|
|
NEWS
|
|
|
Madaxweyne Riyaale Oo Uga Digey Madaxda ururka Qaran Inay Mar Dambe Baalmaraan
Sharciga Iyo Jawaab Dr. Gaboose Ka Bixiyey
December 20, 2007
Madaxweynaha Somaliland, mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa uga digey madaxda
ururka Qaran ee xabsiga laga siidaayey inay mar kale baalmaraan sharciga, isaga
oo sheegay in ciddii aan sharciga marin uu qaban doono sharciga dalka u yaalla.
Madaxweyne Riyaale oo habeenkii Ciiddul Adxadu soo gelaysey u warramay
Telefishanka Madaxtooyada laga maamulo, SNLTV oo uu shacbiga u mariyey
hambalyada Ciidda, waxa uu ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey siyaasiyiinta
ururka Qaran ee xabsiga laga siidaayey oo shir jaraa’id oo ay qabteen dorraad ku
caddeeyey in aanay ka tanaasulin mawqifkoodii iyo ololihii ay ugu jireen
ururkooda Qaran.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Riyaale in siyaasiyiintaas uu cafis u fidiyey, kadib
markii uu tixgeliyey codsi uga yimi odayaal iyo waxgaradka kale ee bulshada.
Hase yeeshee, waxa uu uga digey inay mar kale sharciga baalmaraan, waxana uu
kula taliyey inay sharciga u maraan waxa ay doonayaan.
“Qofku xaq ayuu u leeyahay inuu siyaasadda ka hadlo, qofku xaq buu u leeyahay
inuu yidhaahdo siyaasadda iyo dalka inaan wax ka noqdo ayaan doonayaa, laakiin,
qofkasta oo muwaaddin ah waxa ku waajib ah inuu dariiqa sharciga ah u maro,”
ayuu yidhi Madaxweyne Riyaale.
Isaga oo raaciyey in qofkii ka leexda dariiqa sharciga ah uu qabanayo sharciga
dalka u yaalla, kaas oo uu sheegay in lagu ciqaabi doono.
Sidaa darteed, waxa uu u soo jeediyey siyaasiyiinta ururka Qaran: “Markaa anigu
waxaan kula talin lahaa - waa muwaadiniin, xaq bay u leeyihiin inay siyaasadda
ka qaybgalaan, laakiin, waxaan leeyahay sharciga ha u maraan.”
“Waxaan ku boorrinayaa sharci baalmaris dambe inay ka dhawrsadaan,” ayuu
raaciyey Madaxweyne Riyaale.
Mudane Riyaale, waxa uu sheegay siyaasiyiintaasi inay sharciga u xidhnaayeen,
isaga oo xusay in ay lagama maarmaan noqotay in sharciga la tuso, balse aanay
jirin cadaawad gaar ah oo uu u hayo iyo in dadka xabsiga la iskaga hayo.
Dhinaca kale, madaxda ururka Qaran ee xabsiga la siidaayey ayaa iyagu ilaa iyo
hadda ku adkaysanaya in aanu jirin wax dembi ah oo ay galeen, isla markaana la
xidhay iyaga oo sharciga ku taagan.
Dr. Maxamed Cabdi Gaboose, Guddoomiyaha ururka Qaran, oo maanta aan weydiiyey
sida uu arko digniinta Madaxweynuhu u jeediyey, markii la siidaayey kadib, ayaa
sheegay in sharcigii dalku uu noqday Madaxweynaha, isla markaana uu xoog ku
isticmaalayo.
“Wallaahay annagu marka horeba sharcigaanu ku soconey ee sharcigii baa isaga [Madaxweynaha]
noqday keliya. Hay’adihii dalka meel aananu marin ma jirto, wax jawaab ahna
waanu ka la’nahay haa iyo maya. Marka isagu sharciyaddaa awood ha ku wado, wax
kale oo meesha yaallaa ma jiraan,” ayuu yidhi Dr. Gaboose.
Intii la soo daayey madaxda ururka Qaran, waxa soo baxay warar sheegaya in koox
salaaddiin ah oo dhexdhexaadin ka gashay arrinta siyaasiyiintaasi ay ku
qanciyeen madaxda ururka Qaran in ay sharciga maraan oo ay Maxkamadda Sare u
gudbiyaan dacwadda sharciyadda ururkooda.
Dr. Gaboose, oo aan weydiiyey waxa ka jira arrintaas, waxa uu sheegay in aanay
jirin marka horeba xidhiidh iyaga iyo Madaxweyne Riyaale u dhexeeya iyo wax
dhexdhexaadin ah oo loola yimi midna, sidaa darteed, aanu jirin wax heshiis ah
oo ay galeen.
“Cid noo timi oo tidhi waxaa yeela iyo waxaa diida ma jirto, waxay isaga ula
tageen ma ogin. Cid aanu dirsanay oo u tagtay oo aanu nidhi ha na cafiyona ma
jiro.. Cafisna maanu waraysan, waayo, wax dembi ah oo aanu galay oo aanu cafis u
weydiisanaaba ma jiro,” ayuu yidhi.
Waxana uu sheegay haddii ay aqbali lahaayeen cafis in loo fidiyo in taasi ay
karaamo dhac ku noqon lahayd iyaga, isla markaana ay u gefi lahaayeen siyaasiga
xuquuqdiisa, ummaddana ay bahdil ku noqon lahayd.
“Markaa annagu cafis maanu weydiisan. Hadduu cafiyey… dee magaca dembigana
isagaa [Madaxweynahaa] markii horeba sameeyey, magaca Cafiskana isagaa sameeyey.
Waa wax isaga u yaal,” ayuu yidhi.
Waxana uu sheegay in taariikhdu qori doonto wixii ay dadkooda u qabteen.
Dr. Gaboose, oo ka jawaabayey inay mar kale suuragal tahay in xabsiga lagu
celiyo, maadaama ay sii wadaan fikraddii markii horeba sababtay xadhigooda, waxa
uu sheegay in aanu filayn xadhig dambe.
“Waayo, hadduu siyaasadda mustaqbal ka damacsan yahay kii hore ayuu qiimaynayaa
ma guul baad ka gaadhey mise Guuldarro? Guuldarruu ka gaadhey,” ayuu yidhi Dr.
Gaboose.
Isaga oo sheegay in guushii ay iyaga raacday, xadhiguna uu siyaasiyiinta
caalamka oo dhan uu guul u yahay, maadaama ayuu yidhi aanu jirin wax dembi ah oo
ay galeen, balse, lagu xidhay fikradooda.
__
Source: Somaliland Org
Printer Version
| |
|
|