NEWS

Maareeye-Ku-Xigeenka Wakaalada Biyaha Burco Oo Ku Eedeeyay Xildhibaano Golaha Degaankaa Iyo Maareeyaha In Ay Majaro Habaabiyeen Wakaaladii
December 24, 2007


Maareeye kuxigeenka Wakaalada Biyaha ee Burco Mr Muuse Cabdi Ismaciil ayaa ku edeeyay xubno ka tirsan golaha degaanka iyo Maareeyaha wakaalada in ay majaro habaayeen dhamaan adeegii wakalaada Biyaha ee Burco Maareeye waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraaid oo uu saaaka xafiiska ku qabtay . isago Maareeyahu daahfuray waxyaabo badan oo ka jira wakaalada Burco shirki jaraaidna waxa uu dhacay sidantan.

Wakalada Biyaha Burco waxa la asaasay 1997 Augusto isla xiliga ayaan anigu aha shaqalihi ugu horeyay ee bilabay asaaska wakalada waxana ka sooqabtay xilal kala duduwan iminkana waxa aan ahay mareye ku-xigeenka wakalada mudada aan soo shaqeeyay waxa wakalada soomaray 4 Mareeye iyo 3 Sadex mareeye ku xigeen sida aynu ognahay bilowgiba wakaladaha Biyaha waxa la hoos geyay dawladaha hoose si ay u kabaan xaga dhaqalaha iyo wayo-aragnimo dartood haseyeshe markidanbe wakalada Hargaysa, Berbera. Borame. Way ka hoos baxeen dawaladaha hoose. Balse wakalada biyaha Burco wali waxa ay ku hoos jirta dawlada hoose in kasta oo dhawr goor laysku dayay in laga madax bananeyo may surobin mudada ay wakaladu soo jirtay waxa ay ugu wanaagsanayd 2000 ilaa 2005 xilaga oo u maareye ka ahaa Maxamud yaasiin waxana uu dhawr goor isku dayay in ay wakaladu ka madax banaanato Dawlada Hoose waana marka hantida maguurtada ah ee Wak.Biyaha Burco leedahay ay wakaladu ibsatay(ha shaqeeyo maanta ama yaanu shaqeyne lasameeyey).

Waqtigan oo D/hoose musuq la tiicaysay waxay Wak.Biyaha Burco ahayd “Lesotho” ka badbaaday mushkiladaas, waxaanay lahayd nidaam xisaabeed & maamul la majeerto. Bishii july ee 2005-ta ayaa waxaa yimi Maareynta hadda jirta,wixii waqtigaa kazoo bilowday ilaa manta waxay wakaaladda si toos ah u hoos-tagtay oo aanu isu dhiibnay golaha degaanka koox ka mid ah,oo si iyaga u gaar ah ugu tagri falay mas’uuliyaddii iyo xilkii wakaaladda, kooxdaas oo tiroyar uun ka ah golaha degaanka.waxay si aan loo shaacin bulshada & dawladda dhexena ogeyn u privatize-garayesteen wakaaladdii biyaha ee caasimadda labaad ee wadanka.xilligan ay kooxdani wakaaladda hantiday waxaadhacday:-

• Waxaa la qoray shaqale aan wakaaladdu qaadi Karin (overstaff ) eeg lifaaqa muujinaya shaqaalaha la qoray (hal go’aan)
• Waxay lumiyeen nidaamkii shaqo-qoriseed, kaas oo ahaa go’aan iyo doorasho ka yimaada maareynta Wakaaladda.
• Waxaa lumay xidhiidhkii wasaaradda arimha gudaha & Biyaha & macdanta ay wakaaladdu lalahayd.
• Waxa laalmay oo la waayey kalsoonidii hay’adaha Ajaanibka a/ caalamiga ah
• Waxa lala’yahay meel ay ku danbeysay deyn WBB kaga maqnayd hay’adaha gobolka oo wasiirada ay khusaysay laga saxeexay,laguna xereeyey wasaaradda maaliyadda deyntaas oo dhamayd ugu yaraan 275,000,000Sl.Sh.
• Waxa lala’yahay deyn WBB ku lahayd d/hoose oo dhamayd ugu dhawaan 117,200,000Sl.Sh.(biyo & cash caddaan ah)
• Waxa baaba’ay nidaamkii xisaabeed ee wak.biyaha Burco ku amaanayd oo la shicibeeyey sida; store regulation-kii iyo qaabkii kharash-gelida oo noqday mid sarifle laga hagayo.
• Waxa heshiis qarsoodi ah lala galay oo lacag aanay check-geeda & foojarkeeda saxeexin oo ka badan (90,000,000Sl.sh) bilwalba loosameeyey shirkadda TOTAL.
• Waxaa dhacday in lagu shubto shidaalkii kaalin aan tirada & xisaab-qabashedeeda shidaal midna la ogeyn kuna kooban Maareyaha oo qudha.
• In Maareyuhu markuu safar u baxayo uu xilkii Wakaaladda biyaha kusii wareejiyo si qayral-sharci ah xubanahaas isu dhiibatada ah .
Dhaqanka noocan ahi wuxuu wakaaladda dhaxalsiiyey:-

1. in la lumiyo kalsoonidii bulshadu ku qabtay adeega wakaaladda
2. in iyada oo biyogelintu kordhayso uu dakhligii wakaaladu wax kor-u-kac ah yeelan waayo
3. in ay hawlgabto oo hoos u dhac iyo fadhiid ku yimaado hantidii maguurtada ahayd ee wakaalada sida; mishiinadii & gaadiidkii oo intoodii badnayd fadhiisatay ( wax lagu daro ha joogeene).
4. in kala shaki & is-aamin la’aani shaqaalaha dhexdoodii timaado(maadaama caddaalad lagu dhaqi waayey.
5. inay dhacdo in saddex xafiis oo is eegaya lagu soo meeleeyo shaqaale hal guri kasoo wada toosay
6. inuu ku dayasho helo oo ladhiirigeliyo musuqii & tuugadii dhinac kasta oo wakaaladda ah.
7. in adeeggii xumaado, tusaale ahaan; xaafado dhami biyo waayaan.
8. in wakaaladdii gasho saf uu ISTAWUU leeyahay nin labadiisa lugood kalahoreeyaan
9. iy0 ugu danbeyntii in caddaalad-daradii iyo musuqii uu u gudbo oo ku fido, jaah-wareerna geliyo magaaladii & bulshadii adeegga loo hayay.

Gebagebo /talo-bixin

1. In Wasaaradda Arrimaha Guduhu (oo ah ta magacwada maareeyaha iyo m/xigeenka WBB) ay qaadato doorkeeda Wakaaladda Biyaha Burco-si buuxda (tixraac waraaqaha sumadahoodu kala yihiin WMB 01-389/03 , WAG/A.Guud/344/05/2003, oo dhammaantood ahaa wareegtooyin ka hadlayey doorka aanay D/hoose u dhaafayn WBB oo ay soo qoreen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda Macdanta iyo Biyuhu.)
2. In la soo diro guddi heer sare ah awood badanna leh oo ka kooban; Wasaaraddda Arrimaha Gudaha, Wasaaradda Macdanta iyo biyaha iyo Hanti-dhawrka guud oo qiimaysa xaaladda.
3. in si magaalada Biyo ku filan loo siiyo la mideeyo ceelasha dawliga ah eek u yaalla magaalada oo hadda u kala qaybsan wasaaradda Macdanta iyo Biyaha iyo Wakaaladda Biyaha Burco.
4. iyo ugu danbayntii in wakaaladda Biyaha Burco loo jirsiiyo D/hoose inta ay u jiraan Wakaaladaha magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama.

S: Maareeye waxaad sheegtay in dhibaato badani ka jirto wakaalada Maxaad wakhti horu ushaacinwayday oo dhaliyay Maanta in aad sheegto?

J: waad mahadsanthaay marka hore anagu ma nihin siyaasiyin is eryanaya ee waxaanu nahay haayad Bulshada u adeegta adeegii bulshadana in la siyaasadeeyo maaha intii horena waxaan ilaalinaayay si aan adeega bulshadu ulumin laakin waxa ay manta gaadhay maal aan laga dhawrsan Karin iyadoo adegii wakaaladu gaadhay meel xun sidaas daradeed ayaa igu kaliftay in aan shaaciyo.

S: Maareeye kuxigeen adiga iyo Maareeyaha wakaaladu waxaad tihiin Masuuliyinti ugu saraysay ee Haayadan yaad ku eedaynaysaaan in ay Wakaalada la soo galeen faragalin iyo xatooyo ?

J: haa waa run waxii khalada ee maamul ahaan wakaalada ku yimaadaa waa nawada qabanyaaa mudadaa dheerna waxaan u aamusnaa waxay ahayd oo aan ku hawlanaa in aan wax saxo waxaas oo dhana waxaa biiyay kudlada isku xidhan ee Maareeyaha iyo xubnaha tirade yar ee golaha degaanka iyadoo aan lawada odhan Karin golaha deegaanku waa ku wada socdaan kuwaas ayaa waxaas oo dhan ka Masuula

S: Maxaad ka jira Xafiisyada la leeyahay Waxa la jabiyay Habeen Madaw ?

J: su.aasi waa mid dhinacyo badan taabanaysa waxaan ka soo bilaabayaa imtixaankii iyo siyaabihi loo qaaday waxa ka xigta qaabkii loo maamulay imtixaankii agaasimayaasha nimankii u yimi qaaadida imtixaanka 90% waxay u yimaadeen in ay imtixaan sharci ah qaadaan laakin waxa wehelinayay xubno ka tirsan Golaha degaanka dabcan saameyntooda ayay lahayaeen labaad xubnood ee degaanku jiro ay shaqo badan qabteen imtixaankaasi marki uu dhacay shaqaale hosaadkiima laga qaaday waxa ku xigay kii agaasimayaasha Agaasimayasha lix nin ayaa isa soo taagay in ay imtixaan galaan anigu markaa waxan taagnaa in imtixaan sharciya laga qaado agaasimyaasha waaxa ,laakin waxa dhacday in laba ka mida agaasimyaashii hore ee wakaalada cudur daar keeneen waliba ninka la yidhaahdo Cismaan Yuusuf uu ku dooday in imtixaan hore looga qaaday uu ku baasay loo qiimeeyay agaasime kuna soo shaqeeyay Agaasime Dawlada Hoose ah sidaas daraadedna loo soo badalay agaasime wakaalada markii uu imtixaankaasi sidaasi noqday (waxa la yidhi lakala dheeree orodse maaha ) arintu waxay ku danbaysay rag siidhi loogu dhuftay oo midba dhinac ucararay markaa imitxaankaas lama odhankaro boqolkiba boqol waxa uu ahaa Fair iyo sax

ta kale Jabinta xafiiska waa criminal waa danbi cad oo Qaranka laga galay anigu markaan masuul ahay oo Xafiiska fadhiyo hadii uu mid shaqalaha ka midi danbi galo oo ay noqoto in aan furayasha ka qaado jabin iskaba daayoo waa in ay dhamaan joogaan waaxaha ku shaqada leh loona maro dariiqa sharcigaa , Hadiise la jabiyo wax masuuliyadiisa qaadaysa cida jabisay dabcan arintaa maareeyaha afkayga ayaan ku waydiyay waxaana ku idhi xafiiskan yaa jabiyay waxaanu igu yidhi aniga walibana waxa ila socday Maayarka afkisa ayaanan ka hayaa badheedh weeye dhacay .

S: Hadii aad manta shaqada ka tago maxaad isleedahay waad qabatay oo waa lagagu xasuusan karaa?

J: Wax qabadkaygu waxa uu ka soo bilaabmayaa ilaa maalintii aan kaasheerka ahaa ilaa xisaabiye nimadaydii ilaa manta oo aan ahay maareeye kuxigeenka wakalaada waxan odhan karaa hadaanan khaldanayan systemka wakaaladu ku shaqayso iyo documenta yaala dhaamaan xafiisyada anigaa habkaa ay manta u shaqeeyeeyaan u dhigay waxa ugui yare e la soo qaadan karaa dhirta manta la hadhsado ee wakaalada ku dhex beeran anigaa gacantayda ku beeray taariikhdaana sheegi doonta

__

Source: Hadhwanaag News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].