyn ku leh
dalka la xidh xidhay, kadib markii ay urur ku dhawaaqeen. Xadhiggoodii,
siidayntoodii iyo sharciyadda in urur la samaysto adigu sideed u aragtaa?
J: Horta maaha in qofku yidhaahdo aniga sidaasay iigu muuqataa iyo sidaasaan
jecelahay, waxa weeye xeerar, sharci iyo dastuur baa yaal, kaa ha lagu kala baxo,
innagu waxan horteed ayeynu samaysanay xeerar aynu raacno, markaa kuwii hala
raaco oo aynu ixtiraamno.
S: Marka sharci la isku qabto maxkamadda dastuuriga ah ayey ahayd inay kala
saarto, waxa la leeyahay maxkamaddii sare hay’adaha dalka dhex uma aha oo inta
badan xukuumadda ay la safato, markaa halkee lagu kala baxayaa?
J: Markay wax dhacaan kiis ha la geeyo, ha baadho, hala eego, ciddii gar lihi
haddii ay ku qanciweydo waa in ay tidhaahdaa gartaasaan lahaa markhaatigeediina
waa kaas waa la ii xukumi waayey, markaa caddaalad-darro ayaa ka dhacday,
laakiin iyada oo aan waxba la geynba haddii la yidhaahdo meeshaasi dhex maaha oo
sharci maaha, taasi waa khalad, markayse wax qaado ee ay ka soo baxaan ayaa wax
la odhan karaa. Markaa ayeynaan ka hordhicin oo wixii aynu samaysanay innaga
ayaa caayeynee aynu ka dayno.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|
|