NEWS

WAA KUMA MAAYARKA CUSUB EE BERBERI
December 21, 2007


Magaalada berbera ayaa muddo badan waxay ku jirtay rajo quusa oo ay dadkeedu ka niyadjabeen sida ay noqon doonto raajadooda doorashadii degaanka berbera ka dib,

hadaba 11/03/06 ayaa waxaan goobjoob ka ahaa doorashada Maayar cusub , marxuum Siiciid Daa,uud Cilmi runtii isla markiiba waxaa uu bilaabay taariikh cusub ,waxqabad aad u weyn
oo rajo ku soo celisay dadweynaha berbera waxuu markiiba bilaabay inuu bixiyo deymamkii faraha badnaa ee ay lakala wareegeen labadii maayar ee ka horeeyey oo dhamayd qiyaas ahaan 320,000 dolar ,isagoo ku sheegay qudbadisii ugu horeysay ee u jeediyo dadweynaha berbera taas oo ay dhamaantood qateen dadkii lahaa oo u badnaa ganacsadayaal yaryar oo ay nolashoodu ku xidhnayd taas oo soo celisay kalsoonidii dadka ay u qabeen d/hoose oo ay quus ka taagnayeen waxqab iyo inay deymamkooda dib u helaan iyadoo maayaradii hore ay soo fadhiisanwayeen xaruntooda deyntaa faraha badan ee lagu lahaa awgeed ,, oo bishiiba hal mar lagu arki jirey saacad d/hoose taas oo la degtay waxqabadkii d/hoose lakiin maayarka cusubi waxuu sameyey time table(jadwal)u sameeyey malmaaha dadweynaha salasada iyo khamista iyo maalin shaqaalaha dowlada iyo maalmaha kale oo hawlihii caadiga ahaa taasoon oo aanay waxba isdhexgelin ,hawl kastaana sideeda u fusho, talooyinka dadweynaha wuu dhageysan-jirey..

Waxuu kor u qaaday dakhligii soo galayey d/hoose ,waxuuna dhimay kharashkii caadiga ee ka baxayey d/hoose , waxuu baab,iiyey kharashkii saa,idka ahaa ee ay samayn jireen maayaradii ka horeeyey kasoo la degay d/hoose , hawlahaas oo dhan waxuu ku xaliyey aqoontiisii dhaqaalaha ee uu sitay taas oo u sahashay inuu suurta geliyo inuu ku mareeyo maamulxumadii ay sameeyeen maayaradii ka horeeyey , waxuu ahaa nin hal-adag oo aan la waaban kalmada runta ah oo waxkasta ka hormariya danta Guud , iska ilaaliya xoolaha dadweynaha , waxuu ahaa nin cibaadada aad u wanaagsan oo ay ka muuqato ficaladiisa iyo muuqiisaba , waxuu ahaa nin daacada oo shaqo kasta ku qabta daacadnimo iyo hor ilaahay taas u sahashay inuu ka mira-dhaliyo waxkasta oo uu bilaabo dhamadkeeduna uu guul ku danbeeyo.

waxuu ku guulaystay inuu meel isugu keeno kooxihii ay ukala fadhiyeen d/hoose oo aad u kala qaybsanaa taas oo la degtay hawlihii d/hoose waxuu sameeyey gudiyo shaqeeya sida gudida dhulka , arimaha bulshada,nabadgelyda iwm kuwasoo uu ka warhaynjirey hawlaha ay qabtaan uuna sixi jirey ,qalaadaadkooda , marka uu helo , shirarna la yeelanjirey.
waxuu ka sameeyey magaalada Nadaafad joogto ah oo ahayd mid ay kala qayb qataan dadweynaha magaladu oo uu ka dhex muuqdo iyo mid gaar ahaneed oo d/hoose .

Waxuu dhisay wadooyinkii magaalada gudaheeda iyo kuwii debada ee d/dhexe isagoo wadadii madaarka ka dhigay wado cusub ,,, waxuu biyo iyo leydh geliyey xarumihii waxbarashada berbera , waxuu soo celiyey rajadii dadka berbera ay ka quusteen waxqab ay helaan waxuu dib u soo celiyey adeegyadii caafimaadka , isagoo markii uu ka quustay waxqabad madaxdii wasarada caafimaadka ...u sameeyey gudi caafimaad labada cisbitaal ee Berbera oo beri ahaan jirey kuwa Somaliland ugu tayo wanaagsan ,gudidaas maamulaysay 7bilood taas oo ku kormeeri jirey maalinkasta waxii ay u baahanyihiin ,ogaanjirey dabadeedna farta ka saari jirey waxii awoodiisa ah oo uu kari karaayey, isagoo dadweynaha saaxil ku boorinjirey inay ka qaybqataan hawlaha lagu hormarinaayo magalada Berbera isagoo dadweynaha ka helay gacan fara badan sida Ambulance ay ku deeqday muwadinad reer Berbera ah iyo kaalmooyin uu u helay kuliyada culuunta Badda ee Berbera.

Waxaa uu dhalinyarada Berbera ku dhiirinjirey xaga ciayaaraha isagoo koobab tartana ah dhigi jirey siiba dhinaca ciyaaraha kubada cagta oo ku dhiirinjirey inay xooga saraan ciyaaraha dhalinyaradu oo ka dhex muuqan jirey marka oo ay jiraan ciyaaro ,isagoo dhigi jirey koobabka maalamaha Ciidaha waaweyn .

u malaynmaayo inaan marxuum Siciid Daa,uud Cilmi ku soo koobi karo halkan lakiin waxaan dadweynaha berbera isweydiinayaan , dadka ReerSaaxil waxay qireen inuu soo celiyey Marxuunku Maayaradii waxqabadka lahaa ee soo maray Berbera 1919----1991 hadana 2006-2007 waa kuma maayarka bedeli doona Marxuumkii ka baxay Gobolka Saaxil ma kuwii horaa soo noqon doona mise mid cusub talow ka danbe ma qaadan doonaa casharadii fiicnaa iyo wadadii wanaagsanayd uu jeexay Marxuum Siciid Da,uud taas waxaan u deyn doonaa taariikhda iyo waqtiyada soo socda .......lixbilood ee danbe maayarka cusub ee Berbera ee bedeli doona Marxuumkii ka geeriyooday Marsada Berbera ..

Ilaahay haw naxariisto ,,Marxuun Siciid Daa,uud cilmi,janadii fardowsana haka waraabiyo Inagana Samir iyo iimaan ilaahay ha inaga siiyo.

Qalinkii ,, Adan Yuusuf Cilmi ,, Birmingham ,UK
__

Source: Hadhwanaag News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].