|
Shirweynihii SSE-da Oo La Soo Gebogabeeyay Iyo Qoddobadii Lagaga Dooday
December 25, 2007
Shirweynihii ururka xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland ee Qaarada Yurub oo
maalintii Sabtidii ee 22-ka December,2007, uga furmay ururada Jaalliyada
duleedka magaalada Utrecht ee Holland, ayaa waxa maalintii Axadii ka
qaybagalyaashii shirku si aada uga dooodeen qoddobo dhawr ah oo muhiim ah.
Haddaba waxa warbixintan nooga soo diyaariyay weriyaha Jamhuuuriya ee London
Khadar Xasan cali.
Shirkan oo dib la isku soo noqday aroornimadii maalinimadii Axadii saacadu
markay ahayd 09:00 subaxnimo ayaa waxa uu ku bilaabmay qaab siminaar waxaanay
ergooyinkii ka qayb galayay isku qaybiyeen saddex kooxood oo si cilmiyeysan uga
soo dooda, ugana soo baaraan dega qoddomada kale ah:
Horumarinta Bulshada
Xuquuqda Aadamaha Iyo Saxaaafada
Aqoonsi Raadinta
Doodaasi ka dibna waxa ay kooxaha ka qayb qaadanayay shirweynaha u soo
bandhigeen aragtidooda ku aadan sidii wax looga qaban lahaa arrimaha horumarinta,
xuquuqda aaadamaha & Saxaafada iyo aqoonsi raadiska, taasi oo ay ku soo
ururiyeen warbixin qodobaysan oo nuxurkeedu ahaa sida ay u arkaan in wax looga
qaban karo arrimahan dhawrka ah. Kooxdii ka soo dooday Horumarinta Bulshada
waxay isla soo qaadeen sidii loo badhi taari laha tacliinta sare ee Jaamacadaha,
iyadoo wada shaqayn lala yeelanayo Jaamacadaha Yurub si ay suurtagal ugu noqoto
aradayda reer Somaliland in ay helaan Shahaadado caalami ah oo dunida laga
aqoonsan yahay. Dhiirigalinta waxbarashada Internetka iyo waliba in lagu
baraarujiyo aqoonyahanada reer Somaliland ee qurba jooga ahi in ay xirfadahooda
iyo aqoontooda uga soo faa’iideeyaan dadkooda iyo dalkooda. Horumarinta
caafimaadka, tayaynta maamulada rugaha caafimaadka iyo cisbitaalada ayaa iyana
hoosta laga xariiqay. Waxaanay xuseen sida ay loogu baahan yahay in dad shaqo
loo abuuro, taasi oo ay tilaameen ka qayb galayaashu in ay wax weyn ka tari
doonto mashaakilaadka bulsho iyo dhaqaale ee dadka reer Somaliland haysa.
Qoddobka Xuquuqda Aadamaha iyo saxaafada ayaa isna si aada looga dooday,
waxaanay sooo jeediyeen kooxda aqoon isweydaarsiga ka qayb qaatay sida loogu
baahan yahay in kor loogu qaado xuquuqda Aadamaha, taasi oo sida ay xuseen ay
waajib ay tahay in culeys lagu saaro xukuumada Somaliland sidii ay u ixtiraami
lahayd xuquuqda aadamaha. Waxa kale oo ay ugu baaqeen in komishanka qaranka ee
xuquuqda aadamahu inuu noqdo mid dhexdhexaada oo ka madax banana xukuumada
Somaliland . Sidoo kale waxa dooda ka soo baxday in loo baahan yahay sidii kor
loogu qaadi lahaa wacyigalinta hayd’aha ay khuseyso xuquuqda aadamuhu iyowaliba
in shacbiga reer Somaliland lagu baraarujiyo in ay xuquuqdooda bartaan. Dhinaxa
saxaafadana waxay carrabka ku adkeeyeen in ay muhiim tahay in saxaafadu aanay
xadka dhaafin oo ay noqoto mid had iyo jeer danta guud difaacda. Sidoo kalen
waxay u soo jeediyeen xukuumada Somaliland in ay ixtiraamto xeerka saxaafada ee
gollaha wakiiladu ansixiyeen iyo xeerka anshaxa saxaafada.
Derder galinta iyo ka shaqaysiinta gudida ixtraaf raadinta ee SSE ayaa iyana si
aada loo falanqeeyay waxaana la isla qaatay in la xoojiyo xidhiidhka
Jaalliyadaha iyo muadanayaasha baarlamaanka iyo wasaaradaha arrimaha dibada ee
dalalka ay degan yihiin xubnaha jaalliyaduhu, iyadoo laga faa’iideysanayana
saxaafada kale duwan.
Intaasi ka dib waxa shirka warbixin dheer uu ku saabsan waxyaabihii u qabsoomaya
guddida fullinta ee SSE iyo kuwa aan u qabsoomi halkaasi ka soo jeeediyay
gudoomiyaha SSE Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jibriil. Gudoomiyuhu waxa uu ku
amaanay ururada Jaalliyadaha reer Somaliland ee Yurub dedaalka ay ugu jiraan
horumarinta dalkooda iyo mashaariicda wax ku ool ka ah ee ay sannad kasta ka
fullinyaan dalkooda hooyo. Waxaanu xusey waxyaabaha sannadkjii tagay u qabsoomay
guddi ahaan in ay ka mid yihiin dhaqaajinta webka dallada, siminaaro iyo kullamo
ay u sameeyeen ururada reer Somaliland ee London si ay isku xidh u yeeshaan
dhexdooda ah, daraasaad kale duwan iyo qiimeyn ilaa shan ah oo gudoomiye
xigeenka SSE ay ku soo samaysay qaar ka mid ah hay’addaha dowliga ah iyo kuwa
aan dowlaiga ahaynba. Waxaanu intaasi ku daray in wali guddida fullinta ay
qorshaha ugu jirto furitaanka xafiiskii Somaliland Support Office ee Brussels si
looga faa’iideyso xarunta EU-da ee halkaasi ku taalla, iyadoo laga duuleyo
shirkii sannadkii hore ee SSE-da ee lagu qabtay magaalo madaxda dalka Belgium ee
Brussels. Gudoomiyuhu waxa kale oo carrabka ku dhuftay in SSE sii xoojin doonto
xidhiidhka au la leedahay xukuumada Somaliland , waxaanu ku nuuxnuuxsaday sida
loogu baahan yahay in xukuumaduna dhankeeda ay wada shaqayn la timaado.
Gudoomiyuhu waxa ugu danbeyntii uga mahadcelin u soojeediyay ka qayb galayaashii
shirka, Xildhibaan Maxamed cali oo ka tirsan guddida taakuleynta iyo dibu dhiska
gobilada Bari, labada urur ee martigaliyay shirka (Global Society Foundation &
Nomad Holland ), saxaafada madaxa banana ee Gebiley Net, Jamhuuriya iyo Radio
Hormood,
Warbixintaasi ka dibna waxay ergooyinkii shirku si cilmeyaysan uga u lafo gureen
sidii derder loo galin lahaa hawlaha dalada SSE isla markaana xoog loo saari
laha dhinacyada horumarinta iyo waxqabadka.
Gebogabadii shirka waxa ereyo kooban oo dhiirigalin mahadnaqa ka soo jeediyay
Xildhibaan Maxamed Cali oo tirsan xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, isla markaa
ka mid ah guddida taakeynta ee dib u dhiska Gobolada bari , waxaanu ku amaanay
SSE-da dedaalka ay ugu jiraan horumarinta dadkooda iyo dalkooda.
Shirkan oo ku dhamaaday jawi is afgarad iyo walaatinmo badana ka muuqatay waxa
ka soo qayb galay ergooyin matalaya jaalliyadaha Belguim, Denmark , Finland ,
France , Germany , Holland , Italy , Norway , Sweden , UK iyo ururka Aafaraad
Internation.
Dhamaana waxay dadkii ka qayb galay shirku mahadcelin balaadhan u soo jeediyeen
jaalliyada reer Holland oo ay hormood u yihiin Ismaaciil Cawl iyo Maryan gabay
sidii sharafta lahayd ee ay ugu dedaalaan martigalinta shirka oo ay dejiyeen
Hotel ku yaalla duleedka magaalada Utrecht.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|