|
|
NEWS
|
|
|
Guddoomiyaha KULMIYE ee Gobolka Hargeysa Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay
Masuuliyiinta Degmooyinka
December 29, 2007
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Gobolka Hargeysa, Md. Axmed Cumar Cabdillaahi (Xamarje),
ayaa sheegay in ay wax-ka-beddel ku sameeyeen masuuliyiinta xisbiga degmooyinka
Gobolka Hargeysa. Sidaan waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed qoraal oo uu xalay
soo saaray.
War-saxaafadeedkaas oo faahfaahsanina waxa uu u dhignaa sidatan:
“Iyada oo la tixgalinayo baaxada iyo muhiimada taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee
caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan degmooyinka gobolka, waxa noo farxad ah in
aannu halkan ugu soo gudbino taageerayaasha xisbiga guud ahaan in hoggaanka
cusub ee xisbiga KULMIYE ee gobolku uu dib-u-habayn iyo wax-ka-beddel ballaadhan
ku sameeyey maamulka xisbiga ee degmooyinka gobolka iyo laamaha, iyada oo lagu
salaynayo talooyinka iyo rabitaanka taageerayaasha xisbiga ee gobolka, isla
markaana hoos loo daadajinayo hannaanka talo wadaaga ee xisbiga oo ka soo
unkabamaysa unugyada iyo laamaha hoose ilaa halka ugu sarreysa.
Sidaa darteed, waxaannu magacawnay saddex Guddoomiye-degmo oo kale ah:
1. Maxamed Siciid Saleebaan, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada 26 Juune.
2. Cabdirashiid Haybe Cabdillaahi, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada
Ibraahim Koodbuur.
3. Maxamed Xuseen Jaamac, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Degmada Axmed-dhagax.”
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|
|