|
|
WARAR_WAABSAN
|
|
|
Madaxwenaha Oo Tageya Dalka Ethiopia
August 22, 2007
Dr. Mohamed Abdillahi Omar oo u dhashay Somaliland, m(SOHTA - Hargeysa) Madaxweynaha ayaa maanta u anbabaxay dalka Ethiopia isaga oo marti qaad ka helay Prime Minister-ka Ethiopia. Madaxweynuhu wuu ka gaabsadey in uu safarkiisaa ka warama. Waxaa xusuus mudan in wefti uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadu uu ku sugan yahay dalka Ethiopia.
Xusuusin
August 20, 2007
Somalilandhorta, waxay xasuusineysaa labadaa hablood ee u banbaxay sidii dugsiyo loogu dhisi lahaa, caruurta baahiyaha gaarka ah leh, in ay dhawaan Wasaarada Waxbarashadu, ku dhawaaqday in Hay'addii Dalka Sweden ka soo jeeday, isla markaana bixin jirtay kharashka lagu maamulo, dugsi Hargeysa ka dhisnaa oo wax lagu bari jirey caruurta baahiyaha gaarka ah leh ay kari weyday kharashkii dugsigaa ku bixi jirey. Iyadoo dugsiyo badan loo baahan yahay oo noocaas ah waxaanu xusuusineynaa haweenka iney baahida dugsigaana eegaan haddey wax u qaban karayaan.
Xukun Geele Ina Xusuusiyey, Goor Qabow La soo Qaadye
August 19, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Geele, Goor qabow la soo qaadye, intii labaatan jir ka yari garan maayaane, wuxuu ahaa Garsoorka Maxkamada nabadgelyada Qaranka ee xukunkii Afwayne (Siyaad Bare). Dil, Xadhig iyo ganaaxba wuu xukumay laakiin muu xukumin ka xayuubin doorasho isku taag. Maanta ayey Maxkamadda Gobolka Hargeysi ku xukuntay Dr Gaboose, Eng. Maxaxmed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid Ibraahim, hoggaamiyayaasha ururka Qaran, midkiiba 3 sano and 9 bilood iyo iyaga oon isku taagi karin doorasho muddo 5 sanadood ah. Gudoomiyaha Kulmiye xukunkaa wuu cambaareeyay halka gudoomiyaha UCID uu ka gaabsaday inuu xukunkaa wax ka yidhaahdo.
T A C S I
August 16, 2007
Bahda soo saarta Somalilanhorta, Reer Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), Reer Maxamed Yuusuf Ducaale, Reer Cabdilaahi Yuusuf Ducaale Reer, Cumar Yuusuf Ducaale, Reer Axmed Yuusuf Ducaale, Reer Cabdikariim Xasan Caalim, Shukri Kheyre, Reer Cali Mahdi, Guuleed Mahdi, Muna Mahdi, Reer Cali Aadan Mecaad, Reer Muuse Xasan Ismaciil, Reer Cali Warsame, Reer Abshir Nuur, Reer Cali Askar Sugaal, Reer Yaasiin Cabdi Muxumad, Reer Ilyas Cabdi Muxumad, Muuse Ibraahim Bookh Ceelaabe intuba waxay tacsi u dirayaan qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Mudane Axmed Xasan Liibaan (Guhaad) oo shalay lagu aasay Ceel Bardaale Degmadda Gabiley. Gidigeenba Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo,isagana Illaahay Janada ha ugu deeqo Ameen!
Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Kenya Oo Kadis Ku Fadhiistay Garoonka BerBera
August 14, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Diyaarad nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa maanta si kadis ah u fadhiisatay goroonka dayuuradaha ee magaalda Berbera. Diyaardan oo u socotay magaalda Boosaaso Waxa la socday inta la hubo, 6 qof. Cidina waxba kumay noqon, khasaaraha diyaaradaa soo gaadhay xaggeeda danbe ayuu ku ekaa. Goobjooge magaalda Berbera ku sugnaa ayaa u sheegay shabakada in diyaaradu dirqi ku fadhiistay. Maamulaha garoonka Berbera ayaa isna sheegay in gacanta ay ku hayaan 6 qof iyagoo bad qaba.
T A C S I
August 13, 2007
Innaa Li-LLaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Bahda soo saarta Somalilandhorta, Reer Axmed Yuusuf Ducaale, Shukri Khayre, Muuse Ibraahim Bookh, Naasir Aw Cabdi Cali iyo Xaaskiisa, Yaasiin Cabdi Muxumed iyo Xaaskiisa, Ilyaas Cabdi Muxumed iyo Xaaskiisa iyo Farxaan Nuux Obsiiye waxay tacsi u dirayaan Cabdilaahi Cumar Ismaaciil oo dhawaan xaaskiisu ku geeriyootay Wadanka Norway. Marxuumadaa waxan Illaahay uga baryaynaa inuu Janada ugu deeqo. Qoskeedii ay ka baxdayna illaahay samir iyo iimaan ka siiyo - Ameen!
Warar Waabsan
August 13, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Wefti uu hoggaaaminayo Wasiirka Maaliyadu oo ay ka midyihiin Wasiirka Hawlaha Guud iyo Maamulaha TVdowlad, ayaa maanta Ethiopia u ambabaxay.
Warsaxafadeed Madaxtooyada ka soo baxay ayaa beeneeyay warey Haatuf faafisay oo sheegaya in Madaxweynuhu maleegayo shirqool lagu ridayo Shirgudoonka Golaha Wakiilada.
Laba wiil oo caruura ayaa meydkooda laga helay Abaarso agteeda oo labadaba la gowracay, midkoodna caloosha laga soo riday dhacdaadaasi baqay gelisay deegaanka Hargeysa cidna weli looma qaban.
Suldaan cusub ayaa Malowle lagu caleemo saaray, taasoo suldaan u noqon doona beesha Cabdiraxmaan Sacad.
Shirkii Golaha Wakiilada Oo Dib Loo Dhigay
August 12, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Shabakada Somalilandhorta waxay heshay warar sheegaya in shirkii Golaha Wakiilada ee berito loo balansanaa, mudo 7 maalmood ah dib loo dhigay. Waxa lagu sobobaynayaa gudi ay hogaaminayaan Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame "Hadraawi" iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac "Gaariye" oo bilaabaya hawl dhexdhexaadin ah inay ka galaan arimahan taagan ee golayaasha dhexdooda ka aloosan. Sidaa awgeed ayuu Shirgudoonta Golaha Wakiiladu gartay in fursad la siiyo hawlgalkaa isaga ah. Waxaanan rajaynaynaa in gudidaasi ku guulaysato furdaaminta arimahaa ina soo daashaday iyo xal u helidooda.
Dhakhtarka Hargeysa Iyo 5 Qol Oo Qaliin Ah
August 7, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yusuf Yasiin, ayaa maanta xadhigga ka jaray 5 qol oo qaliinka loogu tala galay, isla markaana qalabeysan, qalabeys casri ah oo lagu kordhiyey Dhakhtarka weyn ee Hargeysa. Kharashka ku baxay mashruucaa wuxuu caga cageeyay 500, 000 oo dollarka mareykanka ah. Lacag dhan 40.000 xukuumadda ayaa bixisay, UNHCR waxay bixisay 50.000 oo dollar; halkey kharashka intiisa kale bixisey Bisha Cas ee Kuweit. Maxamed Xuseen Caabi oo ka mid ah gudida dadweynaha ee dakhtarka dusha ka maamusha ayaa tibaaxay in qaliino badan oo dibadda loo aadi jirey oo uu cisbitaalka Hargeysa dadka ugu deeqi doono.
Golaha Guurtida Oo Ku Adkeystay Labadii Xubnood Ee Hore
August 4, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Golaha Guurtida, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku go'aamiyey,in aanay labadii xubnood ee hore ee ay Komishanka u magacaabeen aanay bedeli doonin oo ay ku adkeysanayaan in labadaa xubnood ee uu Golaha Wakiiladu ansaxin diiday , ay ahaanayaan magacawgooda rasmigga ah, isla markaana ku eedeeyey Golaha Wakiilada in arrintaa iyo ta Miisaaniyadaba ay diidan yihiin in xal loo helo.
Warar Waabsan
August 3, 2007
(SOHTA - Hargeysa) Madaxweynaha ayaa soo jeediyey in la magacaabo guddi ka tirsan ganacsatada iyo xukuumada oo kasoo tala bixisa sidey warshadii gubatey dib shaqadeedii ugu bilaabi lahayd.
Hooyo Soomaaliyeed oo uur lahayd iyo gabar ay dhashay ayaa la' laayahay kadib markii ay burburtay buundo ku taal magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka, buunadadaas oo dul marta webiga Mississippi.
Warar baa sheegaya, in taliyihii iyo taliya-ku-xiggeenkii xabsigga mandheera, labadaba xilkii laga qaaday, lana leeyahay dabacsanaan ayey u muujiyeen siyaasiyiintii dhawaan halkaa lagu soo xidhay, inkastoo aanay xukuumaddu war kasoo saarin arrintaa.
|
|
|
|