|
|
NEWS
|
|
|
Maalintii Afaraad Ayay Kooxo Hubaysani Afduub Ku Haystaan Laba Haweena Oo U
Shaqaynaayay Haayado Samafala Boosaaso
December 29, 2007
Maalintii afaraad ayaa afduub si sharci daro ah loogu haysto laba samafalayaal
oo ka tirsan hay’ada caalamiga ah ee MSF Spain, kuwaasi oo kooxo hubaysan ay
afduub ugu haystaan duleedka magaaalda Boosaaso, ayaa xaaladooda laga warqabin
sida ay tahay iyo waxa ay ku sugan yihin.
Mercedes García oo ah Dhaqtarad u dhalatey wadanka Spain iyo Pilar Bauza, oo ah
kalkaaliso caafimaad oo u dhalatey dalka Argentine, ayaa maalintii talaadada
waxaa dabley hubaysan ka qafaasheen agagaaraha xarun ay ku quudin jireen
boqolaal caruur Soomaaliyeed, waxaana afduubka lagula kacay samafalayaashaasi si
weyn u cambeereyey iyo beesha caalamka.
Ciidamada Booliiska Puntland oo ku baxay markii uu dhacay falkaasi afduub ay
sheegay inay ku hareeraysan yihiin dableydii afduubka geystey, laakiin wali ma
jirto in lagu guuleystey siideynta shaqaalahan waxaana dhinaca kale soconaya
dadaalo ku aadan sidii loo siideyn lahaa shaqaalaha hay’ada MSF, iyadoo ay u
yimaadeen magaalada Boosaaso siideynta samafalayaashaasi wafdi ka socda
Dawladaha Spain iyo Argantine oo ay ka soo kala jeedah labada dumarka ah ee
afduubka lagu haysto.
Dawlad Goboleedka Puntland ayaa shaaca ka qaadey inaanay jiri doonin wax
wadaxaajood ah oo ay la galayso kooxda afduubayaasha ah, isla markaana ay qaadi
doonto talaabo adag.
Laakin dadka falanqeeeya siyaasada Maamul Goboleedka Putland ayaa sheegaaya in
ay tani tahay xeelad cusub oo ay ciyaarayaan hogaamiyaasha maamulkaasi oo ay
doonayaan sidi ay dhaqaale u heli lahaayeen, taasina waata sababtay in
todobadkii hore afduub loogu geystay wariye faransiisa oo aakhirkii lagu soo
daayay 80.000 kun oo dolar oo Madax Furashaa .
Dhanka kalena Waxa jira warar hoose oo shegaaya in xubno ka mida Maamulka
Putland ay dhex dhexaadin la wadaan wakiilo ka socda safaaradaha Spain iyo
Argantine ee Magaalada Nairobi oo ay doonayaa in Madax furasho ay bixiyaan.
Dareenka dadweynaha Magaaloyinka Putland ayaa kacsan iyago la amakaagsan
xeeladahan ay la soo baxeen Maamulkoodu.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|
|