|
|
NEWS
|
|
|
Wasaarada Caafimaadka Oo Ku Adkaysatay Inay Xakamaysay Shuban Biyoodkii Degmada
Saylac
December 21, 2007
Wasiirku xigeenka Wasaarada caafimaadka Somaliland, Md Mahdi Cismaan Buuri, ayaa
sheegay inay tuulooyinka degmada Saylac ka wadaan olale wacyigelin ah caafimaad
ah oo lagu xakamaynayo xanuunka shuban biyoodka, oo ay deegaankaas ugu dhiunteen
afar qof.
Wasiir ku xigeenka caafimaadka oo isaga iyo saraakiil ka tirsan warsaaradiisu ay
maalmihii la soo dhaafay booqasho ku joogeen degmada saylac, ayaa sheegay in
xanuunka shuban biyooda ay ka daweeyeen dad faro badan.
"Waxa aanu dawaynay dad faro badan, waxana xanuunka hada hoos uga dhacay
tuulooyinka ceelgaal iyo lawyacado, oo ahaa meelihii uu xanuunku sida weyn u
saameeyay" Ayuu Yidhi Md mahdi Cismaan Buuri.
Wasiir ku xigeenku waxa uu shacbiga degmada saylac ugu baaqay inay ilaaliyaan
fayo dhawrka isla markaana ka qeyb galaan olaleyaal dhinaca nadaafada wax lagaga
qabanayo, waxaanu yidhi "Waxa aanu shacbiga degmada saytlac ugu baaqayaa inay ka
shaqeeyaan ilaalinta nadaafada, waana sida kaliya ee wax lagaga qaban karo
xanuunka shuban biyoodka".
__
Source: Qaran News
Printer Version
| |
|
|