|
|
NEWS
|
|
|
Khubarada Hagta Siyaasadda Maraykanka Oo Ku Taliyay
Aqoonsiga Soomaliland
December 21, 2007
Markii ugu horaysaya tan iyo intii ay 1991kii madaxbannaanideeda dib ugala soo
noqotay midowgii Soomaaliya, ayay Somaliland noqotay mid aad looga hadal hayo
doodaha siyaasadeed ee ka dhexsocda maamulka madaxwayne Bush ee Maraykanka oo
laga yaabo inay suurtogasho in qaran ahaan uu u aqoonsado Somaliland.
Faallo arrintan ku saabsan oo lagu baahiyey qaar ka mid ah shabakadaha wararka
iyo wargaysyo ka soo baxa koonfur Afrika, Ethiopia ,Uganda iyo Saxaafadda
Maxaliga ah . waxaa qoray aqoonyahan u dhashay Soomailand oo wax ka qora
arrimaha siyaasada Geeska Afrika oo la yidhaa Dr. Mohamed Abdillaahi Omar, oo
fadhigiisu yahay London, cariga Ingiriiska.
Aqoonyahayankani wuxuu sheegay in Maraykanku u muuqdo hadda inuu taageero
siinayo qaddiyada Somaliland, halka uu geesta kalena ka muujinayo in ay
isbeddelayso aragtidiisa caalamku ee ku jahaysnayd xagga nabadgalyada iyo
xidhiidhka caalamiga ah.
Faalladu waxay tilmaamtay in dhawaan saraakiil ka tirsan hogaamiyayaasha
Wasaarada Gashaandhiga ee Maraykanku ay si cad u qeexeen ina ay doonayaan in
Somaliland loo aqoonsado dal madax banaan. Waxay kale oo sheegaan in Somaliland
ay tahay dal nabadgalyo ku soo dabaalay dhulkooda, muujiyayna inay samayn karaan
xukun, kale danbayn, doorashooyin siyaasadeed iyo xasilooni.
Dooda aqoonsiga Somaliland waxa soo dadajiyay sida ay sheegtay faaladani
xaaladda ammaan-darro ee ku sii badanaysa Soomaaliya, dib u soo noolaanshaha
kooxaha mitidka aha ee Muqdisho iyo ruxanka dawladda taagta daran ee Dkmg.
Haseyeeshee , waxaa la aaminsan yahay in arrinta wayn ee isbedelkani uu salka ku
hayaa in ay tahay aragtida hagta siyaasadeed dibada iyo istaraatajiyadda amniga
qaranka ee Maraykanka.ee maamulka Bush oo imika is bedashay.
Sida muuqata, Maraykanku wuxuu hadda qaatay aragti cusub oo dhinaca xidhiidhka
caalamka ah oo u saamaxaysa inuu la shaqeeyo dalal aan haysan wax aqoonsiya
amase cid aan ahayn hoggaankii la soo doortay ama loo aqoonsaday inuu hoggaamiye
ka yahay dalkaas, isagoo isla markaana ku tilmaamay inaan qawaaniinta caalamiga
ah ahayn mid ku kooban la macaamilka dal la aqoonsan yahay oo qudha.
Tusaale waxa ah oo loo soo qaatay sidii Maraykanku ugu dabaaqay Soomaaliya
aragtidiisan cusub ee dunida kadib markuu si toos ah ula macaamilay
qabqablayaashii dagaal ee Muqdisho ee waqtigii ay Ururka Maxaakiimtu awoodda ku
lahaayeen Xamar. Iyo waliba taageerada xaga horamarinta siyasada iyo
demoqraadiyaynta ee uu ka taageero Soomaliland.
Ujeeddada ugu horreysa ee Maraykanku ka leeyahay Geeska Afrika waa siduu uga
ilaalin lahaa in gobolku u noqdo argagixisada meel ay ku tarmaan. Somalilandna
wuxuu Maraykanku u arkaa dal gacan ka gaysan karaa sidii loogu guulaysan lahaa
ka hortagida arrintaasi. Sida daraadeed, waxa la sheegay in Somaliland diyaar u
tahay inay u fidiso Maraykanka sidii looga wada shaqayn lahaa himiladdasi.
Waxyaabaha u sahlaya in Maraykanku gaadho yoolkiisa dhinaca amniga ayaa lagu
tilmaamay inay yihiin Somaliland oo ku taal goob istaraataji ah oo kaabiga ku
haysa marrinada Badda Cas, Gacanka Carbeedna kulaalaysa, isla markaana tahay
dhul deggan oo xasilloon.
Faaladu waxay tibaaxday in madaxda sare ee Pentagon-ka, ay soo jeediyeen in loo
fidiyo aqoonsi dalka Somaliland, iyaga oo doonaya in ay qayb ka qaadato
Somaliland la-dagaallanka argagixisada caalamiga ah, taas oo iyana lagu
tilmaamay inay ka mid tahay tallaabooyinka muujinaya in Maraykanku isbeddel ku
sameeyey aragtidiisii hore ee dunida.
Dhinaca kale, waxay qormadu sheegtay in Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanku
ay wali carabka ku dhufanyso in arrinta ku saabsan xaga aqoonsiga Soomaliland
loo daayo Ururka Midawga Afrika, si ayna arrintani khalkhal siyaasadeed ugu
keenin wadamada Afrika.
Isagoo ka jawabaya qiilka ay cuksatay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Maraykanku,
wuxuu qoraaga faallado sheegay in fikirkoodo baal marsan yahay xaqiiqda
taariikheed ee madaxbanaanida Soomaliland iyo mawqifka Ururka Midawga Afrika ka
qabio arrintanba. Wuxuu sheegay aqoonyahanakani in warbixin ay soo saareen
Ururka Midawga Afrika badhtamihii sanadkii 2005 ay si cad ugu qeexeen in arrinta
Soomaliland ay tahay ‘arrin taariikh ahaan ka duwan isqabqabsiga xaga xuduudaha
Afrika iyo muranada siyasadeed’. Waxay kaloo warbixintu sheegtay in ‘arrinta
Somaliland u baahan in si gaar loo tixgaliyo, waayo waa arrin leh mudnaan gaar
ah oo u baahan in si gaar ah wax looga qabto’.
Ugu dambayntii, waxay faaladu xustay in dooda cusub ee ka dhex aloosan maamulka
madaxwayne Bush ay muujinayso in Maraykanku hadda fiiro gaar siinayao
Somaliland, iyo in dadaalkii dheera ee ummada reer Somaliland u soo martay
dhisida qaranimadeed imika Maraykanku tixgalin siinaya.
__
Source: Jamhuuriya
Printer Version
| |
|
|