|
|
NEWS
|
|
|
Burbur Qarqarka U Saaran Dhismaha Maamul Gobaleed
Puntland iyo Cadde Muuse
December 23, 2007
Bur bur qarka u saaran dhismaha Maamul Goboleedka Puntland iyo Cadde Muuse oo
laga taqalusi rabo.
Muran iyo buuq weyn ayaa aad u hareeyay Maamul Goboleedka Puntland, iyadoo warar
soo baxaya ay sheegayaan in Madaxweyne Cadde Muuse laga taqalusi rabo.
Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ka hadlay mustaqbalka Madaxweyne Cadde Muuse
oo xilligan mugdi ay ku jirto Siyaasadiisa ku wajahn Puntland.
Kulan Baarlamaanka Puntland su'aalo ku weydiinayeen Jen. Cadde Muuse ayaa si aan
habsami aheyn uga jawaabayay, iyadoo mararka qaarna uu ku jees jeesayay
Su'aalahaas, hadalo uu markii dambe jeediyay ayaa waxa uu u sheegay Baarlamaanka
in aan mar dambe loola imaan su'aalahaas oo kale.
Puntland waxa uu hada ku jiraa qalalaasihii ugu weynaa ee abid uu soo maro,
waxaa dhibaato ka heysata dhinacyo badan, tii oo jirta ayay shacabka Puntland
aad u dhaliilsan yihiin waxqabadka Maamulka Cadde Muuse.
Ammaankii ayaa xumaaday, howlihii Maamulka oo la isku shaandheeyay ayaa socon
waayay, waxaana laga cabsi qabaa inuu bur bur qarka u saarmo Maamulkaas, xilli
Magaalada Laascaanood lagala wareegay.
Mar sii horeysay oo sidan oo kale qarka u saarmay inuu bur buro ku yimaado
Maamulka cadde Muuse waxaa soo dhex galay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo asal
ahaantiisaba uu ka soo jeedo Puntland, isla markaana madax ka soo noqday.
Ma cada go'aanada maanta ka soo bixi kara Baarlamaanka Puntland oo sida muuqata
Madaxweyne Cadde Muuse doonaya in ay ka taqaluseen, kadib markii uu noqday
shaqsi keligii talis ah.
__
Source: Jowhar
Printer Version
| |
|
|