|
|
| |
WAKIILKII SOMALILAND
OO AY JABUUTI DALKOODA KA SAARTAY
December 21, 2006
(SOHTA - Hargeysa) - Shalay bishan December 20 2006 ayey Xukuumadda Djabouti si rasmi ah qoraal ku soo gaadh siisay Xafiiska Xidhiidhka(Laison Office) ee Somaliland Jabouti uga furan in sarkaalka madaxda ka ah iyo shaqaalihiisuba ay jamhuuriyada Jabouti 72hrs kaga baxaan. Sababtu waxay tahay laba shixnadood oo adhi ah oo BerBera ka baxay ku-talo-galkuna ahaa in Jeda lageeyo adhigaa,ayaa silamafilaana dekedda Jabouti loogu dajiyey;taasoo la filayo in halkaa adhiga jidda looga dhoofiyo iyadoo loo sawirayo in dalka adhigu ka soo jeedaa (Country Of Origin) yahay Jamhuuriyadda Jabouti.
Wararku waxay sheegeyaan in Xukuumadda Djabouti canaasir ganacsata ah heshiisyo hoose ay la gashay oo ku balanqaaday in ay masuuliyiin halkaa keenaan oo markey adhigaa arkaan ka hawlgalla xukuumada Sucuudi Arabiya sidii xayirraadii xoolaha Geeska Afrika saareyd Djabouti looga qaadi lahaa kadibna xoolaha Somaliland, Soomalida kale iyo geeskaba ay ugu noqon lahayd marso laga dhoofiyo. Waxa keliya ee Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Somaliland arintaa ka yidhi waxay ahayd in aanay Xukuumadda Somaliland raali ka ahayn Xoolaheeda in deked kale oo Geeska Africa ah laga dhoofiyo, Djaboutina gadaal ka carrabbaabay. Wuxuu intaa raaciyey in laga qaaday Al-Jaabiri ganacsade Sucuudi ah, oo xoolahan lahaa ruqsadii ka ganacsiga Somaliland. Isna waxa dekedda BerBera laga celiyey markab soo noqday.
Waa markii labaad ee Wakiil Somaliland Djabouti u jooga ay Xukuumadda Djabouti dalkeede kasoo saarto; dhacdadaas oo ka dhalatay diidmo ay u diiday Xukuumada Somaliland wafti rasmi ah oo ka socday Djabouti in uu Somaliland yimaado oo uu Somaliland gudaheeda uga ololeeyo shirkii Carta ee ku wajahnaa curyaamiinta jiritaanka Somaliland.
SOMALILANDHORTA: Dad badan baa u haystay in Marxuun Cigaal sabab u ahaa kacaa-kufkii saameeyey xidhiidhkii labada dal intii u dalka hogaaminayey; dooda walaalo badan oo reer Djabouti ah ayaa sida u badneyd, Somalilandna dad sidaa qabay way jireen. Ganacsatada labadda dal isaga dab qaadaana fikirkaa in badan baa qabtey oo weliba xoogeysey.
Markii Madaxweyne Rayaale xilkii qabtay ee xidhiidhkii labadda dal uu huunoobay ayaa dadkaa xagga hore aynu kusoo sheegney sheekadoodii noqotey,"'Marxuum Cigaal ayaa ina waalayee baleeg xidhiidhkii inagga iyo Djabouti siduu u macaanaadey'. Sida rasmigga ah, inaga oon dib u jaleecin intii Madaxweyne Rayaale Xukunka hayey, xidhiidhkeenu wuu wanaagsanaa ilaa bishan December 20keedii markii arintaa adhiga xafiiskii Somaliland albaabada loogu xidhay.
Xidhiidhka Djabouti ay Somaliland la yeelanaysaa kuma xidhna labadda qof ee kala hogaamiya labada dal ee wuxuu ku saleysan yahay fikirka siyaasiga ah ee labadda hogaamiye kale qabaan. Somaliland inay gooni isku taagto oo ay aqoonsi hesho ayey marxuun Cigaal iyo Rayaaleba siyaasadoodu ahayd. Qofkii doonaa arrintaa wuu diidi karaa waxaynuse ka maqleyney kana akhriyeyney wuxuu ahaa gooni isu taag iyo aqoonsi. Madaxweynaha Djabouti labadaa midna ma ogola. Agtiisa Somaliland majirto. Madaxweyne kale haddey Somaliland dooratana, Madaxweynaha maanta Djabouti xukuma weli Somaliland waxay ahaaneysaa waxaan jirin.
******
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.