NEWS

Qarax Aad U Weyn Oo Ka Dhacay Magaaladda Bosaso Wakhti Afduub Loogu Haystay Shaqaale Ajaanib Ah
December 27, 2007


Boosaaso (Somaliland.Org) Qarax aad u weyn oo gilgilay magaaaladda Boosaso ayaa saacaddo yar ka hor fiidnimadii cawa ka dhacay magaaladda Boosaso ee maamulka Puntland. Qaraxan oo laga maqlayay dhamaan koonayaasha magaaladda ayaan iilaa imika la garanayn waxa sababay iyo cidda ka danbaysay.

Degaanadda Puntland ayaa lixdii bilood ee ugu danbeeyey waxa kusoo badanayay nabadgelyo xumadda iyo afduubka shaqalaha ajanabka, iyada oo muddo hal bil gudaheed ah lagu afduubay shaqalo ajaaneb ah oo kala duwan.

Magaaloyinka kala duwan ee Puntland, siiba Garowe iyo Boosaso ayaa waxa sidoo kale bilahii ugu danbeeyey kusoo badanayay dilalka qorsheysan iyo iska horimaadka maleeshiyoyin hubaysan.

__

Source: Somaliland Org
 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].