NEWS

Dowladda Ereteriya oo isaga baxday xubinimadii urur goboleedka IGAD kadib markii oo noqday urur aay shukaanta u hayaan Itoobiya iyo Kenya
April 22, 2007


Dowladda Ereteriya ayaa ku dhawaaqday inay isaga baxday xubinimadii urur goboleedka IGA, kadib markii ay sheegtay in dhowr jeer uu qaatay ururkaasi go'aano aysan raali ka aheyn dowladda Ereteriya kuwaasoo wax u dhimaya nabada gobolka Geeska Afrika, waa sida lagu yiri hadal qoraal ah oo la soo dhigay Website wararka u faafiya wasaaradda arrimaha gudaha Ereteriya, isla markaana lagu sheegay inuu hadalkaasi ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda dowladdaasi.

Ereteriya oo ka mid aheyd dowladdaha xubinta ka ah urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale ku eedeysay ururkaasi inuu bogaadiyay marar badan dowladda Itoobiya oo iyadu xusuuq iyo barakicin xoogan ka geysatay dalka Soomaaliya, iyadoo la rumeysan yahay in madax jabka ugu weyn ay ka qaaday dowladda Ereteriya shirkii ugu dambeeyey ee wasiiradda arrimaha dibedda ururkaasi IGAD uu ku yeeshay magaalada Nairobi kaasoo lagu ammaanay dowladda Itoobiya laguna tilmaamay mid ka hortagtay urur argagigixiso oo Qatar ku ahaa geeska AFrika inay u babac dhigtay oo ay baacsatay.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Ereteriya ayaa lagu caddeeyey inay ka baxday dowladdaasi ka mid ahaanshaha urur goboleedka IGAD, illaa iyo amar dambe, iyadoo sheegtay in ururkaasi uu wax ka qaban waayay qalalaasaha gobolka geeska Afrika isla markaana uu noqday mid si gaar ah ugu fashilmay arrimaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Ereteriya ayaa iyadu dagaal xoogan oo dhinaca xuduudaha ah kala dhaxeeyaa dowladda Itoobiya oo ay la gashay dagaalo ba'an oo lagu hoobtay, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyey ka dhex jiray labadaasi dowladood xafiiltan xoog leh oo dhinaca siyaasada geeska Afrika ah, iyadoo la rumeysan yahay in dowladdaha kale ee Afrikaanka ahna ay kala safteen maamulka Meles, taasoo ay sii dheertahay taageerada Mareykanku u fidiyo Itoobiya.

__

Source: Jowhar


 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].