NEWS

Shan Boqol Oo Dhalinyaradeenan Katirsani Haka Guursadaan Walaalaheena Reer Laascaanood Waxaa Yidhi Sheikh Aadem X. Maxamuud (sheikh Aadem-Siiro)
December 19, 2007


Marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka reer somaliland munaasibadda ciida aawadeed marka xigta islaamka oo dhan.

Iyadoo ay shalay ahayd sagaalaadkii, ayaa siday shareecadeenu innoo jidaysay, tasoo ah intii aan ku jirin gudashada xajka mooyee inay inta kale soomi karaan, soonkaasoo ah sunne, ayaa haddana waa mahad allee aad shalay arkaysay dadkii oo caruurtii mooyaane boqolkiiba sagaashan sooman, waxaanad runtii moodaysay Ramadaan, haddaba saaka markii salaadii subax la tukaday ayaa markaliyaata waxay masaajiddii isla oogsadeen takbiirtii, waxaanay dadkiina bilaabeen siday iskugu diyaarin lahaayeen salaadda Ciidda. waxaana runtii inyar kaddibba kuu muuqanayey dadkii oo guuto guuto uga soo baxaya surinnada aqallada iyagoo ku labisan labbisyo saaka uun bacda laga wadajaray ( labisyo cusub oon horey loo xidhan), kudarsoo labisyadaa cusubi waxa ciidihii hore u badnaan jiray dhalinyarada laakiin ciidan caruur iyo cirrooleba waa loo simanyahay.

Haddaba dadkaasi waxay u dareerayeen meesha ugu dhaw goobta lagu tukanayo salaadda ciida ha ahaato meel bannaan ama masaajid weynbee. waxaana runtii inta badan lagu tukadaa salaada ciidaha meelaha garoomada ah ee waaweyn sida:

- Garoonka weyn ee HARGEISA STADIUM
- Garoonka weyn ee GANNAD
- Garoonka XAWAADLE
- iyo waliba masaajidda waaweyn sida
- MASJID-JAAMICA masaajidkaasoo inta badan madaxweynuhu ku tukado salaadaha ciidda
- iyo masaajidka weyn ee LIX IYO LABAATANKA JUUN ee uu dhawaan dhisay ganacsadaha weyn ee IBRAAHIM-DHEERE, masjidkan laftiisana waxa ku tukada madaxweyne ku xigeenka.

Haddaba anigoo kamida dadka kutukaday garoonka weyn ee XAWAADLE, haddii aan soo qaato waxyar oo kamida khudbaddii dheerayd ee uu Sheikh Aadem X. Maxamuud ( sheikh Aadem-siiro) ka jeediyey halkaasi, runtii waxa uu sheekhu aad ugu dheeraaday tilmaan iyo toosinna ka bixiyey waxay danta dadkan iyo dalka Somaliand ku jirto, issagoo aad u dhaliilay dadka had iyo goor ku meeraysta waxii laga soo gudbey waayo hore waxaasoo ahaa qabiilka oo inta badan soomaali guud ahaanteed ragaadiyey, waxaanu sheekhu yidhi shakhsiyaadkaa qabiilka ku meeraysanaya maaha dad danaynaya qaranimada Somaliland waxaanay wataan dano iyaga u gaara. sidoo kale waxa uu sheikhu khudbaddiisa kusoo qaatay dhibaatooyinka ka aloosan gobalka Sool, issagoo sheekhu la hadlaya reer soolna waxa uu yidhi walaalayaal waxaynu nahay dad isku diin ah isku Ehlu sunna waljamaaco ah isku af ah isku dhul ah isku dhaqan ah, haddii aad moodaysaan in laydinkusoo duulay idinka ayaa laysku kiin dayn waxaanan leeyahay waar dadkeenaa ha la isku daayo iyaga, somalilanderska kalena waxay ku caawin karaan haku caawiyaan waliba waxaan somalianderska kale leeyahay waar shanboqol oo inan haka guursadaan walaalaheena reer laascaanood, illayn Nabiguba meeshuu u taagwaayo wuu ka guursan jiree.

Haddii aan intaasi kaga gudbo khudbaddii sheikh Aadem-siiro ka jeediyey GAROONKA XAWAADLE , waxaan farxadda ciidda markale salaamayaa dhammaan ummadda islaamka oo dhan meelkastooy joogaanba. waxaanan leeyahay taqabbalallaahu minnaa wa minkum.

CIID-WANAAGSAN.

__

Source: Hadhwanaag News

 


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].