|
Aragtida Guddiga Diiwaangelinta
December 24, 2007
Saddexda xisbi qaran ee dalka ayaa sida ku qeexan lambar 14 uu dhigayaa in
jiritaankooda xisbinimo uu dhan yahay muddo 5 sanno ah, taasoo ku eg maanta oo
ay bishu tahay 23 December 2007, iyadoo isla markaana dib loo riixay waqtigii ay
qabsoomi lahayeen doorashooyinka golayaasha deegaanka oo ahayd inay qabsoomaan
15-kii December ee sannadkan.
Golayaasha Degaanka iyo ta Madaxtooyadaba dib u dhiggooda waxa isla qaatay
saddexda sixbi qaran, kadibna si loo sharciyeeyo dib u dhiggaas labada doorasho,
ayaa la mariyey Golayaasha sharci-dejinta, kuwaas oo iyana ku ansixiyey siday ku
soo heshiiyeen axsaabta qaranku, iyadoo ta Golayaasha Degaanka dib loogu riixay
July, 2008, ta Madaxtooyadana dhammaadka August, 2008.
Haddaba, maadaama saddexda xisbi Qaran muddadoodii hawlgal ee sharciga ahady
dhammaadeen, ayaanu wax ka waydiinay madaxda xisbiyada UDUB, KULMIYE iyo UCID,
waxay yeelanayaan. Ugu horreyn waxaanu su’aashaas u bandhignay Ku-simaha
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Maxamed Cabdi Aadan (Iskeerse) waxaanu kaga
jawaabay oo uu yidhi; “Horta guddidii diiwaangelintu ma jirto, meelna uu ka
dhacayna lama oggola, sharciguna ma caddayn oo muu odhan muddadaas ka axsaabi ma
jiraysso. Axsaab la furayna ma jirto, markaa waxay tahay in sida Lubnaan la
yidhaadhdo waqtigii dhammaaye, hala sugo doorasho inta ay dhacayso, taasina waa
uu la sameeyo guddidii diiwaangelinta.
Ilaa haddana dawladda ayaa hortaagan, inta axsaabta la furayo oo kuwo kale ka
soo baxayaan, kuwaas hore ayuubaa jiraya, haddii la furana annaga oo KULMIYE ah
ayaa ka qaybgaelayna tartanka.”
Md. Iskeerse oo ka jawaabayey sida xisbinimadoodu ku xalaaloobayso, maadaama
muddadii sharciga ahayd ay kaga eegtahay beri, [Maanta] waxa uu yidhi; “Waddanku
ma xisbi mucaaarad la’aanayo, haddii ciddii samayn lahayd [guddi diwaangelinta]
aanay jirin, waannu jirayna.
Dimuqraadiyad aan axsaab mucaarad lahayn dimuqraadiyad ma noqon karto, haddii ay
taas dhacdana, waxay noqonaysaa mid keligeed talis ah, haddii kalena waa in la
samaeeyaa gaddidii diiwaangelinta.”
Sida oo kale, Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga UCID, Md. Aadan Mire Waqaf oo ka
jawaabayey mawqifkooda ku aadan maadaama mudadii shanta sanno ahayd ee
sharciyadda xisbigoodu dhamaatay, waxa uu yidhi; “Horta, su’aashaas haddii aad
iweydiisay, guddigii waqtigoodii wuu dhammaaday, wax dambe oo qaabkii hore loogu
doortay dib loogu dooranayaa ma muuqato.
Mar haddii guddidaas sidaas wax u soo habayn jirtay aanay jirin, waxay ila tahay
in aynaan waxba iska weydiinayn arrintaas.”
Sidoo kale, Xoghayaha siyaasadda ee xisbiga talada haya ee UDUB, Md. Cumar
Jaamac Faarax, oo isna faah-faahinayey aragtida xisbigooda ee ku wajahan arrinta
waxa uu yidhi; “Kadib markii aynu qaadanay habka xisbiyada badan, waxa la
sameeyey guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda ka qaybqaadayn, waxana loo
sameeyey hawl cayiman iyo waqti kooban oo ahaa lix bilood waxay ahayd inay kala
reebaan ururrada siyaaasadda, si ay u soo baxaan saddex xisbi qaran, oo ka jiri
doona waddanka sida dastuurku sheegayo.
Ma jiro waqti cayiman oo loo qabtay saddexda xisbi qaran, mana jirto meel ay ku
dhacayso shahaadadii la siiyey.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|