Somaliland Horta Website

ARTICLES


XUSUUSTA XULKA IS-RAACAY:

“Innaa Lillaahi waa Innaa ileyhi Raajicuun”

(Quulle, Ismaaciil Daa’uud, Mahdi Buubaa iyo Daa’uud M. Geelle)

“Abidkay rag waa gu’I jiree, tani se waa gaar”,

Baroor-diiqdii Cali Jaamac Haabiil ee Xirsi.

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale - cankaabo@hotmail.com.

 

Ilaahay dhammaantood iyo muslinka Islaameedba ha u wada naxariisto. Sannadku xanaf iyo xanuunba badanaa. Waa maxay xadantada iyo xaradhaamada ay xaaddeennii la fadhiisan la’dahay. Sannadkan 2006da sidkiisuba ha badnaadee geerida inagu habsatay maxay xus iyo xusuusba reebtay. Wuxu sannadku ku bishay saddexan culayskooda lahaa oo mar is-raacay. 29kii Jeeniweri, 2006da Ibraahin Gadhle ayaa Jabuuti lagu aasay. 9/2/2006da laba geeriyood oo culayskooda lahaa ayaa maalin wada dhacay oo mar qudha la inoo soo wada sheegay. Waa Xoogsade iyo Garaad Cabdi Qani. Intaasi waa bilowgii sannadka.

Isla sannadkii 2006da in badan oo kale ayaa qaddarku helay oo xijaabatay oo aanan magacyadooda halkan ku soo wada tixi karayn. Dad badan oo ummadda qiimo kala duwan u lahaa ayaa geeriyooday. Qayb walba cid baa ka baxday. Ganacsiga ayaa laga baxay. Garsoorka iyo caafimaadkaa laga xabay. Ururrada rayidka iyo maamulkaa laga baxay. Geeridu cidna ma reebin sida loo wada xusuustaan waa ay adag tahay. Inta ruux wax gaadhsiin karo ayaa iskaba dhow. Raggii qiimaha lahaa ee sannadkan hoyday waxa ka mid ahaa isaguna Maanso-dhaadhigii waddaniga ahaa ee Qaasim. Waa Bishii 11aad ee sannadkan 2006da. Hirdidu kululaa. Waa Noofambar. Ragga qiimaha ummaddan ku lahaa ee hoyday waxa ka mid ah: Cismaan Aadan Dool, Ismaaciil Daa’uud Cigaal, Xaaji Mahdi Maxamed Hurre oo loo yaqaannay Mahdi Buubaa iyo Daa’uud Maxamed Geelle oo maanta la aasay. Dhammaantoodba Ilaahay ha u wada naxariisto innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Geerida haldoorka ku habsatay oo sidaa u badnayd ayay hawsha iyo culayska I saarnaana aad u badnaayeen. Waxan ku hawlanaa Shirweyne Qaran oo aanu u qabannay amadkii Akaademiga ka soo go’ay ee labadii sannadood ee u danbeeyay. Ilaahay ayaa I xil furtay oo waxba dadka kuma baaqanne, inta geesi hooyatay taariikh-nololeedkoodii cid baa iska xil-saartay Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’. In la I tebayay se ma moogayn oo haddaan la ila hadlin, daymada dadkaba waan ka dheehan karayay.

Waa maaratoon kale. Dad dhintay ama shahiiday oo aan wax ka qoro waxa iigu darnaa iiguna hawl badnaa saddexankii ugu horreeyay sannadka. Aniga oo qormooyinkii Ibraahin Gadhle ku dhex jira oo wada ayay mar qudh ah is-raaceen Xoogsade iyo Garaad Cabdilqani. Saddexdaa qormo ayaan maalmahaa isku waday. Waa markii ay xagga qormooyinka iigu darrayd. Ilaahay wuu igu asturay oo aniga oo ay raad-raacyadu iga fogaayeen waxaan is-leeyahay ceebi kaama raacin.

Milayga iyo maalmaha midna I sugi maayo. Waxaan door-biday in aan raxantan is-raacday isku qaado si aan xilkayga u guto idinkana idiin ku tudho oo aanan idin ku dheerayn.

Dhammaantood wax badan ayay wadaageen. Rag-karameed halgankii hubeysnaa, dibuheshiisiintii, hubdhigistii iyo geeddi-socodkii dimuqraayadeedba ka soo qayb galay ayay ahaayeen. Rag taariikhda ku suntan oo ummadda u tirsan ayay ahaayeen. Dhammayn kari mayo e’ bal aan isku dayo in aan bad-weyntan bilaale dardaro.

Cismaan Aadan Dool, waa Quulle. Raggii dawladaha hoose ka soo shaqeeyay ayuu ahaa. Hawlihiisii halgameed dalka gudihiisa ayuu ka bilaabay oo weliba Hargeysa oo halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran xuddun u ahayd ayuu ka mid ahaa unugyadeedii dahsoonaa. 1983kii ayuu si toos noogu soo biiray oo u soo tallaabay saldhigyadii Ciidammadi dibuxoreynta Qaran. Si wanaagsan ayaan u xusuustaa maalmahas oo waxay ahayd maalmo aanu ku jirnay kal-fadhigii 3aad ee Caadiga ahaa ee Golihii Dhexe ee SNM oo magaalada Jijiga ku qabsoomay. Kal-fadhi taariikhiya ayuu ahaa. Waa markii ugu horreysay ee keli ahayd ee Guddoomiyaha SNM lagu beddelo Kal-fadhi Gole Dhexee taas oo ahayd arrin Dastuuriya oo Xeerka waafaqsanayd. Alla ha u naxariisto e’ Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Madar ayaa kaalintii Guddoomiyannimada u banneeyay Shahiid Cabdilqaadir Koosaar Cabdi. Maalmahaas oo aad xasaasi u ahaa arrin iyo talona u baahnaa ayuu Quulle si toos ah ugu soo biirayaa oo imanayaa goobihii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd.

Shirweynihii 4aad ee SNM ayaa Bishii Ogos 1984kii ku qabsoomay magaalada Jijiga, iyada oo markii ugu horreysay Siilaanyo loo doortay Guddoomiyaha SNM. Cismaan Aadan Dool sidii uu berigaa xubin uga noqday Golihii Dhexe ee SNM ayuu ugu jiray tan iyo 1993kii. Xilliyadii ugu badnaa Golahaa Dhexe ayuu ku soo qaatay, isaga oo weliba inta badan ka tirsanaan jiray ama mararka qaarkoodna Guddoomiyeba u ahaa Guddidii Joogtada ee Golaha Dhexe. Xilka Guddoomiyaha Guddida wuxu hayay sannadihii 86kii iyo 87kii. Bilowgii 1988kii ayaa loo magcaabay Xoghayaha Maaliyadda ee SNM. 1990kiina wuxu noqday Guddoomniyihii Guudidii Qaban-qaabada Shirweynihii 6aad ee SNM.

Cismaan Aadan Dool oo loo yaqaannay Quulle wuxu noqday wasiirkii Warfaafinta ee ugu horreeyay ee Somaliland, isaga oo markii danbe loo beddelay wasiirka Boosta iyo is-gaadhsiinta. Waxaan is-leeyahay haddii aanan qaldanayn tan iyo 1994kii xil danbe uma qaban Xukuumadda. Geeddi-socodkii dimuqraadiyadeed bilowgii hore wuxu ka mid ahaa hormoodkii kooxdii Dibuhabaynta SNM. Markii la abaabulayay ururradii siyaasadeed wuxu ka mid ahaa ururkii ASAD, isaga oo beryhihii danbe ka mid noqday xubnihii ku biiray xisbiga UDUB.

Quulle wuxu ahaa nin-halgameed dhaqan hoggaamineed leh. Dadka kaftanka badan ayuu ahaa. Intii aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd, wuxu ka mid ahaan jiray af-hayeennada magaalada Hargeysa marka ay magaalooyinka ama gobolladu is-xifaalaynayaan. Waxaan xusuustaa beryo Burco iyo Hargeysa loo kaftami jiray oo uu Quulle halhays u lahaan jiray: Burco hindi iyo baaniyaallo ma leedahay. Haasaawe halgameed oo aan wax turxaan ah lahayn ayuu ahaa.

Kaftanka iyo haasaawuhuba nolosha waa ka badh, xilliyadaa aanu halgamaynayna xanuun-tire oo keliya nooma ahayne, medadaaladu noloshaa adkayd ayay ka badh ahayd. Waxaan xusuustaa sidii uu Maxamed Mooge Liibaan Kamankiisii Deddo-gooye uu ugu heesay, markii uu lahaa:

“Anigoo dagaal,

Dood iyo colaad,

Iyo dirir ka imid,

Oo dabeecaddii,

Tahay mid an dadkuba,

U dulqaadan Karin,

Dejiyaha naftiyo,

Deddo-gooyahow,

Maxaan kula dal-maray,“

Cismaan Aadan Doolna haasaawiyayaashii kaftan-dhaadka iyo qaadkaba lahaa ayuu ka mid ahaa. Sidaan horeba idiin ku soo sheegay tan iyo maalintii uu halganka hubeysan ee dibuxoreynta Qaran bilaabay wuxu mar walba ka mid ahaa hoggaamiyayaasha ilaa maalintii uu dhimanayay.

Waxaan xusuustaa 1986kii beryihii Siyaad Barre shilka baabuur ku dhaawacmay in aanu Awaare isugu tagnay oo aanu halkaa ku qabsannay shir ballaadhan oo wada-tashi ahaa isla markaana xaaladda lagu qiimaynayay. Markaanu wada-tashiyadii dhammaysannay, talooyinkii la soo jeediyay ee la fuliyay waxa ka mid ahaa uguna mudnaa iyada oo la go’aansaday in abaabul laxaad leh la sameeyo oo dagaal la isu diyaariyo. Xataa Shirweynihii 5aad ee SNM oo sannadkaa ku beegnaa dib ayaa loo dhigay. Laba Guddi oo abaabul dagaal aloosa ayaa jiiddii Woqooyi ama Aaggii Woqooyi loo sameeyay. Kaalinta uu Quulle kaga jiray halgankii hubeysnaa awgeed waxa loo magacaabay Guddoomiyihii Qaybta Galbeed, halka Cabdilqaadir Koosaar Cabdi looga magacaabay Guddoomiyihii Qaybta Bari.

Waxa kale oo aan xusuustaa Meey 1988kii markii la soo gelayay in uu Cismaan Aadan Dool ahaa Xoghayihii Maaliyadda ee SNM. Ka sokow deeqdii faraha badnayd ee qaylo-dhaantayadii ay laamaha Dibadda ee SNM ku soo direen, waxa kale oo jirtay in Heshiiskii Siyaad Barre iyo Mengistu wada galeen la dhaqan geliyay. Wefdi ballaadhan oo Guddoomiyaha SNM hoggaaminayay oo wada-tashi Adis Ababa loogu yeedhay wax hub iyo rasaas ah lama soo siin, bal se deeq lacageed iyo mid raashin ah ayaa la soo siiyay. Waxaan xusuustaa in SNM iyo Ururkii kale SSDF oo markaa hawl-gab ahaa midkiiba la siiyay 500,000 oo Birr. Galabtii markii aanu Adis Ababa ka soo gallay ee Xoghayaha Maaliyadda ku war-gelinnay in uu lacagtaa Baanka ganacsiga ee Itoobiya ka soo qaado, sidii ayuu ku tallaabsaday. Habeenkii danbeba Quulle waxaanu wada joognay jiidaha hore ee dagaalka isaga oo aan shilin lacag ah oo SNM leedahay kaga imanin Baankii Itoobiya. Ma hubo waxaan se jeclahay in aanay jabhaddii kale ee SSDF lacagtaa calfan oo qabtii ka soo gaadhay markii SNM oodda soo jabsatay ee miidaamaha ku soo gashay Burco iyo hargeysa.

Aniga oo sar-ka-xaadsaday Cismaan Aadan Dool kaas ayuu ahaa. Intii Somaliland la dhisay wuxu ku foognaa wixii hawlo dalka ka socday. Qof caadiya ayuu ahaa oo aan war-baahinta ku badnayn. Wargeys iyo telefishan midna laguma arki jirin. Isaga oo aan durbaan tuman ayuu xilka saaran gudan jiray.

Dhowr maalmood ka hor intii aanu geeriyoon ayuu barqo dheer xafiiska iigu yimid isaga oo ay wada socdeen Ibraahin-Dhegaweyne iyo Ciise Curaagte. Aad ayaan uga naxay siduu xanuunku u saameeyay ama oogadiisa uga muuqday. Kolka horeba isaga oo golxo lahaa ayaad arkaysay sida uu u sii gotay.

In kasta oo aanu SNM ku wada jirnay oo uu dadka iila mid ahaa, haddana wax baa ii dheeraa. Si dhow oo aad ku qiimayn karto qofka dhufayska kugula jira ee xabadda kula ridaya ayaanu isku naqaannay. Halganka guud ka sokow mid siyaasadeed ayaanu wada gallay. Golaha Dhexe ayaanu ku wada jirnay, Guddidii Joogtada ayaanu ku wada jirnay. Guddoomiye ayuu Guddida Joogtada u ahaa anna Guddida Joogtada iyo Golaha Dhexe oo Guddoomiyaha SNM Guddoomiye u ahaa ayaan Xoghaye u ahaa. Xilliyada qaarkood ayay labadaa Gole ee ay ahayd in ay wada shaqeeyaan deeradu dhex miranaysay, oo haddana aanu ku qasbanayn in la wada shaqeeyo, la wada noolaado, dunta Mucaawiye aanay go’in oo aan la kala tegin. Xilliyadaa adkaa ee dulqaadka iyo karaanka qofkaba imtixaanka ku ahaa ayaanu soo wada shaqaynay annaga oo xeyndaabka SNM ku wada jirna oo aan laba-codlaynayn, dadkana saluug mooyee aan niyad-jab ku ridayn.

Aniga oo aan dhammayn ee gawl-gawlay taariikhdiisii intaa aan kaga baxo Cismaan Aadan Dool oo aanu halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran bah-wadaag ku ahayn. Marna saaxiibbo ahayn. Marna seeddiyaal ahayn.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana dhammaanteen samir iyo Iimaan ha inaga siiyo.

 

Ismaaciil Daa’uud Cigaal:

Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre iskuma ay daahin. Ilaahay baa goor hore wax u ilhaamiyay. Bilowgii toddobaatannadiiba cidhib barako leh ayuu ku dhuftay. Intii laga dhex toosi lahaa wuxu ka door-biday adigu kaga horree oo subax horeba ka dhex toos. Wuxu sii jaxaastay tuduc uu Hadraawi lahaa oo ahaa:

“Waxaanad huraynin,

In aad hadda yeesho,

Ayaa ka hagaagsan.”

Ismaaciil Daa’uud Cigaal Ilaahay ha u naxariisto e’ wuxu ka mid ahaa rabacii la jaan-qaaday Jabhadihii ugu horreeyay ee dagaalka hubeysan kala hor yimaadda nidaamkii Maxamed Siyaad Barre. SNM Itoobiya waxay ugu tagtay Ismaaciil Daa’uud Cigaal oo magaalada Harar deggenaa. Ismaaciil marka uu madaxaaga ku soo dhaco, Harar ayaa kuu muuqanaysa. Dhaqan duug ahaa iyo ilbaxnimo karkaarrada jabsatay. Waxa kuu muuqanay Ismaaciil iyo timihiisii madoobaa ee dheeraa. Indihii waaweynaa iyo qosolkii badnaa. Sheekadiisii xabaalaha Harar ay dhex-taalka u ahaayeen. Kabiirradii halkaa ku aasnaa ee Kabiir Cimar ka midka ahaa iyo Sheekhal Wariiqa oo aanu afka ka dhigi jirin.

Ma gurigiisii dhaqanka Adari ku dheehnaa. Siduu u sharraxnaa iyo siduu u kala sarreeyay. Xaaskiisu Adariyad ayay ahayd. Ismaaciil keli kuma ahayn Adari ama Harar. Colkiisa ayuu watay oo malaha dhowr iyo toban dhallinyaro ah ahaa. Keyse oo timuhu garbaha ka degeen ayaan ka sii xusuustaa oo aan is-leeyahay weli Adari ayuu joogaa iyo Xuseen oo aan filayo in uu Hargeysa inala joogo.

Wuxu ahaa shinbir SNM iyo halgankii hubeysnaaba loo sii diray. Waxaanu ugu tagnay magaalada Adari markii la tallaabayba. Marka laga tago Durya wuxu ahaa saldhiggii labaad ee aanu ka samaysanno magaalada Adari. Beryahaa ballaysinka ahaa socodkayagu wuxu u badnaa Adis-Ababa, Harar, Jijiga iyo jiidaha hore ee dagaalka. In kasta oo ay beryihii danbe Diri-dhabe xarun maamul noo noqotay haddana xilliyadaa hore Harar ayaa aawaneyd. Ismaaciil cinwaan iyo baadi-soocba wuu noo ahaa. Isga ayaa maalmahaa usha noo hayay maa daama uu dal iyo dadba nooga soo horreeyay. Wixii naloo soo dirayi isaga ayaa naloogu soo hagaajin jiray. Maa daama uu meesha nooga soo horreeyay talo iyo tusaaleba wuu nala garab taagnaa. Abaabulkii iyo alooskii halganka ayuu nagala qayb galay. Golayaashii iyo hay’adihii hoggaaminta ayuu ka mid noqday.

Hawlgalkiisu kuma koobnayn Adari oo keliya ee mararka qaarkood ayuu jiidaha horena noo raaci jiray. Wuxu ahaa qof diiniya oo bulshay ah. Kaftan iyo haasaaweba badan. Wuxu ahaa qof had iyo jeer ku hammiyi jiray sidaa nidaamkii Siyaad Barre dalka looga xoreyn lahaa. Intii aanay aanay SNM saaxadda dagaalka soo gelin wuxu ka tirsanaan jiray oo ka sii hawl-galay Ururkii SSDF ee nooga horreeyay halkaas. Ismaaciil wuxu ahaa nin ganacsade ah oo ka shaqaysta Itoobiya. Wuxu ahaa nin gacan furan oo dadka u gargaara weliba iyada oo xilliyaada waqti aad u adag lagu jiray. Dadka oo keliya kuma koobnayne xarakaddana gacan aan la qiyaasi karin ayuu ka geysan jiray.

Waxaan xusuustaa bishii ktoobar 1982kii oo ay ay jiiddaa Gob-yarrey ka soo tallaabeen ciidammo SNM u soo galay. Waxaanu ka mid ahayn xubnihii SNM ee halkaa kaga hor tegay. Saraakiishii aanu maalintaa wada soconnay waxa ka mid ahaa Korneyl Aadan Saleebaan. Waxa is-na maalintaa goobtaa noogu yimid Ismaaciil Daa’uud Cigaal oo Harar ka soo shiraaqday oo gargaar iyo taakuleynba ciidanka u siday. Waxaan xusuustaa baabuurkii uu watay oo ahaa xaajiyad Peageut ahayd oo uu Hararna ku wadan jiray.

Sidaas ayuu Ismaaciil Daa’uud af iyo addinba halganka taakuleyn iyo taageeraba u ka daba-taagnaa intii uu ku sugnaa. Isaga iyo intii kale ee ka soo hor jeedday nidaamkii Siyaad Barreba halis maalin walba taagnayd ayay daaqayeen. Nidaamkii Siyaad Barre saamayn aydaan malayn karayn ayuu ku lahaa dalka Itoobiya qaybo badan oo ka mid ah. Ragga kale ee halista daaqayay ee Harar beryahaa deggenaa waxa ka mid ahaa gabayaaga caanka ah ee Cabdillaahi Dhoodaan oo aan inta badan cabsi ku noola, haddaan la dilinna aan ka bixi jirin xabsiyada Itoobiya oo wanjalku joogto u ahaa.

Ismaaciil Daa’uud Cigaal waxyaabaha kale ee lagu xusuusanayo waxa ka mid ah kaalintii uu ka soo qaatay daryeelkii dhaawaca SNM ee oolli jiray cisbitaalladii Harar gaar ahaan kii Ciidammada qalabka sida ee Itoobiya. Hawsha keli kuma ahayn ee waxa weliba saldhig u sii ahaa qof dumar ah oo aan u malaynayo in la odhan jiray Cutiya. Guriga Cutiya wuxu ahaa saldhigga bukaanka iyo naafada Harar. Halkaas ayaa cuntada loogu samayn jiray oo looga qaadi jiray. Dadka Harar Ismaaciil Daa’uud ku weheliyay ma yarayn oo waxa kale oo ku weheliyay Sheekhaddii Faadumo oo gurigeedu saldhig kale ahaa oo inta badan la fadhiisan jiray. Waxaanu sheekada ku haysannay In Xaaji Cabdi Ayuub halkaa fadhiisan jiray, markaasaa ragga qaarkii qarxiska iyo biyo-raaciska halkaa ka soo raamsan jireen oo is-moodi jireen in sidii sheekha lagu soo degayo.

Arrimaha kale ee culayskooda SNM ku lahaa ee Ismaaciil Daa’uud Cigaal sida hagar-baxa ah uga gurman jiray waxa ka mid ahaa aaska Mujaahidiinta Harar ku shahiidda. Arrin culays badan ayay ahaan jirtay oo mararka qaarkood mujaahidiin door ahi is-raacdo. Waxaan aad iyo aad u xusuustaa 1983kii oo aan is-leeyahay dhimashada ayaa xilliyadaa SNM ku badnayn, run ahaantiina beryahaa qaraxa miinada waddooyinka lagu aaso ayaa nagu badnayn oo waa intii aannaan xoogaysan.

Marka aad magaalada Harar oo ah meel taariikhiya joogto waxyaabo badan ayaa xusuustaada ku hadhaya. Waxa ka mid ah qaabka dadka loo aaso oo aan wax badan kaga duwanayn sida halkanba looga ama guud ahaanba muslimiintu meel ay joogtaba u aasto meydkeeda. Midhka mahadhada lihi wuxu ahaa marka meydka xabaasha lagu dhaadhiciyo ee marada la dul qabto ayaa yar iyo weyn dadka aaskaa ka soo qayb-galay kor u akhriyayaan Quraanka iyaga oo aan inta tilmaan Quraanka lagu suntado isla seegayn. Markaas ayay jibbo iyo qiiroba ku saaqayaan. Waxa kale oo aanan illoobayn xafladdii loosamayn jiray carruurtu marka ay Quraanka dhammayso ee magaalada lagu soo wareejiyo iyaga oo lebbisan oo qasaa’id qaadaya markaas ayay koley yar oo si farshaxan leh u xardhan oo la hor wado lacag loogu ridi jiray.

Ismaaciil Daa’uud naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ inan-la-yaal ayuu Harar ku ahaa isaga oo ka guursaday Jamiila oo qoton iyo quruxba qeyrkeed hal-door u ahayd, innagan samir iyo iimaan Ilaahay ha inaga siiyo.

 

Xaaji Mahdi Maxamed Hurre (Mahdi Buubaa):

Waa Xaaji Mahdi Maxamed Hurre oo ku caano-maalay loona yaqaannay Mahdi Buubaa. Waa da’dii Hargeysa ku dhalatay 1921kii oo ku beegnayd xilligii uu dhintay Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee ay saaxadda Soomaaliyeed ka baxday Xarakaddii Draawiishta ee gumeysi-diidka ahayd. Xaaji Mahdi Buubaa naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ degaanno badan oo Soomaaliyeed ayuu ku soo barbaaray yaraantiisii. Wuxu iskaga dab-qaaday: Hargeysa, Berbera, Jijiga, Jabuuti, Booraame. Waayo-aragnimo hodan ah iyo il-baxnimo dheeraad ayuu ka kasbaday degaannada badan ee uu noloshiisa ku soo qaatay.

Barbaarnimadiisii muuddo ayuu ku noolaa magaalada Boorame isaga oo beryihii danbe u soo wareegay Hargeysa. Wuxu ku hawlanaa yaraantiisii ilaa maalintii uu dhimanayay Ganacsiga isaga oo aan ka madhnayn fagaarayaasha kale ee siyaasadeed, ijtimaaciga, nabadeed, Diimeed iyo dhammaanba hawlaha kale ee isku xidha dadka iyo dalkaba. Qof shakhsiyad macaan leh oo af iyo addinba gaabnaa muslinkuna ka nabad galeen ayuu ahaa. Reer magaal aan cidna ku qaldamin magaaladana dhumuc iyo dhererba dadku waxay ku sugan yihiin ka war haya ayuu ahaa. Nin bulshay ah oo aan dadka ka takoorrayn bal se aad ugu dhex jira oo yar iyo weynba xidhiidh la lahaa ayuu ahaa.

Mahdi Buubaa isaga oo 38 jir ah oo deggan magaalada Boorame ayuu markii ugu horreysay ka mid noqday Golihii Degaanka ee Hargeysa. Tan iyo xilliyadaa iyo xilliyo ka horreeyayba wuxu ku hawlanaa hawlihii gobannimo-doonka ee dalka lagaga xoreynayay Gumeysigii Ingiriiska. Ilaa xilliyadaa ayuu Xaaji Mahdi Buubaa lahaa dareen waddaninimo oo uu ku hawl-galay si gobannimo iyo horumar dhinac kasta ah loo gaadho.

Xaaji Mahdi Buubaa wuxu ka mid ahaa ganacsatadii aragtida fogayd ee qaybta libaax ka soo qaadatay wershedayntii dalka. Xaaji Mahdi wuxu ka mid ahaa hormoodkii iyo saamileydii Wershadda Pepsi Koolaha ee Hargeysa oo uu ka soo qabtay xilal Guddoomiye-xigeen iyo Guddoomiyeba lahaa. In kasta oo uu ka soo jeedo qoys raacato ah, haddana Xaaji Mahdi kama tagganayn beeraha iyo wax-soo-saarka. Waxaynu tusaale fiican u soo qaadan karnaa Beertiisa Uubaale ee uu isugu geeyay ama ku kulmiyay dhaqanka beeraleyda iyo xoolo-raacatada isaga oo halkaa maanta ku dhaqayay geel.

Xaaji Mahdi Buubaa wuxu ahaa nin diiniya oo dhaqanka Soomaaliyeed ku xeel-dheer. Dadku uma kala qoqobnayn ee cid wal iyo da’ walba wuu la xidhiidhi jiray. Qof ahaan waxaan anigu ku bartay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Wuxu ka mid ahaa odayaashii kaalinta la yaabka leh halgankaa ka soo qaatay guud ahaan, gaar ahaanna jiiddii dhexe. Kaalin odeynimo, kaalin abaabul ciidan, kaalin abaabul taakuleyneed, kaalin dhex-dhexaadineed isaga oo inta badan ka gurman jiray wixi xurguf iyo xanaf beelaha dhex marta ama ciidammada iyo dadweynahaba dhex mara.

Waxaan Xaaji Mahdi Buubaa si fiican ugu xusuustaa laba dhacdo oo aanu si kal-furnaan ah uga wada gurmannay oo aan si dhow oo aan ku baran karo kula hawl-galay.

Dhacdada koowaad ee aan maqalka igu ahayn ee aan goob-joogga ka ahaa, waxay ahayd maalin SNM oo dhami ku shirsanayd Balli-gubadle oo laga wada-hadlayay sidii duullimaad kama-danbays ah oo dal iyo dadba dib loogu xoreeyo loo qaadi lahaa. Fadhigii Guddoomiyaha SNM ayaa lagu shirsanaa. Waxa goobtaa fadhiyay Guddoomiyihii SNM, Cabdiraxmaan Axmed Cali, Golihii Dhexe, Guddidii Fulinta, Odayaashii iyo wax-garadkii SNM. Meel aan naga fogayn waxa iyaguna ku shirsanaa Taliskii Ciidankii Xoreynta ee SNM oo waajibka la siiyay ahaa in ay la yimaaddaan qorshe dagaal oo isku dhan iyo waxyaabaha fulintiisa looga baahan yahay nooc tahayba.

Iyada oo uu Talisku waajibkaa haystay ayay intayadan kalena ka shiraysay sidii loo heli lahaa taakuleynta ku baxaysa qorshahan dagaal fulintiisa. Labada daraale waxyaabaha dagaalkaa nagu sii deddejinayay waxa ka mid ahaa iyada oo maalmahaa wax yar ka hor ay ciidammadii cadowgu soo galeen saldhigyo SNM lahayd oo ay ku jirtay Xaruntii Balli-gubadle. In dagaalkaa ciidammadaii cadowga laga dibaaqo ayaa haabka lagu hayay oo qof waliba ku tallamayay. Qofba meel ayuu ku dhuftay. Nin baa farta taagay. Bal talo keen baa la yidhi. Ku ye: “Haamaha Isaaq aan u qaybsanno taakulaynta.” Waxa laga biyo-diiday waqtiga lagu soo gurayo. Xaaji Mahdi Buubaa oo meel hortayda ah taagnaa ayaa gacanta taagay. Isaga oo ciillan oo debnaha cunaya ayuu yidhi: “Waar inoogu qaybiya Talisyada Qaybaha iyo Saldhigyada ku lammaan oo Burco iyo Ceeri-gaabona is-raaciya, Hargeysa iyo Berberana aynu is-raacinno.” Waa loo yar rixiyay, iyada oo haddana waqtiga wax lagu soo gurayo laga dardaar-werinayo. Goor danbe oo la daalay ayaa nin Indheer-garato ah oo kaam-abokor Qaxootigii deggenaa ka socday soo jeediyay in qoys kasta oo qaxootiga ka mid ahi toddoba maalmood garaamkiisa ku deeqo.

Sidii ayaa lagu hawl-galay. Xaaji Mahdi Buubaa iyo xertii xeryaha bari ee Abokor iyo rabaso ka timid waxa waajib lagu siiyay in ay taakuleyntooda soo lacageeyaan si dayactirka gaadiidka iyo wixii kale ee aan Itoobiyaanka laga helayn loo soo siisto. Waa loo soo joogay wixii ay hanti soo gureen. Waa dhacdo aan ku xusuusto Mahdi Buubaa iyo doorkii shariifka ahaa ee uu ka galay arrintaa iyo arrimo kale oo badanba.

Doorashadii Madaxweynaha Xaaji Mahdi Buubaa waxaanu ka wada mid noqonnay Guddi dehx-dhexaadineed oo loo xil-saaray xiisaddii iyo is-maan-dhaafkii ka aloosmay doorashadaa. Waxaan xusuustaa sidi hagar-baxa iyo waddadaninimada ahayd ee uu uga hawl-galay iyo lexe-jecladii uu u qabay dal iyo dadba. Ma ahayn qof meel iyo cid ku qoqoban oo dadka iyo dalka intiisa kale ka xidhan. Xaasha! Wuxu ahaa qof dhowrsoon af gaaban oo aanay dal iyo dadba waxba ku seegganayn oo werwerkeeda iyo walaaceedaba lahaa. Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

Daa’uud maxamed Geelle:

Daa’uud Maxamed Geelle, naxariistii Janno Ilahay ha ka waraabiyo e’ 1952kii ayuu ku dhashay magaaladan Hargeysa. Wuxu ku barbaaray magaaladan Hargeisa oo uu ka bilaabay malcaamad Quraankii. Daa’uud waxbarashadisii Dugsiga Hoose wuxu ku qaatay Dugsigii la odhan jiray European-ka ee immika loo bixiyay Sheekh Madar sannadihii 1964kii-1969kii. Waxbarashadiisii Dugsiga Dhexe wuxu ku qaatay Trades School-kii sannadihii 1964kii-1969kii markii nidaamkii Siyaad Barre taladii dalka qoriga ku maroorsaday. 1970kii-1974kii wuxu ku jiray Dugsigii Farsamada Gacanta ee la odhan jiray Hargeisa Technical Institute. 1977kii-1980kii Daa’uud wuxu waxbarasho sare oo Jaamicadeed u tegay magaalada Muqdisho isaga oo xilligaa ku jiray Jaamicaddii Injineernimada.

Daa’uud Maxamed Geelle 1981kii ilaa 1983kii wuxu macallin ka ahaa Dugsigii Farsamada gacanta ee Hargeisa ee uu hore uga baxay. Wuxu halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd si toos ah ugu soo biiray oo imanayaa goobihii dagaalkii hubeysnaa laga hagayay sannadku markuu ahaa 1984kii. Isla beryahaa uu noo yimidba wuxu noqday sarkaal ka hawl-gala qaybtii taakuleynta ee SNM. 1985kii ilaa 1986kii wuxu ahaa Agaasimaha Guud ee Waaxda Caafimaadka ee SNM. Markaa ka dib ayuu Daa’uud Maxamed Geelle xubin ka noqonayaa Guddidii Fulinta ee SNM isaga oo loo magacaabay Xoghayah Waaxda Abuulka xilkaas oo uu hayay ilaa Shgirweynihii 6aad ee SNM oo ku qabsoomay Balli-gubadle 31kii Maarj ilaa 28kii Abriil 1990kii.

1991kii ilaa 1993kii Daa’uud wuxu ahaa Xoghayihii Golaha Guurtida xilkaas oo uu wareejiyay markii laga soo baxay Shirweynihii 1aad ee Guurtida ee ku qabsoomay Boorame 1993kii. Intaa wixii ka danbeeyay Daa’uud Maxamed Geelle wuxu ka mid noqday Hay’addii Qaranka ee Abaabul-ka-saarka ee loo yaqaanno NDC (National Demobilisation Commission) oo loo xil-saaray hub-dhigistii iyo jihayntii nololeed ee mujaahidiinta iyo dadkii kale ee hubeysnaaba. Daa’uud Hay’addaa ayuu ka noqday Agaasime Guud halkaas oo uu waayo-aragnimo badan ka korodhsaday. Waxa kale oo uu fursad u helay in uu ka qayb-qaato seminaarro badan oo aqoontiisa iyo khibraddiisaba kor u qaaday.

Beriyihii danbe Daa’uud wuxu noqday khabiir Somaliland ah oo qaaradda Afrika iyo Gobolkan Geeska Afrikaba looga aqoonsan yahay khabiir xeel-dheere ku ah hubdhigista ama waxan afka Ingiriisaiga lagu yidhaahdo ‘Demobilization and Disarmament.’ Daa’uud Maxamed Geelle waxa oo uu qayb lama-illaawaan ah ka qaatay dhammaan ololayaashii nabadaynta iyo dibuheshiisiinta ee ka dhacay qaybo badan ama gobollo badan oo Somaliland ah, isaga oo inta badan ku jillaa ama la hawl-gelayay Golaha Guurtida iyo qaybaha kale ee bulshada. Waxa kale oo uu Daa’uud si hagar-la’aan ah uga qayb qaatay hawlaha qaar badan oo ka mid ah ururrada rayidka sida dalladda COSONGO oo uu ka noqday Guddoomiye-ku-xigeen iyo Hay’ad la yidhaahdo HEAL oo uu ilaa intii uu ka dhimanayay hoggaan u ahaa.

Tan iyo 2001dii, Daa’uud Maxamed Geelle wuxu ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Siyaasiga ah ee Somaliland. Daa’uud markan uu xanuunku soo ridanayo wuxu joogay magaalada Adis-Ababa oo isaga iyo Cali Gurey ay heegan ku ahaayeen si ay uga hawl-galaan Gobolka Daarfuur oo la sugayay in Heshiis nabadgelyo la saxeexo si hub-ka-dhigistii loo bilaabo.

Daa’uud Maxamed Geelle wuxu ahaa nin karti iyo dedaalba badan oo aad u firfircoon oo halabuur leh. Intii aanu halgankii hubeysnaa ku jirnay, in badan ayaa isku dayday in ay afka Amxaariga bartaan, bal se laba keliya oo naga mid ah ayaa qoraalkiisa aad isugu hawlay, kuwaas oo kala ahaa Daa’uud Maxamed Geelle iyo Axmed Dhagax naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’.

Daa’uud Maxamed Geelle, wuxu yeeshay laba xaas waxaanu ifka kaga tegay 10 carruur ah. Min-weynadiisa waa ay ka horreysay waxase nool minyaradiisii.

Naxariistii Janno Ilaahay ha ka waaraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

 

Dhammaad

 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.