NEWS

Wasiiro Ka Tirsan Xukuumada Somaliland Oo Socdaal Kadis Ah Ku Tagay Ethiopia iyo Wararkale
December 24, 2007


Wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu hoggaaminayo, Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland, Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale, ayaa maanta socdaal aan faahfaahin laga bixin u kicitimay dalka Ethiopia.

Weftigaas oo galabta ka dhoofay dhabada diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka koobanaa Wasiirada Arrimaha Dibada, Md Cabdilaahi Maxamed Ducaale, Caafimaadka Md Cabdi-Haybe Maxamed, Cadaalada Md Axmed Xasan Cali [Casoowe], Wasiir ku xigeenka Qorshaynta Md Axmed Xaashi Cabdi iyo xoghanta Madaxweynaha Somaliland, Axmed yare.

"Waxa uu socdaalkayaga oo qaadan doona muddo dhawr cisho ah, oo aanu ku tagayno dalka Itoobiya, waxa uu runtii qeyb ka yahay socdaaladii caadiga ahaa ee aan ku tagi jirnay dalkaas ee iskaashiga labada Wadan" Ayuu Yidhi Wasiirka arrimaha Dibada JSL, Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo Tv-ga Qaranka ee Dawladu maamusho u waramayay, ka hor intii aanay ka dhoofin dalka.

Madaxa weftigaasi, waxa uu ka gaabsaday inuu wax tafaasiil ah ka bixiyo socdaalkooda Itoobiya, iyo madaxda ay la kulmayaanba, mana jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay Socdaalkaas.

__

Source: Qaran News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].