NEWS

Meles Oo Eedeeyay Qaramada Midoobay
December 20, 2007


Ra'iisul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi ayaa ku eedeeyay Qaramada Midoobay inay buun buuninayaan xaaladda bini'aadanimo ee ka jirta Somalia, isagoo sheegay in hey'ada QM qaarkood ay iyagu dhibka ka wadaan waddanka.

Wareysi Melez uu siiyay BBC sanad kadib markii ciidamadiisu ay la wareegeen magaalada Muqdisho ayuu ku beeniyay warbixinta Qaramada Midoobay ee sheegaysa in Somalia ay tahay xaaladdii ugu darneyd ee bini'aadanimo ee Africa.

Meles Zenawi waxa uu sheegay in arrintaasi aanay ahayn mid ku saleysan xaqiiqada, isagoo ku eedeeyay in QM ay door xun ka ciyaarayaan Somalia.

Isu duwaha gargaarka bini'aadanimada ee QM ee Somalia Eric Laroche ayaa dhaleeceynta Meles ku tilmaamay wax lala yaabo.

Eric oo la hadlayay BBC ayaa sheegay in wax muran ka taagan yahay in aanay ahayn sababtoo ah ayuu yiri Ethiopia waxa ay qeyb ka tahay dagaalka ka socda Somalia, halka QM ay ka tahay dhexdhexaad.

QM ayaa waxay ku qiyaastay in boqolkiiba lixdan dadkii ku noolaa Muqdisho ay guryahoodii ka cararaeen dagaallada awgood.

__

Source: BBC

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].