|
|
WARAR WAABSAN
|
|
|
Lix Tuulo Gobolkay Raacayaan Doorashadda
April 30, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Lix tuulo oo waqooyiga Hargeysa ah ayaa dadku ku muransan yahay labada gobol ee Awdal iyo Hargeysa key doorashada maamul ahaan uga mid noqonayaan. Guddoomiyaha Guurtida ayaa xubnaha golihiisa u sheegay iney xukuumadu go'aan kasoo saarto lixdaa tuulo, labada gobol kay raacayaan doorashada soo socota ee Dowladaha Hoose. Lixda tuulo waxay kala yihiin: Ceel Sheekh, Cabdi Geedi, Bidhaanley, Ceel Lahelay, Hulka iyo Damasha.
Qaxootigii Xamar Ee Yimi JSL
April 28, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - War aan kasoo xigganey HWN, ayaa sheegay in urrurka gaashaan mas'uul afkiisa ku hadlayey, u tibaaxay in ururkoodu diiwaan geliyey qaxoonti ka kooban 1580 qoys, isla markaana ururku bilaabay sidii dadkaa waxloogo qaban lahaa.
Shariif Xasan Oo U Jawaabay Geedi
April 28, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Wareysi dheer oo uu maanta Shariif Sheekh Aadan, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Imbagathi ayuu aad u dhaleeceeyay KMG-ka isagga oo yidhi dawladdi imika Soomaliya kama jirto, waayo, Axdi Qarameedku wuxuu dhigayaa in haddii ay dawladdu nidaamka federaaligga ah 2-sano iyo badh ku hirgelin weydo toos inay u dhacayso. Haddaladiisa waxaa kamid ahaa in KMG-ku toos masuul uga yahay xasuuqa ka dhacay Xamar isaga oo Itoobiyana eedeeyay wuxuu Shariifku ku dhawaaqay in dadkaa dhibaataysan caalamku usoo gurmaddo, ciddii danbi ka gasheyna maxkammad la soo taago.
Simba Radio."Waa Beenta,"dhanka Somaliland
April 27, 2007
(SOHTA - Ceerigaabo) War uu baahiyay Radio Simba ayuu si faahfaahsan ugama waramay in Been Beenland uu ka socdo olole dagaal oo leysu diyaarinayo sidii maamul reeraadkaasi ugu duuli lahaa JSL. Wuxuu raaciyey intaa in ay JSL iyaduna dagaal u diyaar garoobeyso. Madaxweyne kuxigeenka JSL iyo wefti la socda ee booqashada u jooga Sanaag, waxay cadeeyeen in booqashadoodu kormeer caadiya tahay iyo sida baahiyaha gobolka u taaban lahaayeen. Waxaa xusid muddan in Madexweyne kuxigeenka JSL halkaa ka sheegay in ay booqashadoodu tu caadiya ay tahay, JSLna aanay aamin saneyn dagaal oo haddey aaminsan tahay, xad gudubyo hore oo lagu sameeyay ay ka jawaabi lahayd. Madaxweyne ku xiggeenku wuxuu sheegay inay Jsl xuduudeeda nabad ku hanan doonto.
Rugta Ganacsiga S/Land iyo Gudi Cusub
April 26, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Shirweyne ay kasoo qayb galeen xubno ka tirsan shan waxood oo ganacsatada Somaliland u qeybsantahay, xubnahaas oo tiradoodu ahayd qiyaastii 120 xubnood, kana kala yimi gobolada dalka oo idil ayaa shirkooda, oo muddo ka socday Hargeysa dhamaaday. Waxay doorteen guddi cusub oo ka kooban 25 xubnood oo matilaya shanta waxood ee ganacsatadu u qeybsantahay . Gudidaa ayaa iska dhex dooradey guddi ka kooban 7 xubnood oo fulinaya hawlaha rugta ganacsiga. Cabdiraxmaan Faarax Sugaal ayaa mar 2aad loo doortay in uu Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga ahaado muddo sano ah; Isagoo ah xubbinta kaliya ee guddidii hore kaga soo noqday gudidan cusub.
Xildhibaano Dhaliilay Hawlgalkii Dhahar
April 24, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Shan xildhibaan oo reer Sanaag ah, laba kamid ahna Sanaag Bari laga soo doortay ayaa maanta shirjaraa'id ku qabtay Golaha Wakiilada, iyagoo ku eedeeyay Wasiirka ciyaaraha in uu sabab u ahaa wixii Dhahar ka dhacay isla markaana codsadey in xilka lagaqaado . Xildhibaanadaasi, bayaan ay soo diyaariyeen, midkoodna halkaa ka akhriyey ayaa ku tilmaamay in aanu weftigaasi mashaariic horumarineed u socon, balse oo uu ahaa mid olole siyaasadeed u socday oo xisbiyeysan.
Ayaxii Oo Sadex Gobol Ku Baahay
April 22, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Ayaxii lagu arkay Galbeedka Gobolka Awdal muddo laba todobaad ka hor ah, ayaa xeebta Awdal Bari u soo kacay, korna usoo baxay, Gobolka Hargeysa iyo Gobolka Saaxilna jiidhay ilaa sheekh. Dhirtii, doogii iyo beerihii waraabka ahaa wixii ku yaalay, intaba dhibaato ayuu u geystay. Beer roobaadkii dalaga kale lagu beereyey, dhawaan ayaa xoog loo shiniyeynayaa. Sida uu sheegay Aggaasimaha Guud ee Wasaarada Beeruhu, waxaa la filayaa in ay dhawaan yimaadaan dayuuradu buufiyaa; kuwaas oo mudoba la sugayey.
TACSI: Innaa Li-LLaahii Wa inaa Illeyhi Raajucuun
SomalilandHorta bahda soo saarta iyo reer Axmed Yuusuf Dualeh waxay tacsi u dirayaan eheladdii iyo qaraabadii uu Suugaanyahanka Soomaaliyeed iyaga oo ka tacsidaynaya geerida ku timi Marxuum Ismaciil Sheekh Cabdi (CAGAF) oo maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa; iyadoo aaskiisa masuuliyiin iyo dadweyneba aad uga qayb galeen. Alla ha u naxariistu Marxuumka eh, eraygiisa ayuu kaga qayb galay halgankii Somaliland lagu xoreeyey.
Weftigii Golaha Wakiilada Iyo Xisbiyyada Oo Gaadhay Uganda
April 20, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - War aan ka soo xigganay Hadhwanaag news, ayaa sheegay in uu weftiggii uu hogaaminayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, ee ka koobnaa xildhibaano 3dexda xisbi ah iyo sadex xubnood oo matilaya sadexda xisbi qaran, ay salaasadii gaadheen Kampala caasimada Uganda, halkaas oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay. Guddoomiyaha Golaha Barlamanka Uganda ayaa u fidiyey casuumad sharafeed. Kulankii waftigu uu layeeshay Gudoomiyaha Barlamanka Uganda ayuu Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland siiyay dhiggiiisa Uganda buugag iyo qoraalo Somaliland ka hadlaya. Arrimaha laga wada hadlay waxaa ugu weynaa qaddiyada madax baanaanida Somaliland. Guddoomiye Ciro wuxuu ku marti qaaday Gudoomiyaha Barlamanka Uganda inuu booqasho ku yimaado Somaliland. Gudoomiye-Ku-Xiggeenka Baarlamanmka Uganda oo haweeney ahina labada xildhibaan ee haweenka ah kana mid ah xubnaha Golaha Wakiilada ee Somaliland ayey iyaduna martiqaad u fidisay inay yimaadaan Uganda. Waxay sheegtay macluumaadkii laga siiyey Somaliland ee qornaa inay kordhiyeen aqoonteedii kuwajahneyd Somaliland. Weftigu, siddii ay Hadhwanaag sheegtay dood ka dhacday Baarlamaanka Uganda oo 3-sacadood socotay. Weftigu wuxuu ku jiraa lugtiisii 2aad booqashaduu ku marayey Ethopia, Uganda iyo Kenya.
Warar Waabsan
April 20, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Xildhibaan Naasir Xaaji, Cali Sire ayaa taageero umuujiyey madaxweynaha, ku soo celintuu kusoo celiyey Golaha Wakiilada Miisaniyad 2007da.
(SOHTA - Hargeysa)Ayax ayaa ku habsaday Degmada Daarasalaam ahna Waqooyiga Hargeysa taas oo Gudoomiyaha Degmadda qaylo-dhaan jeediyey in loo soo gurmaddo degmadda.
Weftigii Madaxweyne-Ku-Xugeenka Oo Ceerigaabo Gaadhay
April 18, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Madaxweynu-Ku-Xigeenka weftigii uu hogaaminayey ayaa gaadhay magaalada Ceerigaabo oo aad loogu soo dhaweeyey. Waxaa iyaguna weftiga k amid ah, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Wasiir-ul Dawlaha Macdanta iyo Biyaha . Weftigaa madaxweynuhu wuxuu u magacaabay hawlgalo la xidhiidha guud ahaa Gobolka Sanaag iyo gaar ahaa Sanaag Bari, kadib markii ciidamada JSL ay Dhahar ka soo baxeen. Weftigga si diiran ayaa loogu soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo markay galeen iyaga oo masuuliyiinta gobolku horkacaya dadweyne fara badan oo hareeraha ka joogsaday jidkii weftiggu ka joogsaday.
Waqaf Oo Burco Soo Gaadhay
April 18, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Adan Mire Waqaf, ayaa kadib markii Caynabo aad loogo soo dhaweeyay, Burcona duleedkeeda si diiran loogaga hortagay. Waqaf waxaa la dajiyey Hotelka City Plaza, halkaas oo uu dadkii u mahadnaqay, una sheegay in aanu saxaafada maanta lahadleyn ee uu nasanayo. Waxaa la filayaa Waqaf inuu shirar lagalo qaybaha kala duwan ee bulshadda Burco. Xilka Wasiirnimada, Waqaf waxaa laga qaaday, kadib markii madaxweynuhu ku eedeeyay,in uu ciidamada JSL kasoo saaray Dhahar amar la'aan, xidhiidhkana uu ka goostay madaxweynaha; taasuu kaga jawaabay Waqaf inuu sidaa yeelay isagoo badbaadinaya ciidanka iyo tiknikada mar uu shalay ka hadlay Ceerigaabo.
Qayb Ganacsatada Xoolaha Ka Mid Ah Oo Diidan Heshiiska Al-Jabari Iyo Xukuumadu Wada Galeen
April 17, 2007
(SOHTA) - Banaanbax lagaga soo horjeedo heshiiska xukuumadu lagashay Al-Jabari ayaa Burco ka dhacay; kaas oo ay ka danbeyeen qayb ka tirsan ganacsatada xoolaha nool ka ganacsata. Inta diidan heshiiskaa isaga ah, waxay ku saleynayeen diidmadoodaa ninka kaliya ee suuqa loo xidhay. Waxay leeyihiin ganacsigu wuu madax banaan yahay, suuqeenuna waa suuq furan, sida Dastuurku dhigayo ee maxaa ganacsigga loo garbaduubayaa? Dooda xukuumadu waa Xoolaheenii suuqa Sacuudigu ka xirnaa ayaa furmaya, maxjar caafimaadka xoolaha sugayana wuu dhismayaa. Ganacsataduna xoolaha way u dhoofsan kartaa. Monopoly-gii loo xiray ganacsadaha Al-Jabari suuqa Sucuudiga wuu sugan yahay, laakiin maxjarka oo qiimihiisa leh ayaa inoo soo kordhaya. Hadal maanta nin ganacsatada u hadlayey uu BBCda ka yiri oo ahaa, xoolaha Jabuuti ayaanu si ku meelgaadh ah uga dhoofineynaa, waxaa lagu tilmaami karaa eray dhaawacaya qaranimada iyo karaamada Somaliland. Laga maarmaan waxaa ah in danta ganacsiga guud ee qaranka karaamadiisa dhawraya, in wax walba laga hormariyo.
Waxaan Badbaadinayey Ciidanka Iyo Tiknikada" Waqaf
April 17, 2007
(SOHTA -Ceerigaabo) - Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga, Aadan Mire Waqaf ayaa markii ugu horeysey, maanta ka hadlay Magaalada Ceerigaabo, uu haatan ku suganyahay isaga oo si kooban uga jawaabaya eedihii madaxweynuhu usoo jeediyay ee uu xilka kaga qaaday. Waqaf wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin xiriir uu ka goostay Madexweynaha iyo taliska toona, iyada oo wasiira kalena halkaa joogeen. Intaa wuxuu raaciyey, in uu filayey guusha uu soo hooyay in bilad lasiiyo oo laga abaal mariyo. Ciidanka iyo kasoobixida Dhahar, wuxuu waqaf toos u yiri isaga oon hadalka calalin, "dib ugurashadii waxaan kubadbaadiyey ciidanka iyo teknikada." Waxaa lafilayaa Aadan Mire Waqaf oo imika xagga Hargeysa u soo jeedaa in uu si faahfaahsan arrintaa uga hadli doono.
50 Sano Kahor Maanta Oo Kale Maxaa Ka Dhacay Xamar:
April 17, 2007
17 April 1957 waxaa Xamar lagu dilay xafiiskiisa hortiisa, Marxuum Kamaall-Diin Salaax, Safiirkii Masar ka tirsannaa 3 safiir oo matilayey Trusteeship Council-ka Qarramada Midoobay, ee dusha ka ilaalinayey Maamulkii Talyaaniga ee 50-60kii maamulkii Soomaaliya gacanta ku hayey. Waxa la yaab leh ninkii dilay oo xabsidaayin lagu xukumay, in 12-kii habeenimo, 1-dii July 1960 markii maxaabiistaa ooda laga qaaday, cafis guud oo loo fidiyey, qolkuu ku xidhnaa laga helay isagoo meyda. Sida Talyaanigu yidhaa, "I MORTO NON BARLANO."
Gudidii Sanaag Bari Oo Lagu Kordhiyey
April 16, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Gudidii hore uu u magacaabay Madaxweynaha JSL, iney gacanta ku qabato arrimaha Sanaag Bari, ee ka koobneyd Madaxweyne ku xiggeenka oo hogaaminaya iyo sadex wasiir ayaa sida warsaxafadeed madaxtooyada kasoo baxay sheegay lagu kordhiyey laba xildhibaan iyo lataliyaha Madaxweynaha ee Gaashaandhigga, bixitoonkoodiina dib ayuu u dhacay oo berito ayuu noqonayaa. Warsaxafadeedkaasi wuxuu sheegayaa in Wasiirka Gaashaandhigee xilka laga qaaday oo masuul ka ahaa ciidanka JSL kasoo bixiddii uu Dhahar kasoo baxay. Haddii ay noqoto arrintaa in la baadho sida laga dhawaajiyey, Somalilandhorta waxay soo jeedineysaa in guddi madaxbanaan arrintaa loo saaro.
Wasiirkii Gashaandhigga JSL Oo Xilkii Laga Qaaday
April 15, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta, War kasoo baxay Madaxtooyada, oo uu faafiyey Wasiirka Warfaafintu, ayaa cadeeyay in xilkii laga qaaday Wasiirka Gashaandhigga Mudane Aadan Mire Waqaf. Sida warsaxafadeedku sheegay, asbaabta Wasiirka xilka looga qaaday, waxay la xidhiidhaa qaybtii uu ku qaatay hawlgaladdii difaaca weerarkii ay kusoo qaadeen Maleeshiyada Been-Been Land degmada DHAHAR.
Guddi Loo Magacaabey Bariga Sanaag
April 15, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Maanta ayuu Madaxweynaha JSL, magacaabay guddi afar masuul ka kooban oo uu u magacaabay ka hawlgalka Sanaag Bari. Afartaa mas'uul waxay kala yihiin Madaxweyne ku xiggeenka, Wasiirka Duulista iyo Hawada, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Wasiirka Biyaha iyo Macdanta; ku waas oo u anbabaxay Ceerigaabo, G/Sanaag.
Xabaal Wadareedyo Daadku Soo Faqay
April 11, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Daadad ay soo roggeen roobab laxaad leh oo Hargeysa ka da'ay, ayaa maanta soo faqay xabaal wadareedyo ahaa Xaafada Boqoljire, meydadka halkaa lagu aasay iyo meelo kale dalka Somaliland, ayaa ahaa xasuuqii ciidamadii Siyaad Barre ay u geysteen dadkii rayidka ahaa, wakhtigii S.N.M. ay halganka hubeysan kula jirtay maamulkii keligii taliska ahaa ee Siyaad Barre. Meydku iskiisaba xurmo ayuu mudan yahay. Waxaa waajib ah in xukuumada xisbiyadda iyo ururada rayidka ahiba iska kaashadaan sidii xabaal wadareedyadaa looga ilaalinlahaa, indaad qaado ama guryo laga duldhisto. Gudi farsamo oo qaabilsaneyd xasuuqa iyo xabaal wadareedyada ayaa jirtay oo hawl weyn sida runtiiya qabatay. Gudi heer Wasiir ah oo la shaqeyn jirtay ayaa jirtay oo markii ugu dambeysay uu godoomiye u ahaa Rashiid Xaaji Cabdillaahi oo markaa ahaa Wasiirka ganacsiga. Gudidaasi haddii ay weli jirto iyada iyo Gudiga Farsamo hays kaalmeystaan oo hawl qabadkoodii boodhka ha ka tumaan.
Waa qayb taariikhdeena ka mida Xabaal wadareedyada iyo meydka ku jiraaba. Xusuusta la xasuusnaanayaana waa bog kamida kitaabkii taariikhda halgankeena, oo ay tahay facba faca ka danbeeya inuu u gudbiyo, si ay u ogaadaan facacaa kala danbeeyaa in dhaxalkan ay haystaan aanu dhayal ku iman. Xaasha, uur-xuma beera uma adeegsanayno, dadweyne meel oo joogaba waa walaalo, laakiin intii yarayd ee falalkan geysatay in maalin maalmaha ka mida, maxkamad lasoo taagaa ha ahaato ujeedada caafimaadka qabta ee laga leeyahay dhawridda iyo illaalinta xabaal wadareedyadaa.
Heshiis Cusub Iyo Al-jabiiri
April 9, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa ku dhawaaqay in Xukuumada Somaliland ay heshiis cusub la gashay Suleymaan Siciid Al-jaabiiri; heshiiskaas oo dhigaya in ganacsadaha sucuudiga ahi sanadkii ka qaato Somaliland 2 million oo neef, isla markaana Maxjar (meeel xoolaha caafimaadkooda lagu sugo) ka dhiso Berbera intaan Xajka la gaadhin.
Al-jaabiri waa ganacsadihii hore heshiiska loola galay ee xoolaheenii dekeda Jabuuti ku dejay. Qofku waa isbedeli karaa laakiin reer Somaliland waxay leeyihiin "Bashaqda i maqashii". Sheekadu waxay ahayd laba nin oo midna indho layahay midna indho qabo ayaa wadaagayey bariis la kariyey oo kulul. Kii indhahaa qabay ayaa yidhi.' Waar subagii iyo caanihiiba waan ku daree cun bariiska.' Indhoolihiibaa yidhi, bariiskaa kululaayo,"Horta bashaqda i maqashii." Muumin labagoor god lagama wada qaniinee, Al-jabiiri waxbaa inaga soo maree horta Maxjarka hadhiso , Xoolahana ha raro, Jabuutin ha dhaafaan Jidana ha galaan oo ha ka degaan. Markaas un baa bashaqda la maqli karaa Inta ka horeysa se waa ii maqashii.
UCID,UDUB Iyo Xisbiga Cusub
April 6, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Shaki kuma jiro in xisbigga cusub ee lagaga dhawaaqay Hargeysa uu kaalinta hore ka galay doodaha siyaasiga ah, dalka guddihiisa iyo qurba joogaba; taasoo ku kaliftay Laanta Afsoomaliga BBCda "ama codka Yuusuf Garaad "in maanta arrintaa dood laga furo. Sidaan ka soo xigganay Somaliland.org mawqifka xisbigga UCID uu ka taagan yahay xisbigga cusub waxaa soo koobay afhayeenka xisbigga UCID. Mudane Xasan Xuseen, afhayeenka UCID wuxuu ka dhawaajiyey in xisbigoodo arrintaa ka shiri doono wada tashina ka yeelan doono; isaga oo aan diidaneyn ururkii dhismaya ee tartan galeya laakiinse eegi doona sharciggu arrintaa siduu u arko. Xisbigga UDUB mowqifkiisa dood maanta BBCda laga sii daayay ayuu ku cadeeyay in mowqifkiisa odhanaysa xisbigga abuuridiisu dastuurka iyo sharcigaba ma waafiqsana.
Warar Waabsan
April 6, 2007
Mudane Xuseen Faarax Maxamed Caydiid, oo ka tirsanaa dawlada KMG-ka, waxaa sudhnaatay in uu Asmara ka degay kuna biiray mucaaridkii ka soo horjeeday dawladaa KMG-ka.
Hawiye Action Group(HUG) Ayaa xukuumadda Somaliland ugu mahad naqay mawqifkii insaaniga ahaa ee ay ka qaadatay dadkii tarxiilka ahaa ee loo diiday inay Gaalkacayo ka degaan.
Ismaaciil Buubaa ayaa tibaaxay in sida toosani ay tahay in heshiiska lala galo xukuumada oo aan laga war wareegin. Isla markaa waxuu ka dhawaajiy.
Xisbi Cusub Oo Hargeysa Lagaga Dhawaaqay
April 5, 2007
(SOHTA - Hargeysa) - Waxaa maanta Hargeysa lagaga dhawaaqay xisbi cusub oo lamagac baxay Qaran; xisbigaa oo ay hoggaaminayaan ku dhawaaqiisa Maxamed Cabdi (Gaboose) Maxamed Haashi Cilmi iyo Jamaal Ibraahim Caydiid .
Xisbigga oo lagaga dhawaaqay shir jaraaid oo lagu qabtay xafiiska Dr. Gaboose, markii ay suura gal noqon weyday in Hotel Ambassador shirkaa lagu qabto, dawladda oo diiday, sidey wararka qaar sheegayaan, ayaa halkaa lagusoo bandhigay liis magacyadii assassayaasha. Waxa kale oo halkaa laga sheegay in aanu jirin xeer diidayaa in xisbi kale dalka laga furo iyada oo siyaasiyiinta arrintan hormoodka ka ahi ay ku doodeen in ay 3dexda xisbi qaran dalka xuurto ku haystaan. Shaki kuma jiro in ay talaabadani biyihii siyaasada ee fadhiyey gaar ahaan xisbiyadda ay aad u ruxi doonto sida muuqatana ay ku danbeyn doonto garsoorka ama maxkamada dastuuriga ah. Waa mawduuc cusub oo ku soo biiraya doodaha siyaasadeed ee Somaliland, shakina kumajiro in haddii Alla yiraa Kulmiye, Ucid iyo Uduba ay isku didi doonaan si ay u hor joogsadaan dhalasho xisbi cusub. Waxa keliya ee qumani waa in aan xayn daabka dastuurka laga bixin
Xubno uu ku jiro Ra'iisul Wasaare kuxigeenka 1aad Xuseen Ceydiid iyo Sh. Shariif oo ka degay Magaalada Asmara
April 5, 2007
Xubno uu ka mid yahay Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka 1aad Xuseen Ceydiid iyo Sh. Shariif Hogaamiyihii Midowgii Maxkamadaha ayaa ka degay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea. Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka howlaha guud iyo guriyeenta Xuseen Maxamed Faarax Caydiid iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Gudoomiya Golaha Fulinta Maxkamadaha Islaamiga......
Read More
| Printer Version
Buuga Sanadka: Maansadii Timocadde
Urruriye: Cabdi Yuusuf Ducaale " Boobe"
Ururka Qoraaga Somaliland ee Stockholm (Sweden) ayaa ku dhawaaqay in uu Buuga la magac baxay Maansaddii Timacadde (Cabdillaahi Suldaan) ee uu ururshay daabacayna Qoraaga Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe) markey qiimeeyeen buugagii sanadkii hore soo baxay uu noqday buugii 1-aad........
Read More
TACSI
April 3, 2007
Somalilandhorta bahda soo saarta iyo reer Axmed Yuusuf Ducaale waxay tacsi u
dirayaan qoyskii iyo qaraabadii iyo eheladii uu ka geeriyooday Cabdi (mellow
Faarex Caateeye oo maanta, aas heer qaran ah lagu aasay xabaalaha qaranka.
Mudane Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro xubno labada
gole ka tirsan madaxda xisbiyada iyo dadweyne fara badan ayaa aaskaa
marxuumka ka qeyb galay Alla haw naxariistee. Madaxweyne ku xiggeenka ayaa
taariikhdii marxuunka wax ka taa taabtay iyo halgankii dib-u-xorreynta dalka.
Dowladda Uganda oo sheegtay in Askari kaga dhintay
Madaafiicdii shalay lala beegsaday Madaxtooyada
April 1, 2007
Dowladda Uganda ayaa daboolka ka qaaday in Hal askari uu kaga
geeriyooday Madaafiicdii shalay lala beegsaday xarunta
Madaxtooyada. Afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda ayaa sheegay
in askari uu kaga dhintay markii madaafiic ay ku soo
dhacayeen Madaxtooyada, wuxuuna tilmaamay in xilliga
madaafiic lala beegsanayay Madaxtooyada ay ilaalo ka hayeen
Madaxtooyada. "Askar naga mid ah ayaa ku dhintay Madaafiicdii
lagu soo weeraray Madaxtooyada"ayuu yiri Afhayeen u hadlay
Ciidamada Ugadan oo u waramayay Wakaalada wararka ee Reuters.
Ciidamada Ugandes ee ka socda Midowga Afrika ayaan wax lug ah
ku laheyn Dagaalada ka socda Muqdisho ee u dhaxeeya Ciidamada
Ethiopianka iyo kooxaha kale ee diidan
joogitaankooda.Ciidamada Uganda ayaa hore kaga dhaawacmay
labo askari, kadib markii weerar lagu qaaday Kolonyo ay la
socdeen.
Source: Jowhar
Dhimisho 158, Dhaawac 430 , Barakac 100,000 iyo soo jeedin xabad joojin
April 1, 2007
(SOHTA - Mogadisho) - Dagaalaii 4 maalmood ee u danbeeyay ka dhacayey Muqdisho inta la ogyahay, dhimashadu waa 158, dhaawacuna waa 430, dadka barakacayna waa 100,000 sida ay sheegtay Hay'adda Qaxootigu (UNHCR). Dhakhtar ka mida dhakhtarada Al-xayaat ayaa sheegay in lala soo deyday dhakhtarkaa Al-xayaat hal hoobiye halkaana dhismaha dhakhtarka dhibaato gaadhay nin dhakhtari ku dhaawacmay. Intaa waxuu raaciyey in 3-qof ay ciidamada gaashaanbuurta ahi maanta kala baxeen dhakhtarka. Dagaalkii saaka dadka ku dhintay waa 8-qof dhaawacuna 50-qof. Sida uu sheegay afhayeenka u hadla dhinaca la dagaalamaya ciidamadda gaashaanbuurta ayaa ka dhawaajiyey in uu nin la yidhaa Axmed Cabdi Salaan oo ah mulkiilaha Horn africa uu ula yimi soo jeedin xabbad joojin ah; taas oo sida afhayeenku sheegay uu dhinaca kalena kasido, isagoo ninkaasi sheegay in arrintaa xabbad joojinta uu ka sido xukuumadda dhexe ee Itoobiya iyo taliska ciidamadda itoobiya ee Soomaaliya jooga labadaba. Afhayeenku wuxuu ka sanqadhiyey in aaney iyagu is arag masuuliyiin Itoobiyaana, hase yeeshee ay aqbaleen soo jeedintaa xabad joojinta. Xabadii dhacaysay waxay istaagtay labadii maanta . Xabbad joojin hore oo 7-aad socotay waxay burburtay 30-kii March markey ciidamada Itoobiya weerar laxaad leh cir iyo dhulba ah ay ku soo qaadeen meelihii ciidamadda la dagaalamaya ay fadhiyeen iyo xaafadihii loo tirinaayey iney ka soo jeediyaan.
|
|
| |
|
|