WAR IYO SHEEKO

War Iyo Sheeko 

Maanta ayaa xaflad lagu qabtay garoonka ciyaaraha ee Senghor, Dakar, Senegal Madaxweyne Cabdalla Wade, mar labaad xafiiska Madaxweynaha ee dalkaas Senegal loo dhaarinayey.

Sheeko:-Sheekadan mar aan booqasho ku tagnay senegal,dhawrsanno ka hor, iyadoo nahogaaminayo Madaxweyne Riyaale dalka senegal ayuu Madaxweyne Cabdalla Wade sheekadan nooga sheekeeyay. Isagii baan ka hadlinayaaye dhageysta

.""Mudo dheer (25)sano ayaan mucaarid ahaa ka soo horjeeda Senghor iyo Diouf(labadii Madaxweynee ka horeeyey. )Singhor wuxuu ii bixiyey bakeyle ,(The Rabbit)Wuxuu odhan jirey markaan usha taanishka (Tennis Racket)adii Madaxweynee ka horeeyay). Senghor wuxuu ii bixiyey bakeyle (The Rabbit) t) aan ku dhufo is idhaahdaba adoo boodey oo meelkale taagan ayaan ku arkaa. Aakhirkii ayaan doorashadii qiyaastii mar 6aadkii ku guuleystay .o aan ka guuleystay muddane Diouf . Markii natiijadii lagu dhawaaqay doorashadda ayuu Tel igu soo hambalyeeyay.Markaan u mahadnaqay ayaan hawshii qaranka guda galay. Markiiba waxaa la ii sheegay in berrito shirkii Madaxweynayaasha Dowladaha Francophone-ku (Dowladaha Af Fransiiska Ku Hadla) uu ka furmayo Paris ay tahayna in aan tago. Telefoonekaan qabsadey waxaangaraacay safiirkayaga Paris oon u sheegay halkaan ka iman lahaa anigu berito shirkaa isaga waxaa imanaya Muddane Diouf Madaxweynahaan doorashadda ka helay. Waxaan ka codsaday safiirkayagga in u sidaa gaadhsiiyo Dawladda France isla markaana ka codsado in sidii Madaxweyne loo soo dhaweyn lahaa loo soo dhaweeyo. Safiirkii France ee Dakar jooga ayaan isna sidoo kale ka codsadey. 2diiba in codsigeygii la aqbalay ayeey jawaab ku soo celiyeen.Duuliyayaashii 'Air Force One'(Diyuuradda Madaxweynaha), ayaan idhi diyaar noqda berito ayaad Paris u duulaysaane. Madaxweyne Diouf ayaan garaacay (iyo waan uyeedhay in uu ayaanan kala hubin.) Waxaan ka codsadey in uu iga aqbalo in uu berrito Paris u duulo uu shilkaa ka qaybgalo isagoo mataleya Senegaal. Dayuurada Madaxweynahana uu qaato, sharaftii madaxweyne iyadoo loo dhameeyay Daker laga sabootiyo Paris-na isagoo Madaxweyna ah la soo dhaweeyo. Siddii ayuu shirkii kaga qaybgalay oo uu nabad kusoo noqday. Halkaa kagamaan hadhin.Waxaa dhammaaneysay muddadii Xooghayaha Guud ee urukaa isaga ah. Waxaan olole ugalay in kursigaa Xoghayaha Guud la siiyo Senegal . Waan ku guuleystay. Madaxweyne Diouf ayaan magaciisii geeyay codbuuxa ayaa lagu ogolaaday sidaaseey Senegal kursigaa ugu guuleysatey, Madaxweynihii aan doorashada ka helayna ugu fadhiistay. "Sheekadii Halkaasey Ku Dhamaatay Anigana Markaasaan dhawr midh Oo Nac-Nac ah Ley Siiyey: 

QORE: Duq Ducaale(Ahmed Yusuf Ducaale)




 
Printer Version


 

 


Home |  News |  Literature |  Articles & Opinions |  Archive |  Photo Gallery  | Contact Information 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].