|
|
NEWS
|
|
|
Qalab Caafimaad Oo Lagu Wareejey Guddida Iyo Maammulka Cusbitaalka Guud Ee
Ceerigaabo
December 20, 2007
Maayarka degmada Ceerigaabo Md.Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa maammulka caafimadka (cusbitaalka)
Ceerigaabo wuxu toddobaadkan horraantiisii gacanta ka saaray laba koonteynar oo
ay ku jiraan qalab kala geddisan oo loogu talo galay guud ahaan adeegyada
caafimaadka .Kuwaas oo ay hore (2003 iyo 2006) u soo direen qurbajoogta
reer-Sanaag “Nomad Holland + Nomad UK”, haseyeeshee muddo dhawr sano ah maayorka
gacantiisa ay ku jireen.
Munaasibad xafladeed si weyn loo soo agasimey oo lagula kala wareegayey qalabkan
caafimaad oo toddobaadkan horraantiisii lagu qabtay cusbitaalka guud ee
Ceerigaabo ayaa waxa kasoo qayb galay madaxda laamaha dawladda “heer gobol iyo
degmoba, madax-dhaqamedyo, ururrada bulshada iyo dadwene ad u tiro badan o isugu
jira qaybaha kale ee bulshadeennu ka kooban tahay, waxana fagaarahas lagula kala
wareegey dhammaanba qalabkii caafimad ee labadaas koonteynar ku jirey, iyadoo
halkaas ay weliba goob joogna ka yihiin intooda badan dadka bukaanka e
cusbitaalkaas ku sugani, waxana sidoo kale maayorka Ceerigaabo halkaas kusdoo
ban dhigay dokumenti caddaynaya guud ahaanba noocyada iyo tirada qalabka ku
jirey labadaas koonteynar.
Waxan si gaar ah mahad ugu celinayaa qurba-jooggii iska xil saaray alaabtan ee
innasoo gaadhsiiyey, siiba qurbajoogga Nomad Holland oo qalabkan bixiyey iyo
Nomad UK oo iyaguna nooliga iyo kharashka ka soo bixiyey, aniguna muddada aan
hayey oo ahayd 2003 ilaa 2006 waxan la sugayey mar uun oo xaaladda cusbitaalka
kasoo rayso oo la helo cid mas’uuliyadda alabtan si fiican u qaadi karta oo aan
ku wareejiyo, taas oo maanta munaasib ila noqotay, maaddaama ay jiraan cid (guddi)
mas’uul ka ah xaladda caafimaad ee gobolka iyo degmadaba oo lagala xisaabtami
karo una diyaar ah waxqabaka”. Sidaas waxa yidhi Maayorka Ceerigaabo Ismaaciil
Xaaji Nuur oo qalabkaas wareejinayey
Dhinaca kalena guddida iyo maammulka cusbitaalka Ceerigaabo ayaa iyaguna
dhinacooda mahad celin usoo jeediyey Maayorka iyo Qurba-joogta qalabkan iskasoo
xilsaaray, iyagoo sidoo kalena sheegay in ay qalabkan si weyn isagasii
xilsaarayaan uguna shaqayn doonaan bulshada loogu talagalay “Guddi ahaan waxannu
u mahad celinaynaa Maayorka oo alaabtan mudda badan xafidayey oo maanta nagusoo
wareejiyey iyo qurbajoogga innoosoo diray qalabka,waxannuna ballan qaadaynaa si
ku habboon in aannu agabkan u gadhsiin doonno uguna ilaalin doonno qaybaha
caafimaad ee loogu talo galay”. Sidaas waxa yidhi Ismaaciil Jaamac Jibriil (Guddidacaafimaadka
gobolka Sanaag),
“Waxannu diyaar u nahay guddidan caafimaadka in aannu la shaqayno, maaddaama
hawsha aya hayaan aannu u aragni mid halbowle u ah guud ahaan bulshadeenna
reer-Sanaag, iyagana (guddida ) waxannu ku boorrinaynaa in ay ku dedaalaan sidii
xaaladda caafimaad ee gobolku u noqon lahayd mid tayo leh oo shaqaynaysa”.
Sidaas waxa yidhi madaxa hay’adda bisha cas ee gobolka Sanaag Chief-caaqil Axmed
Kulli-kulli.
Gudddoomiye kuxigeenka gobolka Sanaag C/casiis Xasan Siciid oo isaguna hadal
kooban halkaas ka jeediyey ayaa waxa hadalladiisii ka mid ahaa
“Waxannu soo jeedinaynaa guud ahaan xaaladda caafimaad ee gobolka in loo dedaalo
waxna laga qabto, annagoo diyaar u ah wixii dhinaca xukuumadda laga tebayo
inaannu daba galno, lana xisaabtami doonna guddida caafimaadka”.
Dhinaca kalena qalabkan caafimaad oo ay ugu muhiimsan yihiin qalabka qaybta
qalliinka, qaybta theatre-ka/shaybaadhka iyo weliba direysyada kale ayaa waxay
guud ahaan wax weyn ka tarayaan baahidii loo qabey ee ka jirtey cusbitaalka
Ceerigaabo.
__
Source: Qaran News
Printer Version
| |
|
|