NEWS

CASUUMAD, CANAAN MALDAHAN IYO CABASHO QAYAXAN
December 21, 2007


(SOHTA - Hargeysa) Madaxda xisbigga UCID ayaa shalay casuumad soo dhaweyna, u fidisay siyaasiyiintii Ururka Qaran ee xabsiga laga soo daayay. Casuumadaa waxaa ka soo qayb galay madaxda iyo xubnaha labada dhinac. Casuumadaa oo ka dhacday Hadhwanaag Hotel, xoghayaha Arrimaha Dibada ee xisbigga UCID, ayaa furay, intaan cuntadiiba la bilaabin, kadibna hadalkii siiyey gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiyah UCID wuu soo dhaweeyay sii deynta siyaasiyiinta Ururka Qaran, waxaanu muujiyey in ay ku faraxsan yihiin isaga iyo xisbigiisuba, xorriyadooda dib ugu soo noqotay. Intaa waxuu raaciyay iney waajib tahay in dastuurka iyo xeerarka dalka loo hoggaansamo, oo qofkii ama kooxdii wax tabaneysa ay xuquuqdeeda u marto jidadka dastuurka iyo xeerarka aynu dhiganay. Wuxuu tibaaxay in aan cunfi la adeegsan si xuquuqdaa loo helo. Intaa waxuu raaciyey in dulqaadku, had iyo jeer u wanaagsan yahay iney xukuumadu la timaado.

Hadalkiisa isagoo sii watey, wuxuu tilmaamay, wixii khilaafa ee dhexdeena ka dhasha in wada hadal lagu dhameeyo. Isbadel siyaasadeed iyo ku dhaqaale labadaba waa loo baahanyahay, laakiin waa in ay ku yimaadaan qaab dimuqraadiya oo aynu iska ilaalino, in dadka la kiciyo, ayuu yidhi. Wuxuu kusoo gaba gabeeyey hadalkiisii in danta qaranka laga hormariyo danta xisbiga iyo ta shaqsiga ahba.

Dr. Gaboose Gudoomiyaha Qaran oo si qaboow oo diblomaasi ah uga hadlay waxuu tibaaxay, inkasta oo ay cabasho ka qabeen, mowqifkuu iska taagay, xadhigoodii Gudoomiyaha UCID, innay cabashadaa waxoogaa khafiifisay, gudoomiyaha UCID oo ahaa, gudoomiyihii ugu horeeyy ee nagu soo booqday xabsiga iyo gudoomiyihii ugu horeeyey ee na marti qaaday markaan xabsigga ka soo baxnay.

Gudoomiye Gaboose, wuxuu tibaaxay ereyadan iyaga lagu leeyahay, dastuurka iyo xeerka u hogaansama, iney waajib tahay in lagu yidhaahdo Madaxweyne Riyaale waayo waa isaga ninka xeerka jabiyey ee dastuurka garab maray. Wuxuu intaa raaciyey,iney Maxkammada dastuuriga ah qoraal u qoreen ku saabsan xaqa ay u leeyihiin, inay is abuubulaan oo ay urur furtaan, markey la tashadeen qareeno, laakiin jawaab ilaa imika maya iyo haa midna aanay helin. Wuxuu cadeeyey inney u hoggaansami lahaayeen wixii jawaab uga soo noqda, immikana in aanay qaanuunka kaweyneen. Dhaliilo dhawr ah ayuu u jeediyey Xukuumada iyo Golaha Wakiilada oo ka baaqday, innuu guto waajibaadkiisii.

Guddoomiye ku xigeen Maxamed Xaashi Cilmi ayaa intaa ku daray in dulmi iyo gardaro lagu xidhay. Mawqifkii gudoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe aanu u cuntamin yahay ahaana midey aqbali waayeen. Wax uu intaa raaciyey, Gudoomiyuhu immika markuu nala hadlayeyna waxaad moodeysay innuu Riyaale nala hadlayo, waxa uu intaa raaciyey abti Faysalow, kaamanaan iibsan mowqifkaa, waliba anoo kuu codeeyay doorashadii.
 
 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].