|
|
NEWS
|
|
|
Wefti Ka Socda Komishanka Doorashooyinka Qaran Iyo
Axsaabta Oo Lagu Martiqaaday Doorashooyinka Ka Dhacaya Kenya
December 22, 2007
Afar xubnood ka tirsan Komishanka Doorashooyinka Qaranka, oo uu hoggaaminayo
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka, ahna kusimaha Guddoomiyaha Komishanka, Xirsi
Cali X. Xasan ayaa maanta ka ambabaxay dalka, iyaga oo u kicitimay xarunta dalka
Kenya ee Nairobi.
Guddoomiyekuxigeenka Komishanka oo suxufiyiinta ugu warramay madaarka Hargeysa,
ka hor intii aanay halkaa ka dhoofin ayaa sheegay in ay martiqaad ka heleen
Komishanka Doorashooyinka dalka Kenya, isla markaana ay goobjoog ka noqon
doonaan doorashada Madaxtooyada Kenya ee dalkaa ka dhici doonta 27ka bishan
December. Waxana uu sheegay in saddex xubnood oo ka kala socda saddexda xisbi
qaran ay iyaguna ku biiri doonaan ilaa Isniinta soo socota.
Xirsi waxa uu sheegay in ujeedada loogu martiqaaday doorashada Kenya ay tahay
inay ka korodhsadaan aqoon iyo waaya-aragnimo.
Waxa kale oo uu sheegay in muddada ay joogaan Nairobi ay kulamo kula yeelan
doonaan halkaa Deeqbixiyayaasha caalamiga ah oo ay ka wadahadli doonaan kaalmada
ay ka geysan doonaan doorashooyinka soo socda ee Somaliland iyo diiwaangelinta
codbixiyayaasha.
Deeqbixiyayaasha Somaliland ka caawiya doorashooyinka iyo horumarinta
dimuqraadiyadda oo uu ugu weyn yahay Midowga Yurub ayaa ballanqaaday inay
bixinayaan 75% kharashka ku baxaya labada doorasho ee soo socda ee Deegaanka iyo
Madaxtooyada iyo weliba Diiwaangelinta codbixiyayaasha, sida uu sheegay
Komishanka Doorashooyinka oo dhowaan kulamo uu kula soo yeeshay Nairobi, iyada
oo xukuumadda Somalilandna ay bixinayso 25%, isla markaana ay ballanqaaday.
Dhinaca kale, Guddoomiyekuxigeenka Komishanka Doorashooyinka, Xirsi Cali X.
Xasan waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay u siideysey Komishanka qaybtii
ugu horreysey kharashka loogu talagalay doorashooyinka, taas oo dhowaan xubin ka
tirsan Komishanka Doorashooyinku uu sheegay in xukuumaddu ay u diiddey
Komishanka lacagta, taas oo uu ku tilmaamay in xukuumaddu aanay diyaar u ahayn
in doorashooyinku dhacaan wakhtigeeda.
Guddoomiyekuxigeenka Komishanku waxa uu sheegay in ay heleen 1.5 Bilyan oo
Somaliland Shilings oo ka mid ah lacagta ugu jirtey Miisaaniyadda 2007
doorashooyinka Golayaasha Deegaanka oo dhan 8 Bilyan Somaliland Shilings ah,
isaga oo sheegay in lacagta inta hadhayna ay xukuumaddu marba in siideyn doonto,
intanna ay hawsha ku sii bilaabi doonaan.
Mr. Xirsi, waxa uu sheegay in lacagtaa 1.5 Bilyanka ah loogu shubay Xisaabta
Baanka ee Komishanka, isaga oo sheegay in xukuumaddu ay u sheegtay in aanay
lacag haynin, isla markaana marka wixii la helo la siin doono.
__
Source: Somaliland Org
Printer Version
| |
|
|