|
Tabo Bar Looga Furay Magaalada Borama Gasaarlayaasha Hilibka Qala
December 24, 2007
Boorama-Tabobar soconaya mudo hal maalin ah oo ay ka qayb qaadanayaan 50 xubnood
oo ka kala socday Gasaarlayaasha, Hilibka kuwa ka ganacsada,kuwa kawaanada ka
howl gala iyo shaqaalaha dowlada Hoose oo tabobar looga furay Xarunta Mana Guest
House ee magaalada Borama Maanta.
Tabobarkan oo ujeedadiisu tahay sidii loo ilaaalin lahaa Nadaafada goobaha lagu
iibiyo Hilibka (Sayladaha) meesha lagu qalo iyo kuwa soo qaada laftooda ayaa
lagu baraarujinayaa inay ka qayb qaataan sidii loo heli lahaa hilib nadiif ah.
Waxaana furitaankii tabobarkaasi ka hadlay Maayarka Magaalada Borama C/raxmaan
Shide Bile waxuuna sheegay in la doonayo si hilib nadiif ah loo dhoofiyo dadkana
looga iibiyo,waxaana lagama maarmaan ah in si wada jir ah looga howl galo oo aan
lagu halayn dowlada Hoose Biyihii iyo Shaqaalihiiba idiin diyaarisay Sidaa
awgeed waxaa la idinka doonayaa inaad Kaalintiina ka qaadataan.
Maayarka mar uu ka hadlayay Tabobarada ay Hayaduhu bixiyaan waxaa uu sheegay
inaanay wakhti haboon oo ku filan barashada waxaasi aanay dadka u qorshaynin
waxuuna intaasi sii raaciyay inaanay hal maalin oo tabobar dad la siiyo aan
waxba lagaga faa’iidayn laakiinse hayadaha looga baahan yahay inay dadka wakhti
badan Tabobarada ugu talo galaan.
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay Khadar Maxamed Cabdi Gaafane oo ku hadlayay
Magaca Iskaashatada Hilibka ee Nafaqo waxuuna ugu mahadceliyay hayadii
Tabobarkan siisay siday iskaga xil saareen dadka ka shaqaysta hilibka iyo kuwa
ka howl galoba laakiinse waxuu codsi ahaan u soo jeediyay in la kordhiyo
tabobarada noocani oo kale ah fursado badan si ay ugu helaan dadku in nadaafada
ka shaqayn teeda baraarujin ugu noqoto, inksata oo uu hadan soo jeediyay in laga
caawiyo qalabka caafimaadka ee lagaga howl galo hilibka .
Waxaa isaguna halkaasi ka hadlay C/laahi Rabiile Good oo ku hadlayay Magaca
Hayadana Tabobarkan bixisay oo la yidhaahdo FAO waxuuna sheegay in tabobarada
noocan oo kale ah ay hore ugu soo qabteen degmooyinka Hargeysa,Berbera,Burco,
Gabiley maanta Borama ay ka wadaan waana mid loo baahan yahay in Nadaafadiisa
laga shaqeeyo hilibka dibada loo iibgeeyo ama loo dhoofiyo kan Sariimadaha
Magaalooyinka dalkeena lagu iibiyo sidii loo daryeeli lahaa caafimaadkooda.
Waana tabobarkii ugu horeeyey ee noociisa ah ee ka furma G/Awdal.
__
Source: Hadhwanaag News
Printer Version
| |
|