|
|
NEWS
|
|
|
130 Arday oo ka qalinjabiyay Dugsiga Al-Khayr ee magaalada Hargaysa, waxana ka
qayb galay Gudoomiyaha UCID iyo Wasiirkii hore arimaha dibada Somaliland
August 31, 2007
Waxa maanta xaflad balaadhan loo sameeyay 130 arday oo dhamaystay waxbarasho u
soo socotay mudo laba sanadood ah, ardaydan oo ka soo baxday dugsiga gaarka loo
leeyahay Dugsiga Al-Khayr ee magaalada Haragysa, waxa ay labdaasi sano soo
baranayeen oo hada u soo gabo gaboobay luuqada Ingriisida iyo Xisaabta.
Xafladan oo lagu qabaty Hotel-ka Amabasadoor ee magaalada Hargaysa waxa ka soo
qayb galay madax kala gadisan oo uu ka midyahay gudoomiyaha xisbiga Ucid,
xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada, iyo wasiirkii hore arimaha dibada.
Gudoomiyaha xisbiga UCID, oo xaflada ka hadlay ayaa hablyo iyo bogaadin uga soo
jeediyay ardaydii iyo macalimiintoodii iyo dhamaan maamulka Dugsiga Al-Khayr,
gudoomiyuhu waxa uu goobtaasi uga jeediyay ardyda khudbad aad u dheer oo uu
ardayda ku xasuusinaayay waayahii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland iyo
dawladihii kala danbeeyay isaga oo aad ugu dheraaday, xasuuqii iyo gumaadkii loo
gaystay shicibka Somaliland ee ay ka masuulka ahayd xukumadii milatariga ee
Siyaad Bare
Gudoomiyaha UCID, waxa uu xusay oo uu sheegay in maanta ay Somaliland
dugsiyadeeda iyo jamacadaheeda ay ka soo baxayaan arday fara badan oo aan
waligeed ka soo bixin oo aan ka qalin jabinin xiliyadii hore waxa aanu
Faysal Cali Waraabe uu ardaydaasi qalin jabisay ugu hambalyeeyay waxbarashadooda
,uu ku sii dardaaray inay halkaas kasii wataan.
Waxa iyana goobta xaflada ka hadashay wasiirkii hore arrimaha dibada Somaliland
Marwo Edna Aadan Ismaaciil, ayaa iyana ardayda dugsiga Alkhayr ku dhiirigelisay
inay Dalka xiligan laga heli karo Waxbarasho fiican oo gaadhsiisan heer
Jaamacadeed.
“Marka aad aragto dhalinyaro ka qalin jabinaysa dugsi waxbarasho,waxa ay igu
abuurtaa rajo,oo waxa ay na tusaysaan in dalkeena waxwanaagsani ka bixi
karo,dhalinyarooy ubax baad noo tihiin,waana aan ku faraxsan nahay in aan
Xafladaha noocan oo kale ah mar walba aan idin kala soo qeyb-galo”ayay tidhi
Marwo Edna Aadan.
Wasiirkii hore Arrimaha Dibada JSL Edna Aadan,iyadoo ka hadlaysay kalsoonida ay
ku qabto waxbarashada Wadanka waxa ay tidhi “Waxa aananigu aad iyo aad ugu
kalsoonahay Waxbarashada dalkeena,waxa jirta gabadh walaalkay dhalay oo qurbaha
ku dhalatay,oo doonaysa inay dhakhtarnimo barato,waxana aanu isla garanay iyana
nala garatay inay Jaamacadaheena Kulliyada Dhakhaatiirta ka gasho,si ay uga
barato culuumta Caafimaadka,taasi waxa ay ina tusaysaa in Dalkeena Waxabarasho
fiicani taalo,ee ha lagu kalsoonaado”.
Marwo Edna Aadan,waxa ay dhalinyarada uga digtay cawaaqib-xumada ka dhalan karta
u hilowga Nolasha qurbaha “Dalkeena Somaliland ku kalsoonaada,oo iska daaya
xaaskii hebel ayaa la igu ka xaynayaa iyo baasaboor bug ah [Been abuur] ayaan
doonayaa,maalin kasta dooni ayaa gadoontay ayaa la soo sheegaa,ee waa inaad wax
ku qaadataan”.
Waxa kale oo ay maamulka iyo macalimiinta dugsiga Alkhayr ee gaarka loo
leeyahay,ay ku amaantay in uu soo saaray arday dhisan.
Maamulaha Dugsiga gaarka ah ee Alkhayr C/raxamaan Ibraahim Ismaaciil[Ina
dhoolayare] oo Xafladaas ka hadlay ayaa sheegay in dugsigaasi oo la aasaay
sanadkii 99-kii uu ka mid yahay dugsiyada waxbarashada ee gaarka ah,ee ka jira
magaalada Hargeysa,waxana uu yidhi “Dugsigan Alkhayr,waa dugsi [Private ]
ah,kana diwaan gashan wasaarada Waxbarashada,waxa uu ka kooban yahay afar
qeybood oo kala ah,dugsiga Hoose/dhexe,Sare,barashada xirfada [computer],iyo
luuqadaha Carabiga iyo Ingiriisida,waxana aanu raacnaa manhajka Wasaarada
Waxbarashada JSL u degsan”.
Maamuluhu waxa kale oo uu xusay in Ardayda dugsigaas ee dhamaysata Dugsiga dhexe
iyo Sare ay Imtaanka shahaadiga ah la fadhiistaan iskuulada dawlada.
Maamulaha Dugsiga Al-Khayr C/raxmaan Ibraahim Ismaaciil,waxa uu sheegay in
ardaydan maanta ka qalinjabisay dugsiga oo tiradoodu ahayd 130 Arday ay
dhamaysteen Xisaabaadka dugsiyada Dhexe, Sare, iyo luuqada Ingiriisida.
“Ardayda ka qalin jabisay mudadii uu dugsigu furaa waxay yihiin 1250
Arday,dufcadani waa tii 10-aad ee dugsigan wax ka barata,waxa aan ardaydan iyo
kuwa kaleba inay waxbarashada ku dedaalaan,waalidiinta carruurta ku tabcaya ee
sharafta leh waxa aanu ka codsanaynaa inay dugsiyada ubadkoodu,wax ka bartaan ay
la soo xidhiidhaan,si looga warhayo waxbarashada caruurta,” ayuu yidhi maamuluhu.
Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Md. Yuusuf Muxumed Guuleed iyo xubno ka
mid ah waalidiinta ardayda wax ka barata dugsigaasi.
__
Source: Qaran News
Printer Version
| |
|
|