|
Haweenay Ajnebi Ah Oo Laga Afduubay Badhtamaha
Boosaaso
December 27, 2007
Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in duleedka magaaladaas ay
isku horfadhiyaan ciidamada ammaanka Puntland iyo raggii afduubay laba gabdhood
oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaas oo shalay subax lagu afduubay gudaha
magaalada Boosaaso.
Wararku waxay intaas ku darayaan in labo ka mid ah ragga afduubayaasha ah iyo
gaadhi yar oo ay wateen ay qabteen Ciidamada Puntland, halka raggii kale ee
afduubayaasha ahaa iyo weliba labadii dumar ah ee ay haysteen lagu hareereysan
yahay.
Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin, balse isa soo taraya ayaa tibaaxaya in uu
jiro dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah raggii af-duubayaasha ahaa, kuwaas oo
qaarkood gacanta lagu dhigay.
Wasiirka Dekedaha Maamulka Puntland Axmed Siciid Aw-nuur oo shir-saxaafadeed
shalay ku qabtay Garoowe uu kaga hadlay arrimaha afduubka shaqaalaha u
shaqeynayay hay’adda MSF-Spain, ayaa sheegay in maamulka Puntland tallaabo ka
qaadayo kooxaha falalka afduubka ah ka geystay Boosaaso, isaga oo intaa ku daray
in aaney wax wadahadal ah la geli doonin kooxaha afduubayaasha ah, isla markaana
ay awood isticmaali doonaan.
Sidoo kalena, Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo
arrinta afduubka ay wax ka weydiisay Idaacadda VOA laanteeda Afka Soomaaliga,
ayaa sheegay in ragga afduubka ka geysanaya deegaannada Puntland laga soo diray
meelo kale oo aannu sheegin, wuxuuna ku hanjabay inay raggaas gacan bir ah ku
qaban doonaan, isla markaana aanay yeeli doonin in deegaannada Puntland noqdaan
kuwo aan nabadgelyadooda la isku haleyn karin.
Labada gabdhood ee shalay lagu afduubay Boosaaso oo lagu kala magacaabo Pillar
iyo Marcediz, isla markaana u kala dhashay dalalka Argentina iyo Spain, ayaa
xilligii la afduubay waxay ku sii jeedeen xero carruurta lagu quudiyo oo ku taal
xaafadda Raf iyo Raaxo ee bariga magaalada Boosaaso, wuxuuna afduubkani ku soo
beegmay, iyadoo maalin ka hor gacanta kooxo afduubayaal ah laga sii daayay
wariye Gwen Le Gouil oo u dhashay dalka Faransiiska, kaas oo markii la afduubay
doonayay inuu ka soo warramo sida xeebaha ay uga baxaan dadka u tahriiba dalka
Yemen.
Ugu dambeyntiina, magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxay u muuqataa mid
aaney ku nabadgeleyn shaqaalaha ajnabiga ah, waxaana ka dillaacay kooxo budhcad
ah oo qafaasha dadka ajaaniibta ah, iyadoo mar sii horreysayna rag hubeysani
afduubteen diyaarad qaad geystay madaarka Boosaaso, inkastoo la sheegay in
raggaas xurguf ka dhexeysay ganacsato qaadka ka baayacmushtarta oo diyaaraddaas
kireysatay.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|