|
|
NEWS
|
|
|
Shirweynihii SSE-da oo si rasmi ah uga furmay Duleedka magaalada Utrecht ee
Holland
December 22, 2007
Shirweynihii ururka xidhiidhka Jaalliyadaha Somaliland ee Yurub ayaa si rasmi ah
uga furmaya duleedka magaalada Hotelka Contact of Continent ee duleedka
magaalada Utrecht. Haddaba waxa ka mid ah dadkii ka qayb galay weriyaha
jamhuuriya ee London Khadar Xasan Cali oo warbixintan nooga soo diray madasha
shirku ka socdo.
Shirkan oo ku bilaabmay jawi aad u xiiso badan ayaa aayado quraana ka dib waxa
ereyo kooban oo soo dhawayn ah ka soo jeedisay Gudoomiyaha ururka Nomad ee
Holland Maryan Gabay. Intaasi ka dibna waxa hadalkii la wareegay Gudoomiyaha
dalada SSE Cabdiraxmaan cabdi Jibril (Awliyo) oo uga mahad celiyay ergooyinkii
ka soo qayb galay iyo ururka Nomad Holland oo martigaliyay. Guddoomiyuhu waxa
sheegay in ay shirweynaha hor yaallaan in lagaga doodo qoddobo badan oo mihiima,
waxaanu ku soo dhaweeyay cod baahiyaha xildhibaan Maxamed cali oo ka mid ah
guddida qaranka ee taakuleynta iyo dib u dhiska gobolada Bari. Xildhibaan
Maxamed Cali waxa ugu horeynba halkaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo uu
kaga waramayay waxyaabaha badan ee u qabsoomay Somaliland inkastoo wax badani ka
dhiman yihiin. Waxaanu intaasi ku daray guulaha waaweyn ee ciidanka qaranku ka
soo hooyeen Gobolka Sool, oo uu ku tilmaamay mid ah u sahashay iyagoo ku
guuleystay dadka in ay ku qanciyaan dadka degaankaasi in ay taageeraan
Somaliland. Xildhibaanku waxa uu xusey in hab dhaqankii Ciidanka qaranku uu
yahay ka keenay guushaasi dhibta yar ee ay ka soo hooyeen Gobolada bari. Waxaanu
ciidanka qaranka ku amaanay nidaamkooda iyo dhisibiliinkooda oo ka dhigay ciidan
qaran oo leh cudud ay ku difaacaan xuduudaha Somaliland.
Xildhimaan maxamed intaasi ka dib waxa uu ka waramay sababihii keenay in la
dhiso guddidan qaran ee taakuleynta gobolada oo sheegay in ay yihiin baahiyaha
badan ee ka jira degaankaasi oo in muddo ah dayacnaa. Md Maxamed waxa uu
halkaasi ka akhriyay warbixin dheer oo ay ka waramaysay waxyaabaha ilaa iminka u
qabsoomay guddi ahaan dibada iyo guddahaba. Waxaanu xildhibaanku ugu baaqay
ururada Jaalliyadaha Somaliland ee Yurub in ka qayb qaataan Taakuleynta iyo dib
u dhiska gobolada Bari isla markaana garab istaagaan kana soo mid noqdaan
guddida heer qaran ee hawshan wada. Warbixintaasi ka dibna waxay ergooyinkii
shirku u soo jeediyeen guddida qaranka in ay garab wadaan taakuleynta sidii
loogu guuleysan lahaa quluubta dadka degaanka iyo hoggaamiyaasha dhaqanka ee
degaankaasi. Waxa kale oo dadka qaar ku dhaliileen siyaasiyiinta Somaliland in
ay siyaasad hufan oo ka duwan tii hore in lagu waajiho.
Dr Xuseen Cabdilaahi (Tansaani) oo ka mid ah aasaasayaashii SSE ayaa isna waxa
uu ka waramay ujeedooyinkii iyo himilooyinka loo abuuray dallada xidhiidhka
Jaalliyadaha Yurub iyo sida loogu baahan yahay in laga midho dhaliyo.
Intaa ka dibna waxa halkaasi warbixin dheer oo ku saabsan qiimaha xorriyatul
qawlka iyo xuquuqda aadamaha ka soo jeediyay Dr. Jamac Muuse Jamac oo ka mid ah
aqoonyahanada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Talyaaniga. Dr. Jamac waxa si
cilmiyaysan uga waramay aqoondarada dadkeena ka haysata fahanka distoorka dalka,
taasi oo horseeday in gefaf badan dhacaan haddii la fahmana waxa sheegay in
aanay waxba xumaadeen. Waxaanu halkaasi ku soo bandhigay Buugga uu ka qorey
macnaha Gobanimada iyo xorriyatul qawlka oo uu u hibeeyay Hiilka Qoddobka 32 ee
Distoorka oo sida uu sheegay ah ka kafaallo qaadaya xorriyatul qawlka. Waxaanu
faahfaahin ka bixiyay nuxurka buuggani xanbaarsan yahay oo ah sidii dadkeena loo
fahansiin lahaa macanaha gobanimada, xorriyada iyo fahanka distoorka qaranka.
Waxa kale oo ka xog waramay sida loogu baahan yahay hiilka qodobka 32 isla
markaana ay ku rajo weyn yihiin in buuggan la gaadhsiin doono dugsiyada dalkoo
dhan.
Waxa iyana warbixino ku saabsan waxqabadka ururada Jaalliyadah reer Somaliland
ee Yurub halkaasi ka soo jeediyay ergooyinkii ka kale yimid waddamada Belguim
Cabdirahmaan Cigeh, Maxamed Amiin Denmark, Xasan Cali Saddexle & xasan M Nuur
Finland, Cabdirahmaan Yaasiin France, Aadan Gaab Germany,Maryan Gabay Holland,
Dr. Jama Muuse Jama Italy, Fatxiya A Muse Norway, Sakariye xasan waceys Sweden
iyo Iid Muse iyo faysal Aw-cabdi Canbalaash UK.
Gudoomiye-xigeenka SSE Fadxiye Muse ayaa iyana waxay ka warantay waxqabadkii
guddida fullinta ee SSE-da iyo qorshaha sannadka soo socda, waxayna ku
dheeraatay doorka ururada jaalliyadaha reer Somaliland ee qurbajooga ahi ka
qaadan karaan horumarinta dalkooda.
Intaasi ka dibna waxay ka qayb galayaashii shirku ka doodeen qoddobo muhiima oo
ay ka mid yihiin doorka Qurba jooga reer Somaliland ka qaadan karaan dib u
dhiska dalkooda, oo dadka intiisa badani isla qireen in ay jaalliyadaha dibadu
laf dhabar u yihiin horumarka dalka isla markaana ay lagama maarmaan tahay in ay
intaa ka sii kordhiyaan. Waxayana iyana si aada looga dooday sidii kor loogu
qaadi lahaa xuquuqda aadamaha ee somaliland oo beryahan danbe hoos u dhac ku
yimid. Haddaba faahfaahinta doodan oo faahfaahsan dib ayaanu idiinku soo gudbin
doonaa.
__
Source : Jamhuuriya
Printer Version
| |
|
|