NEWS

Labo Sarkaal Oo Ka Tirsan Shaqaalaha Hay'adda MSF Spain Oo Lagu Afduubtay Magaalada Boosaaso
December 26, 2007


Labo ka tirsan shaqaalaha Ajnabiga aha ee hay’adda MSF Spain ayaa goor dhoweyd waxaa lagu qafaashay xaafada Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi Bari.

Afduubka labadan sarkaal ee ka tirsan hay’adda MSF Spain ayaa yimid kadib markii
kooxo aan la garaneyn oo hubeysan ay wadada ka qafaasheen xilli ay saaka ku sii
jeedeen goob lagu quudiyo caruur Soomaaliyeed oo ay doonayeen inay booqasho ku tagaan.

Labadan shaqaalaha ah ee ajnabiga ah ayaa la sheegay inay yihiin haween mid ka mid ahna ay u dhalatay dalka Arjantiin, lamana garanay sababaha ka dambeeya qafaalkooda inkastoo ay arrintani ku soo beegeyso xilli labo cisho ka hor la sii daayay weriye u dhashay dalka France oo isagu ay kooxo ku qafaasheen degaano ka tirsan degmada Boosaaso.

Saraakiisha amniga ee degmada Boosaaso ayaa iyagu xaqiijiyay qafaalka labadaasi sarkaal ee ka tirsan shaqaalaha hay’adda MSF Spain, waxayna ku war geliyeen mas’uuliyiinta kale ee hay’addaasi iyo saxaafadaba inaan la faah faahin arrintaasi, ayna ku raad joogaan ciidamada Booliska saacadaha soo socdana ay war saxan siin doonaan mas’uuliyiinta hay’adda iyo warbaahintaba.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli habeeno ka hor ay sii daayeen kooxihii
qafaashay weriye Faransiis ah, sidoo kalena todobaadyo ka hor laga sii daayay dekeda Boosaasoo markab u qafaalnaa kooxo burcad badeed ah oo kula soo gambaday xeebaha degaanadaasi.

__

Source: Jowhar

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].