NEWS

Dawladda Maraykanku Waxay si Fiican u Gacansiin Doontaa Somaliland Sidii loo Aqoonsan Lahaa”Ambassador Michal Ranneberger, Safiirka Maraykanka u Fadhiya Kenya
December 27, 2007


Wefti ballaadhan oo ka tirsan guddida doorashooyinka iyo axsaabta Somaliland oo Isniintii toddobaadkan u ambabaxay magaalada Nairobi si ay uga mid noqdaan goo-bjoogayaasha shisheeye ee dusha ka ilaalinaya doorashooyinka madaxtooyada, baarlamka iyo golayaasha degaanka ee maanta ka dhici doona dalka Kenya, ayaa la kulmay safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Nairobi, Ambasaddor Michael Ranneberger.

Sida uu Jamhuuriya u xaqiijiyey Xoghayaha siyaasadda ee xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, ahna xubnaha xisbigooda uga qaybgalay safarkan, waxa uu sheegay in markii xubnaha weftigooda ka degay garoonka diyaaradaha ee Jomo Kentatta Airport, iyaga oo ay hoggaaminayaan Mac-hadka International Republican Institute oo suurtogeliyey safarkooda la geeyey guriga uu degan yahay safiirka dawladda Maraykanka u jooga dalka Kenya, Ambassador Michal Ranneberger, isaga oo u soo dhaweeyey si diirran, isaga oo mid-mid u gacan qaaday, waxana halkaa loogu diyaariyey casho-sharaf weftiga Somaliland iyo wufuud kale oo dhowr ahayd, waxaannu sifiirku hadal kooban oo soo dhawayn ah u jeediyey wufuuda waxa uu yidhi; “Waxaad ka mid noqon doontaan goob-joogayaasha doorashada dalka Kenya ka dhici doonta oo ah tii labaad ee si dimoqraadi ah looga hirgeliyey dalka Kenya. Labada nin ee ugu cadcad aad bay isugu dhaw dhaw yihiin, natiijada dhawaan lagu dhawaaqi doono dhawaan.”

Waxaannu safiirku kulankaa ka tiriyey waddamada wufuudoodu ka qaybgeli doonaan doorashada dalka Kiiniya, isaga oo xusay Somaliland iyo Bosnia Helsagovena. Casho-sharaftaa kadib Ambassador Michal Ranneberger, waxa uu si gooni ah ula kulmay weftiga Somaliland, waxaanay iska waraysteen arrimaha dimaqraadiyadda iyo sidii beesha caalamku u aqoonsan lahayd Somaliland, waxaannu safiirku u sheegay weftiga reer Somaliland in wax badani iska beddelay aragtida dawladda Maraykanka ee dalkii Soomaaliya, isla markaana Somaliland si fiican uga gacansiin doonaan sidii ay u heli lahayd aqoonsi. “Dawladda Maraykanku waxay si fiican u gacansiin doontaa Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa, waxana loo baahan yahay in waddamada AU-da culays badan lagu saaro arrintaas, annaguna waxaannu diyaar u nahay in aannu raacno dawladda u horreysa ee ku dhawaaqda arrintaas oo aanu gacan ka geysan doono,” ayuu yidhi Ambassador Michal Ranneberger.

Waxa weftiga iyo sifiirku ka wada hadleen waxyaabaha Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya iyo siday ku hanatay nabadda ay haysato, iyaga oo weftigu u sheegay in dadka reer Somaliland dhaqan u leeyihiin nabadda, lagana soo bilaabay geed hoostii, go’aanna ay ku gaadheen inay dhistaan qaran la yidhaa Somaliland.

Waxa weftiga Somaliland kala tegi doonaan saddex gobol oo kala ah Nairobi, Massay oo ah dhulka dadka Masaydu degto iyo Garisa oo ah gobolka Soomaalida dalka Kenya.

__

Source: Jamhuuriya

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].