|
Erey Aan Ku Sagootiyayo Marxuum Yuusuf Axmed Xasan (Hero)
December 25, 2007
Naf waliba ta mowdka dhadhamisa weeyaan waa la kala horeynayaa uune, waa lays
daba socdaa. Allaah igu og waan ka naxay geerida ku timi marxuum Yuusuf Axmed
Xasan (Hero). Tabaashiirtii uu qaatay isagoo dooba'a ayuu god galay isagoo wali
ku dhegan. Doobnimo macalinimaduu ku bilaabay ayuu ku godgalay. Mudaduu wax ka
dhigayey dalkeena iyo dibadaba (EAU) kama yara 40 sano, macalinimada shaqo la
qabtoo ka sharaf badan majirto. Waayo? Suubanoow Nabigeenii, Sallaa-LLaahu
Caleyhi Wa Sallam, ayaa isku tilmaamay macalin. Marxuum Yuusuf, waxaanan iloobi
karin, fadhiyo aanu wada yeelanay, oo dulucda sheekadayadu ay suugaan ahayd.
Waxa layaabay, shicirka carabiga ah ee uu dusha ka hayey, gaar ahaan shaacir la
yidhaa, Al- Mutanabbi. Waxa kale oo aan la yaabay heeso suudaniya oo uu af
soomaali u tarjumay marxuum Ibraahim Jaamac Uurdoox oo aanan waligeey arag, hees
hees lagu tarjumo oo dhadhankaa leh.
Waxaan ka qoray oo ayaan daradeyda, iga luntay, tix carabiya oo uu lahaa marxuum
Cabdisalaan Haaji Aadan, cinwaankeeduna ahaa ("Maata Qalbii"). Cabdi salaan
Xaaji Aadan oo isna xusuuso badan aanu wadaagno waayo 7-sano ayaanu isku kalaas
ahayn, ayanan ogeyn inuu Af Soomaaliga mooyaane inuu af carabigana ku gabyo.
Waxaan xasuustaa oo kale tix gaaban oo carabiya oon alifay oo anan isaga mooyi,
weli nin kale aanan u akhriyin. Waxaan ka qorey marxuunka, aroor Daare-Salaam,
anaga oo ka quraacanayna dhowr beyd oo ay tirisay gabadh layidhaa Timacad, oo
kamid ahayd 5-tii haweenka ahaa ee uu ninkii wadaadka ahaa xukumay in dhagax
lagu dilo.
Keydka suugaaneed ee uu marxuumku hayey, siduu ii sheegay waxaa ka mid ahaa 200
oo heesood oo duuban. Tix gaaban oo ingiriisiya oo uu alifay marxuunku oo
sawiraysa xaalada qofku galo, markuu aad u qayilo, waanka yar waabanayaa inaan
halkan ku xuso. Waayo, fadhi kooban oo in sheeka taqaanaa ay fadhido ayey ku
qurux badan tahay in laga akhriyo. Marxuunku iskiisa ayuu u ahaa qoraa, waayo
Xidigta Octoobar, ayuu ku qori jirey, sheekooyin taxana ah; kuwaas oo
dhalinyaradu wiilal iyo gabdhaba si la yaab leh u sugi jireen, shaki in aanu ku
jirin in sheekooyinkaasi ay aad sare ugu qaadeen, iibsigii Xidigta October.
Marxuun Yuusuf Axmed (Hero) oo ay sharaf ii tahay inaan ugu yaraan hal "term"
macalin u ahaa, waxaan ku sagootiyayaa," noloshaadii macalinimo ayaad u hibeysay,
abaal marintaada illaahay haka dhiggo janadii Fardowsa macalimiintaadii,
ardeydaadii, eheladaadii iyo adigana Illaahay halkaa ha idinku kulmiyo. Aamiin.
Qoraalkii: A. Y. Ducaale.
Printer Version
| |
|