|
Ilaalada Yuusuf Dabageed Oo Dagaal Kula Wareegay Saldhiga Booliska B/weyn Oo
Ay Gacanta Ugu Jirto Ciidamo Boolis Gadoodsanaa
December 24, 2007
Ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ayaa barqnimadii maanta
dagaal kula wareegay Saldhigal Booliska Magaalada B/weyn, oo ay gacan ku
heyntiisa shalay la wareegeen Ciidamo Boolis gadooda.
Dagaalka oo socda 15 daqiiqo ayaa la isku adeegsaday Hubka noocyadiisa kala
duwan ee ka dhaca qoryaha fud fudud, iyadoo Ilaalada Yuusuf Dabageed ay aaqirkii
ku guuleysteen in ay Saldhiga ka saaraan Ciidamadii gadoodsanaa ee ka cabanayay
mushaar la'aanta.
Labo ka mid ah askarta heysatay Saldhiga ayaa dhaawacantay sida ay sheegayaan
wararka aanu ka heleyno Magaalada Beled weyn, iyadoo Xaalada Magaaladaas ay
tahay mid degan.
Shalay ayay aheyd markii Ciidamo Boolis ah ay xoog ku qabsadeen saldhiga
Booliska Degmada B/weyn, kadib markii Ciidamadaas ay cabasho ka sameeyeen
mushaar la'aan soo wajahday.
__
Source: Jowhar
Printer Version
| |
|