|
|
NEWS
|
|
|
Somaliland Waxaan Rajaynayaa 2008-2009 Inay Ka Baxdo
Buurta Oo La Ictiraafo? Madaxwene Ku xigeenka
December 22, 2007
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta shaaca ka
qaaday inay dhamaystiri doonaan hawsha taakulo ururinta Gobolada Sool,
Sanaag-bari iyo degmada Buuhoodle ee Gobolka togdheer, bisha febaruary ee fooda
inagu soo haysa, waxa kale oo uu sheegay inuu rajaynayo in xukuumada Somaliland
ay gobolada bari sanadka 2008 ay miisaaniyad ku kaabi doonto.
Madaxweyne ku xigeenka JSL, Ahna Gudoomiyaha Gudida taakulo ururinta qaranka, oo
saaka shir jaraa'id ku qabtay xarunta gudidaas ee magaalada Hargeysa, ayaa
sheegay in dhawaan ay saxaafada ku shaacin doonaan liiska muwaadiniinta reer
Somaliland ee lacagaha qaadhaanka ah ugu deeqay horumarinta gobolada bari iyo
taageerida ciidanka qaranka ee ku sugan jiida gobolka Sool.
Md Axmed Yuusuf Yaasiin, oo ka hadlayay waxqabadka gudida uu madaxda u yahay,
waxaanu yidhi "Haddii aan idiinka waramo gudidan qaran ee taakulo ururinta
gobolada bariga Somaliland, waxa la magacaabay 11-kii bishii November 2007,
gudida waxa aanu isu nimid 14/11/2007, muddo toban cisho ahi waxay naga qaadatay
in dhismaha gudidu ay noqoto {Transparent}, in aanu samayno xisaabihii [Account]
yadii iyo waraaqihii lacag qabashada iyo in la habeeyo qaabkii loo qaadayay
taakulaynta isla markaana dabo gal loogu samayn lahaa, waxa kale oo 20-kii
bishii November ilaa 17kii bishan December, aanu ku hawlanayn sidii loo dhisi
lahaa gudidii taakulaynta ee gobolka maroodi jeex {Hargeysa] oo ah shanta degmo
ee caasimada iyo degmooyinka ku xeeran. Taasna waanu ku guulaysanay".
M/Weyne ku xigeenka Somaliland, waxa uu tilmaamay in gobolada dalka ay ka
abuureen gudiyo heer gobol oo ka shaqayn doonta hawsha deeq ururinta gobolada
iyo degmooyinka.
"Maanta oo ay bisha December tahay 22 waxa aan saxaafada u sheegayaa in dhamaan
xubnihii gudida taakulaynta qaranku ay hawlo u kala baxeen oo ay socdaalo ugu
kicitmeen gobolada, waxana soo hadhay oo Hargeysa ku sugan aniga iyo gudoomiye
ku xigeenka oo ah Wasiirka cadaalada, xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka socda
golaha wakiilada kana tirsan xisbiga KULMIYE, waxa aanu mar labaad u dirnay
dibada gaar ahaan dalka Holland oo uu ka dhacayo shir ay isugu imanayaan
jaaliyadaha dibadu, si uu shirkaas uga jeediyo fariinta aanu farnay iyo
ujeedooyinka laga leeyahay hawsha deeq ururinta" Ayuu yidhi Md Axmed Yuusuf
Yaasiin.
Maxdaxweyne ku xigeenku, waxa uu qiray culayska ay leedahay hawsha qaadhaan
ururintu, waxana uu yidhi "Sideedaba qof qaadhaan loo diray ma hawl yara,
qaadhaan uruintana waxa aanu u dejinay ilaa 7 darajo oo kala duwan, darajada
kowaad iyo labaad waxa aanu u qornay waraaqo aanu ugu sheegayno inay xafiiska
gudida yimaadaan , ragii ganacsatada ahaa ee dacwadayada soo ajiibay sharaf ayay
naga mudan yihiin, ragii aan noo imana mar labaad ayaanu sugaynaa marka
sadexaadna saxaafada ayaanu ku qoraynaa, waxa aan leeyahay nin waxa uu dalkiisa
ku difaacaa maalkiisa nina wuxuu ku difaacaa dhiigiisa, ganacsatada waxa aan
leeyahay labadaas mid uun doorta".
"Shaqaalaha dawladu iyagaa hore u dalbaday in bil mushaharkeed laga jaro,
anaguna guddi ahaan bishii ayaanu sadex bilood in laga kala jaro u qoondeynay,
dib ayaanuse u eegaynaa culayska ay leedahay oo wakhtiga laga kala qaadayo
ayaanu dib u kordhinaynaa" Ayuu intaas ku daray Madaxweyne ku xigeenku.
Md Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu sheegay inuu rajaynayo in deg deg Somaliland loo
aqoonsan doono, waxana uu yidhi "Jaaliyadaha dibada waa iyaga kuwa laga doonayaa
inay dalkooda qaadhaanka u soo ururiyaan, Somaliland 2008-2009 waxaan rajaynayaa
inay ka bacdo buurta oo la ictiraafo, markii hore waxa la inagu odhan jiray
maxaa la idinku ictiraafaa xadkiiniiba ma aydun sugine, hadii la idin soo
weeraro ma difaaci kartaan, sua'aalahaas ayaa la doonayaa in laga jawaabo
xiligan".
Madaxweyne ku xigeenku waxa uu sheegay in somaliland looga baahan yahay soo
jiidashada dadka reer sool oo uu carabka ku dhuftay inay jiraan dad been loo
sheegay, waxana uu yidhi "Dadka reer Sool ee sanadaha badan cidlada ahaa waa in
aynu noqonaa oo wax-qabad u muujinaa oo la nimaadnaa wax ka bedelan maamulkii
meesha hor e u joogi jiray [Puntland], oo soo dhawayn iyo soo jiidasho dadka
tusna. Waxa jira dad been la geliyay oo u baahan in laga saaro".
Dhinaca kale, Maareeyaha Haa'yada ka hortaga aafooyinka dabiiciga ah ee
Somaliland, Maxamed Muuse Cawaale, oo shirkaas jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay
in qorshaha taakulaynta gobolada bari, ay dhinac socoto, mashaariic samo fal oo
Haa'yadahu ka wadaan gobolka sool.
Maxmed Muuse Cawaale, waxa uu sheegay in raashin iyo taandhooyin ay gaadhsiiyeen
Haa'yadahu dad lagu qiyaasay 80 kun oo qoys oo ku baro kacay dagaalkii ka dhacay
gobolka sool dhawaan, waxana uu tilmaamay in ay hada dib ugu soo noqdeen
guryahoodii.
__
Source: Qaran News
Printer Version
| |
|
|