|
|
NEWS
|
|
|
C/llaahi Maxamed Rooble "Wiil 18 Jir Ah Ayaan Usoo Qabanay Qaraxii Saaka Lagu
Dilay Afhayeenka G/Banaadir"
December 29, 2007
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble ayaa sheegay in ay gacanta
ku soo dhigeen shaqsigii ka dambeeyay dilkii Afhayeenka Gobolka Banaadir ay
gacanta ku soo dhigeen.
C/llaahi Maxamed Rooble oo Saxaafada kula hadlay Qabuuraha Sheekh Cali Cabdulle
ee Duleedka Bari ee Magaalada Muqdisho wax yar kadib markii la aasay Afhayeenka
ayaa waxa uu sheegay in wiil 18 jir ah ay usoo qabteen falkaas.
"Wiil 18 jir ah ayaan usoo qabanay qaraxii saaka lagu dilay afhayeenka G/Banaadir"ayuu
yiri C/llaahi Maxamed Rooble oo saaxiib dhow la ahaa Afhayeenka geeriyooday
Maxamed Muxyadiin Cali.
Waxa uu sheegay in wiilkaas yar lagu hayo Xabsiga Nabad Sugida, isla markaana
baaritaan la marsiin doono, isagoo intaa ku daray in sharciga la soo taagi doono.
"Ma hubo inuu ka dambeeyo isaga, laakiin waxa uu ahaa ninkii fuliyay, mobil uu
heystay oo uu ka hagayay iyo dugsi uu galay ayaan ka soo qabanay"ayuu yiri
Gudoomiyaha Degmada Kaaraan
Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan Dowladda Kmg ah oo soo gaaray halkii qaraxa uu ka
dhacay ayaa waxay ka wateen dad gaaraya ilaa ruux, kadib markii ay howl gal ka
sameeyeen
__
Source: Jowhar
Printer Version
| |
|
|