NEWS

Waftigii Ka Qayb Galaayay Doorashooyinka Kiiniya Oo La Kulmay Safiirka Maraykanka
December 26, 2007


Xubnhihii ka socday sadexda xisbi qaran iyo Komishinka Doorashooyinka Somaliland, ee lagu casuumay inay goob joogeyaal ka noqdaan doorashooyinka Baarlamaanka ee ka dhacaya dalka Kenya, 27-ka bishan, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Maraykanka u fadhiya Magaalada Nairobi Michal Ranneberger, oo ay kala hadleen qadiyada Somaliland.
War-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii lagaga hadlay kulankaas, oo weftiga oo soo saaray Gudoomiyaha Siyaasada xisbiga UDUB, Cumar Jaamac faarax, oo ka mid ah weftigaas, ayaa u qornaa Sidan:-

"Waxaanu Isniintii gaadhnay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, halkaas oo aanu ka mid noqonayno goob joogayaasha caalamiga ee sida rasmiga ah loogu casuumay doorashooyinka ka dhacaya dalka bishan 27-keeda. Markii aanu ka soo degnay Jomo Kentatta Airport waxa markiiba lana geeyey iyada oo ay na wadaan Machadka International republican Institute oo suurta geliyey safarkayaga guriga uu degan yahay safiirka Dawladda USA u jooga dalka Kenya ambassador Michal Ranneberger oo halkaas si diiran noogu soo dhoweeyey mid midn noogu gacan qaaday.

Waxana halkaas naloogu sii diyaariyey casho sharaf wefdigayaga iyo wufuud ka kala yimi dalal dhowr ah. Ka hor intii aan la cashayn ayaa safiirku hadal soo dhoweyn ah halkaa nooga soo jeediyey, waxuna tilmaamay inaad goob joog ka noqon doontaan doorashada dalka oo ah tii labaad ee si dimoqraadi ah looga hirgeliyey dalka Kenya. Waxu xusay inay labada nin ee ugu cad cad ay aad isagu dhow lana sugayo natiijada doorshada dhowaan. waxu halka ka tiriyey inay wadamo badani ay goob joogayaal ka noqon doonaan isaga u jeeda martida la joogat, waxuna halkaa ka xusay Somaliland iyo Bosniya Helsagovena.

Ka dib cashada ayaa safiirku si gaar ah ula kulmay goob joogayaasha Somaliland halkaas oo aanu iska waraysanay arrimaha dimoqraadiyada Somaliland iyo sida beesha caalamk Somaliland uga baahan tahay inay aqoonsato. waxuu sheegay safiirku inay wax badani hadda iska beddeleen aragtida dawladda Maraykanka ayna si fiican uga gacansiinayso Somaliland sidii loo aqoonsan lahaa hadda.

Waxuu xusay in loo baahan yahay in wadamada AU culays lagu saaro arrintaa anaguna aanu diyaar u nahay inaanu raacno dawladda u horreysa ee ku dhawaaqda, arrintaana aanu gacan ka geysan doono. Waxaanu wax badan iska weydiinay waxa somaliland kaga duwan tahay Soomaliya iyo sida ay ku heshay nabada taamka ah. waxanu u sheegnay in dadkayagu dhaqan u leee yahay Nabada, lagana soo bilaabay geed hoostii oo ay tahay rabitaan ka yimi dadka,inay wada dhistaan qaran la yidhaahdo Somaliland.

Halka Soomalida shirar loogu qabanayey dibadaha oo aanay marna ka soo baxayn natiijo lagu farxo. Safiirku waxuu sheegay inay Somaliland kala shaqayn doonaan arrimaha amniga iyo Dimoqraadiyadaba.

waxanu maanta booqanay meesha lagu dhaqo xayawaanka (safari parka) anaga oo berri u ambabixi doona Northeast Garisa oo aanu ka noqon doono goob joogayaal anaga oo halkaa joogi doona laba cisho. Waxa wefdigii Xisbiyada iyo Komishanku kala tegi doonaan saddex meelood oo kala ah Nayrobi, Massay dhulkamassaydu degto iyo garisa."

__

Source: Qaran News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].