NEWS

Wadooyinka ka tirsan Caasimada Muqdisho oo furmay, halka qeybo kalena ay wali xiran yihiin
April 30, 2007 


Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa wali xiran, iyadoo qaarkood ay wali ku leeyihiin raadadkii Dagaalada.

Wadooyinka ka tirsan Magaalada ayaa furmay, halka kuwa kalena ay wali xiran yihiin, kadib markii dagaalo socday muddo ka badan todobaad ay ka dhaceen.

Xaafadihii ugu badnaa ee dadku ay ka barakaceen sida Huriwaa iyo qeybo ka mid ah Yaaqshiid ayaa waxa ay yihiin kuwo wali aan loo ogoleyn in gaadiidka ay galaan, iyadoo goobahaasi ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa Ethiopia.

Wadooyin kala Degmooyinka Huriwaa Yaaqshiid ayaa ah kuwo aan wali loo ogolaan in ay galaan gaadiid, halka wadada Jidka Warshadaha ay bilaabeen in ay gaadiidka maraan maalintii shalay.

Iyadoo dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabanayaan ayaa hadana waxaanu jirin qeybo ka tirsan Xaafadihii ay Dagaaladu ka dhaceen oo aan wali la geli Karin.

Xaafada Towfiiq, Miisaanka Dhuxusha, Stadium Muqdisho, Wadada Xararyaale, Cali Kamiin ilaa xamar bile, halkaasoo ay ahaayeen goobihii sida ba’an ay isugu fara saaraan dhinacyadii dagaalameysay.

Goobaha ay Dagaalada qaraar ay kla dhaceen ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada Ethiopia oo xiray Wadooyinka, isla markaana dadka u diiday in ay maraan ama ay booqdaan guryahooda.

Si kastaba ha ahaatee wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad waxaa lagu arkayaa gaadiid sida qoysas badan oo dib ugu soo laabanaya caasimadda. 

__

Source: Jowhar

 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].