NEWS

Shirweynihii Ugu Horeyey Ee Ay Isugu Yimaadaan Haweenka Reer Somalilnd
December 25, 2007


Shirweynahii ugu horeyey ee ay ku kulmaan Haweenka reer Somaliland, ayaa maanta ka futamay Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa.

Shirkaas oo uu soo qababqaabiyey dallada Ururada gaboodka NAGAAD, ayaa waxa ka soo qaybgalay wufuud gaadhaysa 100 xubnood, oo kala yimi dhamaan Gobolada iyo degmooyinka Somaliland, waxaana uu soconayaa muddo saddex maalmood ah.

Furitaankii shirkaas ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka wasaarada Beeraha Somaliland Md Aadan Axmed Cilmi dhoola-yare, Agaasimada guud ee wasaarada Caafimaadka Anwar Maxamed Cige, Gudoomiyaha dallada NAGAAD Sucaad Ibraahim Cabdi iyo xubno ka tarsan dalladaas.

Ugu horayn waxa halkaa ka hadashay Guddoomiyaha dallada haweenka ee NAGAAD Sucaad Ibraahim Cabdi, oo sheegatay in shirkani uu yahay shirweynihii ugu horeyey ee ay isugu yimaadaan Haweenka reer Somaliland, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Shirkani waxa weeyaan shirweynihii ugu horeeyey ee Haweenka Somaliland isugu yimaadaan, inkasta oo ay NAGAAD shirarar badan qabatay, tababaro badanna ay haweenka u samaysay, hadana shir la yidhi shirweyne guud, waa kii ugu horeeyey ee Haweenka Somaliland isugu yimaadaan.” Ayey tidhi Sucaad Ibraahim, oo intaa hadalkeeda raacisay mar ay ka hadlaysay ujeeda shirkaas la isugu yimi “Ujeedooyinka shirkan laga leeyahay waxa weeyaan, in la is waydaarso aaraada iyo fikradaha ay qabaan Haweenka reer Somaliland ee ku kala nool gobolada dalka, si la isula jaan-qaado, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha xagga siyaasada, arrimaha bulshada iyo kuwa ganacsiga.”

Marwo Sucaad waxa ay tilmaantay in shirkani kaga duwan yahay shirarkii ay awal hore u qaban jireen, iyaga oo xubnaha shirka isugu yimi ka soo xulay ilaa degmooyinka iyo tuulooyinka dalka. “Runtii shirkani wuu ka gedisan yahay shirarkii aanu qaban jirnay, mar keliya waxaanu aad u gaadhnay oo tagnay baanu is leenahay ilaa degmooyinkii hoose, oo Gobol walba magaalo madaxda uun kuma koobna, waa 100 haweena oo intooda badani waxa ka yimaadeen Gobolada, waxaana ay ka kooban yihiin heer degmo ilaa heer tuulo. Waxaana aanu rajaynaynaa in uu xidhiidhku intaa ka sii socdo, oo ilaa heer xaafadeed la sii socdo. Ujeedada loo gasocdaana waxa weeyaan in shirka ay ka soo baxaan Ajande ay dumarku lee yihiin, oo laga hana-qaadi karo, oo haweenka Somaliland lee yihiin.” Ayey tidhi Sucaad Ibraahim, oo sheegatay in inta badan dallada haweenka NAGAAD ay ku hawlan tahay, sidii ay haweenka ugu fududayn lahaayeen ka qaybgalka talada dalka iyo doorka siyaasada dalka.

Wasiirka Wasaarada Beeraha Somaliland Md Aadan Axmed Cilmi (Dhoola-yare) oo isna shirkaa ka hadlay ayaa sheegay in ay Xukuumad ahaan ku dhiiri-gelinayaan Haweenka Somaliland wax kasta oo ay wax ku qabsanayaan. “Aad iyo aad baanu idinku mahadanaqaynaa, waana aanu idinku dhiiri-gelinaynaa wax kasta oo ay haweenku wax ku qabsanayaan, iyaga oo aynu ognahay in ay yhiin laf-dhabarta bulshada dalka.” Sidaa ayuu yidhi Aadan Axmed Cilmi Dhoola yare, oo intaa raaciyey in dumarka reer Somaliland ay talada dalka ka soo dhex muuqayaan muddooyinka dambe, isla markaana waaxa uu tilmaamay in doorashadii Golaha Wakiilada ee ugu horasay ay ku soo baxeen labada haweenka ee ka mid laba iyo sideetanka xubood ee Golahaas, isaga oo arrimahaas hadlaayana waxa uu yidhi “Inagu hadii aynu reer Somaliland nahay doorashadii ugu horaysay ee lagu soo soo doortay 82-ka xubnood ee Golaha Wakiiladu ka koobayahay, laba xubood oo dumar ah ayaa ku jira, taas waxa aad arkaysaan sida ay bilawga inoogu tahay, marka la eego boqolkiiba inta ay ka soo galeen in ay tahay wax fiican.”

Waxaa kaloo Wasiirku uu ku baraarujiyey Haweenkii shirkaa ka soo qaybgalay in ay ku dadaalaan sidii ay u soo saari lahaayeen awlaad leh tarbiyadii waalidnimo, si ay uga qaybgalaan ayuu yidhi geedisocodka horumarka dalka.

Ugu dambaytii waxaa isna shirkaa ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Awar Maxamed Cige, oo sheegay in wasaarada caafimaadku ay tahay wasaarada keliya ee masuuliyada ugu badan ay dumarku hayaa. “Horta Wasaarada caafimaadku, hadaad si u eetgo waa wasaarada keliya ee masuuliyada ugu badan dumarku hayaan, haday waxa MCH wadanku leeyahay iyagaa maamula, haday tahay Cusbitaalo. Waxaanu ugu door bidnay in ay MCH-yadaa maamulaan, hadii aani u dhiibno nin, waxaanu ognahay in aanu MCH-ku jirayn, oo wiixii yaraa ee maasha yaalayba uu qaad siisanayo.” Sidaa ayuu yidhi Anwar Maxamed,

Waxaa kaloo uu xusay Agaasimuhu in Wasaarad ahaan hawsha ugu badan ee ay qabtaan ay ku tacaluqdo adeegyada caafimaad ee la xidhiidha haweenka iyo caruurta, waxaana uu haweenkaas u soo jeediyey in ay haween ahaan iyagu la yimaadaan dadaal ku salaysan danahooda, isla markaana ay iska saaran fikrada ah waad la idin garbinayaa.

__

Source: Hadhwanaag News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].