|
Madaxweyne Rayaale Oo Qurba Jooga Ugu Baaqay Inay
Gacan Ka Gaystaan Waxqabadka Sool
December 26, 2007
Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin ayaa markii ugu horeysay ugu
baaqay qurba-jooga reer Somaliland in ay ka qayb qaataan dadaalada loogu jiro
horumarinta iyo dib-u-dhiska Gobolka Sool.
Madaxweynuhu waxa uu sidaa ka sheegay kormeer uu shalay ku tegay xarunta
Idaacada Radio Hargeysa,iyo dhismaha dib u dhiska biriijka labaad ee Caasimada
Hargeysa,waxaana kormeerkiisaa ku wehelinayey madaxweynaha Wasiiro ka tirsan
Golahiisa Xukuummada, Taliyayayaasha Booliska iyo Military-ga iyo masuuliyiin
kale.
Waxaa kaloo uu Madaweynuhu kormeerkiisa ku soo maray Idaacada Radio Hargeysa, oo
ay xilligan ka socoto shaqo lagu rakirabayo war-lalihiyihii weynaa ee loogu
talogalay in Idaacada dhagaysigeeda lagu baahiyo Guud ahaan wadanka iyo dalalka
Somaliland deriska la ah ba.
Waaxana Madaxweynaha halkaas xogwaran la xidhiidha qaabka ay shaqadu u socoto ka
siiyey Wasiirka Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir,oo tilmaamay in hawsha
rakibitaanka Idaacadu ay marayso meel aad u fiican, isla markaana waxaa uu
sheeagay in si dhaqso ah loo dhamayn doono.
“Waxaan jeclahay in aan halkan uga mahadnaqo raggan dhalinyarada ah ee gaagaaban
ee Idaacada maanta rakibaaya, oo ah laba nin oo walaalo ah.Run ahaantiina ugu
dhoofay ilaa Costa Rica, in ay tababar u tagaan, sidii Idaacadaasi marka ay
timaado ay uga dhigi la haayeen mid inoo shaqaysa, oo Ummadeena aynu ka
gaadhsiino fariinta ay u baahan yihiin. Waayo, mujtamaca intooda badani waxa ay
ku daadsan yihiin daafaha dalka, mana helaan fariinta dhabta ah, haday tahay tu
caafimaad,tu waxbarasho, haday tahay mid baraarujina ma helaan.” Ayuu yidhi
Maxadaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa hadalkiisa raaciyey “Waxaan qabaa
guusha ugu weyn ee maanta aan aniguna [Rayaale] kaga faa’iidaysanayaa waxa
weeyaan, Raggaa dhalinyarada ahi in ay halkan [Somaliland] kala tegi doonaan
shahaado qaaliya oo Qaranku ku maamuusi doono,haddii illaahay yidhaahdo,oo aan u
rajaynayo Idaacadaasi in ay noqoto mid dalka wax weyn ka tari doonta.Waxa kale
oo aan rajaynayaa in aanu halkan ka samayno xarun Air Station ah oo Telefishanka,
si isaguna uu caalamka galo, oo aynu ku gudbino Somaliland, marna dadkeena
ayeynu fariin ugu gudbinaynaa warbaahinta, marana innaga ayaa isku iib-gaynayna.”
Madaxweyne Rayaale Mar uu la hadlayey Qurba jooga reer Somaliland Somaliland
waxa uu yidhi “Raggiina qurbaha joogana waxaa la idinka baahan yahay, Sool waanu
tagnay oo xoolo uma haynee, bal idinka laftigiinu mar mar baad bahashaba [lacagta]
xinka colaada ah u uruurisaane, bal Sool wax aanu horumarinteeda kaga
qaybqaadano,Bariga Sanaag iyo Buuhoodle-ba in aad is-gaadhsiisaan ragiinaa
qurbaha joogaa, waxa ugu yar ee aad uruurin karaysaan.”
Waxaana Madaxweynaha u soo jeediyey qurba-jooga Somaliland in ay is
abaabulaan,isla markaana iska uruuriyaa dhaqaale ay ugu tabarucayaan
dalkooda."Xoolo badan ma haysaan oo waan idin ogahay,oo qurbaad joogtaan,laakiin
hadaad 10,000 oo subscribes ah aad ka samaysaan UK oo kale,Somali Landers badan
ayaad ku joogtaane, oo ninkiiba uu min 20 $ dolar bishiiba bixiyo,waxa ay
noqonaysaa xoolo aad u badan,oo wax badan dalka ka qabta.” Ayuu yidhi.
Waxaa kaloo Madaxweynahu goobtaas kaga gudoomay shahaado sharaf Kaysar
Cabdilaahi Maxamed oo ah tafatiraha Somali Voice ee xarunteedu tahay dalka
Ingiriiska magaalada London, shahaadadaas oo dulucdeedu ahayd guushii uu
Madaxweynuhu ka soo hooyey gacan-ku-dhigista Gobolka Sool gaar ahaan
magaalo-madaxdiisa Laas-caanood.Waxaana Madaxweynuhu uga mahadceliyey Kaysar
gudoonsiinta shahaadaas,isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Qoladan
Somali Voice-na aad baan uga mahadnaqayaa, maadaam oo shaahaadadan iyo
hadiyadaas igudoonsiiyeen, Kaysar aad baan ugu mahadnaqayaa, waxaana aan leeyey
waajibkayagii ayaanu qabsanaye wax dheeraad ah maanaan qabsan, illaahayna ha
nagu garab-galo, dadaalkayagana waanu sii wadaynaa”
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|