|
|
NEWS
|
|
|
Baaqa Ka Soo Baxay Shirweynihii Haweenka Somaliland Iyo
Nuxurka Uu Xambaarsan Yahay
December 28, 2007
Shir ballaadhan oo muddo saddex maalmood ah uga soconayey Hotel Ambassador ee
magaalada Hargeysa Haween tiradoodu gaadhayso 100 xubnood oo kala yimi dhamaan
lixda gobol ee Somaliland iyo degmooyikiisa ayaa shalay halkaas lagu soo
gabagabeeyey, isla markaana waxaa laga soo baaq sigaar ah ugu waajahan
Xukuummada iyo Golaayaasha sharci-dejinta somaliland.
Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabiyey Gaboodka Ururada Haweenka NAGAAD ee
fadhigiisu yahay magaalada Hargeysa, waxaana xidhitaankii shirkaas ka soo qayb
galay Wasiirada ay ka midka yihiin Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo
Deegaanka Fu’aad Aadan Cade, Wasiirka Ganacsiga Cismaan Qaasim Qodax, Wasiir ku
xigeenka Cadaalada Yuusuf Ciise Talaabo iyo Masuuliyiinta ka tirsan Gaboodka
NAGAAD.
Wasiirka Horumarinta reer Miyiga iyo Deegaanka Md Fu’aad aadan Cade oo
xidhitaankii shirkaas hadalo ka jeediyey, ayaa waxa uu aad ugu gubaabiyey
Haweenku in ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka iyo dadkaba wax ugu qaban lahaayeen,
isla markaana shirarkoodu aanay noqon kuwo inta ay isugu yimaadaan meel hadana
ku kala tagaan uun, iyaga oo aan ka soo saarin wax natiijo midho-dhala.
Waxaa kaloo Wasiirku ku buuriyey Haweenka oo uu ku adkeeyey in aanay u furan
Ururada iyo NGO-yada in ay lacag ku raadsadaan sidii ay ugu helilahaayeen, balse
ay daacad ka noqdaan wax qabadka dalka iyo horumarintiisa. Waxaa kaloo uu intaa
raaciyey Xukuumad ahaan wixii ka khuseeya baaqan in ay ka hawl-gelidoonaan.
Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga Md Cismaan Qaasim Qodax oo isna halkaa ka halay,
ayaa si weyn ugu canaantay dumarku in ay dayaceen sheqadii lagu ogaa ee ahayd
barbaarinta awlaada iyo guriga, isla markaana waxa uu sheegay in ay iyagu masuul
ka yihiin arrimo badan oo ay ka cawdaan, sida gudniinka Fircooiga ah iyo
guuldarada kala soo derista marka ay timaado doorashooyinku, isaga oo u
soojeediyey haddii ay doonayaan in ay ka qayb qaataan talada dalka in iyagu is
doortaan oo isu codeeyaan, halka ay cid kale uga codaynayaan, isaga oo tilmaamay
in aanay markaa u baahnayn kooto loo sameeyo, maadaamoo haweenku raga ka badan
yihiin ayuu yidhi.
Gudoomiyaha Gaboodka Ururada Haweenka NAGAAD Marwo Sucaad Ibraahim Cabdi oo
iyaduna halkaa ka hadashay, ayaa sheegtay in muddadii uu socday shirkaasi in aad
loogu falanqeeyey arrimo la xidhiidha garsoorka, ganacssiga iyo siyaasada, oo ay
tilaamantay in ay yihiin arrimaha lafdharta u ah horumarka bulshada, waxaana ay
u soo jeedisay dhinacyada uu khusaynayo baaqaasi in ay fuliyaan.
Marwo Sucaad waxaa kaloo a ay sheegatay in Urarada Haweenku intii ay
qabankarayeen in ay qabteen, balse masuuliyadu ay dawlada saarayaan, iyada oo
xustay in Xukuummada iyo Golayaasha sharci-dejituba in looga baahanyahay in ay
baaqaas dabagal ku sameeyaan. Isla markaaa waxa ay mahadnaq u soo jeedisay ka
qaybgalayaashii shirkaas.
Baaqaas laga soo saaray shirweynahaas Haweeka Somaliland yeesheen oo dhinacyo
badan taabanaya, isla markaana faahfaahsani waxa uu u qornaa sidan:
“Ka dib markii aannu aragney kaalinta haweenka ku leeyihiin horumarka wadanka
iyo dib-dhiska.
Ka dib markii aannu aragney doorka ay haweenku ku leeyihiin ka qeybqaadashada
kobcinta dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka iyo kaalinta siyaasyadda.
Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka muuqdaan
saaxada go’aan qaadashada.
Ka dib markii aannu aragnay muhiimada ay leedahay in haweenku ka qaataan kaalin
mug leh dhamaan dhinacyada khuseeya noloshooda.
Ka dib markaanu aragnay baahida jirta ee dhinaca arrimaha bulshada, garsoorka,
siyaasadda iyo dhaqaalaha
Waxa annaga oo ka kooban haween ka yimid lixda gobal (Sanaag, Sool , Togdheer,
Saxil, Marodi jeex, iyo Awdal) ee Somaliland iskugu nimi shirkan oo soconayay
muddo seddex maalmood ah 25, 26, 27 December 2007
Markii arrimahaa si qoto-dheer loo lafa guray waxa ay haweenka ka soo qaybgalay
saareen baaq ku wajahan xukuumadda iyo golayaasha sharci dejinta oo ah sidan soo
socata:
I. HAWEENKA IYO TALLADA DALKA.
1- In ay dawladu xaqiijiso xuquuqda dastuuriga ah ee ku qeexan qodabadda 8aad
iyo 36aad ee sinaanta xuquuqda muwaadiniinta, waxa xukuumada Somaliland iyo
golayaasha sharci dajinta loogu baaqayaa in ay soo saaran sharci xaqiijinaya ka
qaybqaadashada haweenka ee taladda dalka.
2- Waxbarasho la xidhiidha kobcinta garaadka siyaasadda ee haweenka.
3- Sanduuq dhaqaale oo loo sameeyo haweenka.
4- In wacyigalin loo sameeyo haweenka, taasoo lagu dhiirigalinayo sidii ay
haweenku iyagu tiirsan lahaayeen.
II. ARRIMAHA BULSHADA.
Dhinaca waxbarashada:-
1- In ay dawladdu hirgaliso waxbarasho baahsan oo ay ka faa’iidaystaan dhamaan
qaybaha bulshada sida dadka saboolka, reer guuraaga, hablaha guryaha lagu hayo,
waa in xukuumadu ay fidiso sida dastuurka waafaqsan waxbarasho bilaash ah ilaa
heer jamacadeed ah,
2- Kor u qaadida haweenka xagga waxbarshada, gaar ahaan waxbarashada dadban. In
la sameeyo goobo loogu tallo galey in kor loogu qaado tayada waxbarasho ee
haweenka muddo ka maqnaa waxbarashadda.
3- In la tayeeyo waxbarashadda waa in kor loo qaado aqoonta barayaasha, isla
markaana loo helo mushahar ku filan.
4- Ilo dhaqaale la sameeyo , lana sameeyo xirfada shaqo abuurid?
5- In la helo qorshayaal lagu hor marinayo tayada waxbarashada dadban ee
haweenka oo u dhiganta ta asaasiga ah ilaa heer jamacadeed iyo abuurida xirfado
shaqo.
6- Naafadda waa in la dhiirgaliyo sidii waxabarasho u heli lahaayeen.
Dhinaca caafimaadka:
1- In wasaaradda caafimaadku soo noolayso habka saami qaybinta gobollada ee
shaqaalaha xirfada leh sida dhakhaartiirta iyo kalkaaliyayaasha sare. Si loo
badbaadiyo hooyooyinka iyo dhalaanka u dhinta daryeel la,aan caafimaad xilliga
dhalmada
2- In la loo fidiyo tababaro joogta dhakhaatiira, kalkaaliyayasha si ay u
ogaadaan howlaha caafimaad iyo in la siiyo mushahar ku filan
3- In wasaaradda caafimaadku soo saarto qorshayaal lagu horimarinayo tababaro
loo fidinayo dadka deegaanka (degmooyinka, tuuloyinka) ku nool. Si loo helo dad
aqoon cafimaad leh
4- In kor loo qaado tayada goobaha caafimaadka illaa heer degmo, tuulo. Taasoo
loo sameynaya xurmo caafimaad(MCH) goob kasta oo ay muhiim ku tahay.
5- In la soo saaro shuruuc xakamaynaya tayada dawooyinka lana helo wax lagu
xadidayo farmisiiyada sida xad dhaafka ah u furmaya ee aan aqoon caafimaad
lahayn.
6- Wasaaradda caafimaadka iyo wasaarada ganacsiga waa in ay si wada jir ah u soo
saaraan shuruuc lagu joojinaayo dawooyinka maskax ahaan, jidh ahaan iyo
caafimaad ahaanba wax yeeli kara qofka sida kuwa badala midabka.
7- In la sameeyo wacyigalin lagu joojinayo gudniinka fircooniga ah.
Wacyigalintaasi waa in ay gaadho wadanka oo dhan ilaa heer tuullo,degmo iyo
gobal.
III. GARSOORKA IYO HAWEENKA.
1- n la xoojiyo dhaqangalinta shuruucda la xidhiidha arrimaha qoyska, isla
markaana la cadeeyo cidda ka masuulka ka ah hirgalinta shuruucda. Meeshana laga
saarayo xeer-dhaqameedka iyo odey-dhaqameedyada.
2- Si loo yareeyo furiinka sii kordhaya wadanka waa in la dhiirigaliyo sidii
loogu dhaqi shareecadda islaamka arrimaha la xidhiidha qoyska.
3- In la sameeyo shuruuc lagu xakamaynayo tacadiga haweenka loo gaysto, sida
kufsiga ,garaacista. Khilaafaadka arrimaha qoyska waa in lagu xaliyo shareecada
islaamka oo kaliya.
4- In la kordhiyo goobaha adeega sharciga ee haweenka aan awoodin in helaan
adeeg sharciyeed, lana gaadhsiiyo goballada dalka oo dhan (legal Clinic).
IV. HAWEENKA IYO KOBCINTA DHAQAALAHA.
1- In xukuumadu soo saarto sharciga kala xadaynta ganacsiga si kor loogu qaado
dhaqaalaha ganacsatada yar yar
2- Aqoonta haweenka in kor loo qaado.
3- In la adkeeyo sanduuq dhaqaale oo haweenka ganacsiga ku jiraa ay leeyihiin
4- In la xoojiyo meelaha ay ka jiraan guddiyo ganacsi ee haweenka, lana sameeyo
meelaha aaney ka jirin.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|
|