|
|
NEWS
|
|
|
Kulan Lagaga Hadlayo Dhibaatada Gudniinka Fircooniga Oo Burco Ka Furmay
December 28, 2007
Kulan lagaga doodayey dhibaatada gudniinka fircooniga ah oo ay ka qaybgaleen
soddon xubnood oo ka socda macallimiinta dugsiyada GobolkaTogdheer, ayaa shalay
ka furmay magaalada Burco.
Kulankan oo ay soo qabanqaabiyeen hay’adda Candlight qaybteeda caafimaadka, gaar
ahaan FGM-ka, ayna maalgalisay hay’adda ISF, ayaa ujeeddadiisu la xidhiidhay
sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada iyo khatarta uu leeyahay
gudniinka fircooniga ahi, isla markaana macallimiintu qayb uga qaadan lahaayeen
sidii ardayda dugsiyada iyo waalidiinta loogu baraarujin lahaa dhibaatada
caafimaad ee uu sababo gudniinka fircooniga ah.
Sahra Axmed Gaas oo ah madaxa FGM-ka ee magaalada Burco oo kulankaa ka hadashay,
ayaa ku tilmaantay gudniinka fircoonig ah aafo weyn oo u baahan in bulshada laga
wacyigaliyo, lana fahmo saameynta uu ku yeesho dhinaca caafimaad ahaan qofka
haweenka ah, “Sidaa darteed, haddaad tihiin macalimiintii waxa laydinka baahan
yahay inaad doorkiina ka qaadataan sidii caadada xun looga tirtiri lahaa
bulshada."
Sidoo kale waxa kulankaa hadal kooban ka ka jeediya Prof.Xasan Daacad oo ah
maamulaha dugsiga VTC-Burco, waxaannu si faahfaahsan uga warramay halista uu
leeyahay gudniinka fircooniga ahi, isla markaana yahay caado iyo dhaqan xun oo
aan ku jirin diinta islaamka.
Kulankan oo socon doono laba casho ah, ayaa muddada uu socdo waxa si weyn loogu
lafoguri doonaa mushkiladda iyo dhibaatada gudniinka fircooniga, loogana tirtiri
lahaa bulshada.
Waa markii u horreeyay ee mashruuc noocan oo kale oo bulshada lagaga
wacyigalinayo sidii looga hortagi lahaa halista uu leeyahay gudniinka fircooniga
ahi laga hirgaliyo Gobolka Togdheer.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|
|