|
Ururka QARAN iyo KULMIYE Oo Mawaaqiif Adag Wada Gaadhay
December 25, 2007
Ku-simaha Guddoomiyaha iyo masuuliyiinta sare ee xisbiga mucaaradka ah ee
KULMIYE, ayaa xalay xaflad casho-sharaf ah ugu sameeyey hoteelka Imperial ee
magaalada Hargeysa madaxda urur-siyaasadeedka QARAN ee dhowaan ka soo baxay
xabsiga Madheera.
Casuumaddan oo ay ka qaybgaleen Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada,
Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, xildhibaanno ka tirsan Aqalka Wakiillada iyo
marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa waxa labada dhinac isku
waydaarsadeen hadallo isugu jiray mahadnaq, abaal-celin, isgarabtaag iyo
ballanqaadka abaalgud shaqsiyaad, kuwaas oo labada geesood isaga mahad-celiyeen
gudashada waajibaadka siyaasadeed ee u dhexeeyey.
Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Md. Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse), ayaa
isaga oo badheedhihiisa ka dhiibanayey munaasibaddaa waxa uu muujiyey sida
xisbigoodu uga soo horjeeday xadhiggii lagula kacay madaxda ururka QARAN iyo
dhibaatadii muddadii ay xidhnaayeen soo gaadhay qoysaska saddexda hoggaamiye,
isla markaana waxa uu sheegay in KULMIYE diyaar u yahay inuu ururka QARAN kala
hawlgalo abaabul kasta oo dalka lagu badbaadinayo oo xilka lagaga qaadayo
maamulka hadda jira.
Sidoo kale, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose oo ah Guddoomiyaha Ururka QARAN oo
xafladdaa ka hadlay, ayaa qiray doorkii xisbiga KULMIYE ka qaatay xadhiggooda,
isaga oo taas maskaxda ku hayana ay KULMIYE abaalgud uga dhigi doonaan inay kala
shaqeeyaan jiritaanka xisbigooda.
“Waxaan idiin ballanqaadaynaa laga bilaabo caawa [xalay] in aannu ka shaqayno
sidii KULMIYE u dhismi lahaa,” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Hadalladii masuuliyiinta labada dhinac xafladdaa ka jeediyeenna waxay iyaga oo
faahfaahsan u dhaceen sidan:
Kusimaha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Cabdi Iskeerse
“Annagu uma tacsiyadaynayno mujaahidiintaa xidhnaa ee waxaannu ka
tacsiyadaynaynaa dhibaatadii gaadhay xaasaskooda iyo carruurtooda, albaabadii
caddaalad-darradu taallay ee maalin walba ay taagnaayeen iyagoo warqad yar
raadinaya, safaradii ay galayeen, daawadii iyo cuntadii ay ka ilaalinayeen
kulaylka ama qabowga, gurhaya iyo carruurta dayacantay, kuwaas bay ahaayeen kuwa
aannu ka murugaysnayn, ragga xadhigga waa loo sameeyey oo madax bay ku noqdaan,
Ilaahay waxaannu ka rajaynaynaa inay madax ku noqdaan.
Haddii Daahir Rayaale inta la soo qaaday uun aayar la caleemo saaray,
dhadhankeeda iyo dhibaatada ay leedahay baannu garanayn, maalinba siduu tallaabo
u qaadayey Siilaanyo oo uga hadhay 80 cod badbaadada dalka, ayuu toddobadaadkii
ku xigay wasiiradiisa ku yidhi waxaad tidhaahdaan wuxuu dilay Aadan-shiine iyo
Cabdiqaadir Koosaar, haddii aynaan iminka halkaa aynaan kaga hortagin meel ka
xun bay innala gaadhi, dulqaadku ummadda iminka wuu ka dhammaaday wuxuu taagan
yahay xawlal-mariidka, sidii Maxamed Xaashi sheegay hadal wuu dhammaadoo waxba
tari maayo, annagu barito laga bilaabo ururka QARAN-now diyaar baannu u nahay in
aannu idinkala hawlgalno sidaynu abaabul u gali lahayn ee aynu dadkeena u habayn
lahayn ee waxan aynu uga hortagi lahayn, guddiyo ayeynu samayn doona. Dhulka
dimuqraadiyaddu jirto ninka madaxda ah inta la is hortaago ayuun baa la yidhaad
soo bax, waa in aynu gaadhsiinaa waar soo bax oo na soo dhaaf xabbadna
ridimaynee, taa waa in aynu ummadda gaadhsiinaa,” ayuu yidhi Md, Maxamed Cabdi
Iskeerso.
Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka QARAN, Dr. Maxamed Cabdi Gabboose:
“Marar badan baa hadalka waxa ka qiimo badan in aad iska aamusto, waayo dareenka
gudaha waxa cabiri kara aamusnaanta. Xisbiga KULMIYE waxa uu ahaa markaanu
bilownay mashruucan in ummaddu urur-siyaasadeed isku habayso kii ugu horreeyey
ee ummadda u banaamiyey sharciyan in ay xaq tahay Siciid Cilmi Rooble ayuu ahaa
oo KULMIYE ah, waxay muujinaysay kalsoonida ay isku qabaan iyo ta ay u qabaan
dimuqraadiyadda, waxay muujinaysa dhaqankii SNM ee ahaa in aan kursiga lagu
dhagin. Xisbiga KULMIYE nagagama hadhin intaa ee markii nala xidhay dhawaaqii u
horreeyey ciddii ay ka soo yeedhay waxa uu ahaa Axmed-siilaanyo ilaa maalintii
nala soo daayeyna KULMIYE nagama hadhin, xaqiiqdu saddexdayada maaha ee dadka
hogaaminaya ayaa u abuuran taariikh-nololeedkoodii halgan waxa xorriyaddu tahay
iyo waxay ka dagaallameen, waxaan xusuustaa markii aannu xidhnayn maalmihii hore
waxaannu ku jirnay qol daaqado waaweyn leh, maalin goor barqo ah oo daybal
xooglihi dhacayso, markaasaan arkay Maxamed Xaashi Cilmi oo maro yari dusha ka
saarran tahay oo siigadu ku dul dhacayso, kaligay baan waxaan dib u gocday intii
sanno ee uu soo xorraynayey dalkan iyo meesha uu ku dambeeyey iyo cidda ku
xidhatay oo uu oggol yahay, uma qaadan nacasnimo, waxa uu siigada u jiifay in
wada hadal lagu xaliyo, Rayaale taa wuu garan waayey.
Markaannu soo baxnay raggii qiimaha lahaa ee QARAN hoggaaminayey waxay
yidhaahdeen, waxaannu leenahay ehel iyo cid qiimaha ay noogu fadhiyaan tahay mid
culus, waa xisbiga KULMIYE ee sidaa ogaada, waxaan caawa [xalay] hortiina
idiinka xaqiijinayaa nolosha inta ka hadhay inaynu wada soconayno, waxaan
idiinku xaqiijinayaa haddii ururka la oggolaado iyo haddii aan la oggolaanba
hiilkaad noo gasheen mid ka weyn in aannu idiin galno, waxaannu idiin
ballanqaadaynaa laga bilaabo caawa [xalay] sidii KULMIYE ku dhismi lahaa in
aannu ka shaqayno. Waxa la leeyahay urur ahaan uma jirtaane Rayaale ayaad lugta
qabanaysaan oo KULMIYE ayaad dhisaysaan, waa run baannu leenahay, cidna uga
baqimayno Rayaale inuu meesha ka baxo, wanaaggii loo galay abaalkiisii ma gudin,
xushmadii iyo karaamadii loo qaaday wuxuu ku abaalguday inuu sharciga, xuquuqda
muwaadinka iyo haybadii waddankan ku tunto, habeen dhawayd baa la waydiiyo waan
xidhayaa ayuu yidhi, markaa luuqada dhaqankiisu waxay noqotay waan xidhayaa.
Waxaan leeyahay xisbiga KULMIYE, Golaha Wakiillada ee Cabdicasiis iyo xubnaha
kale innagala joogaan iyo shacbi-weynahaba, dagaalkii yaraa baa dhammaaday oo
kii weynaa baa hadhaye in nalaga siiyo gacantii hore mid ka weyn, waxa nalagu
xukumay 101 xeerka ciqaabta guud ee Soomaaliya Muqdisho 1962, xeerkaa waxa laga
soo dheegtay xeerka ciqaabta guud ee Talyaaniga oo Musalini saxeexay 1930-kii.
Qodobkaasi waxa uu leeyahay shan sanno saddexdayadu [hoggaanka QARAN] cid ma
dooran karno, cidna nama dooran karno, doorashana kama qaybgali karno, xisbina
ma gali karno, arrimo siyaasadeedna gacanta lama gali karno, muwaadinimadii
halkaasaa nalagaga qaaday, markii lana soo daayey waxaannu dalbanay warqadii
lanagu soo daayey, waxa nala yidhi salaadiin baa isxilqaantay oo arrinka gashay,
xalay [habeen hore] ayuu hadlay Madaxweyne Rayaale, waxa uu yidhi waxaan ka
saamaxay afarta gidaar inay ka soo baxaan, haseyeeshee waxa laga qaaday oo laga
xayuubiyey xuquuqdoodii siyaasadeed ee ay dalka ku lahaayeen. Dastuurka waxa
iigu qoran in aan xaq u leeyahay siyaasadda dalka in aan ka qaybgalo, xeerkii
Musalini-na waa la igaga qaaday ma Somaliland baa waalan mise Musalini baa ina
xukuma, haddii dastuurku xaq nasiiyey qodobka uu Rayaale adeegsaday waa maxay
ilayn isaga ayaa na aftuubee oo Garsoorka, Xeer-ilaaliyaha, Bangiga wuxuba waa
isaga. Markaa waxaannu leenahay kalgacaylka aannu dalkeenna u hayno gefka intaa
le’eg ma qaadan karnee arrintaa ha laga hawlgalo.
Saansaamaha muuqda oo dhan waxay u muuqataa in aan doorasho dhacay sidii loogu
talogalay, Komishanku waa kuwa laydhkii laga jaray shaqo ay kuu qabtaan iska
daayoo,” ayuu Dr. Gaboose hadalkiisa ku soo gunaanaday.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|