NEWS


Wefti Ka Socda Baarlamaanka Dawlada Kenya Ayaa Beri Lagu Wadaa Inuu Dalka Somaliland Yimaado
December 19, 2006


Wefti ballaandhan oo ka socda Baarlamaanka waddanka Kenya, ayaa la filayaa inay beri
booqasho rasmiya ku yimaadaan Somaliland.Weftigan oo ka kooban 5-xubnood oo ka
tirsan Baarlamanka waddanka Kenya iyo 3-xubnood oo kale oo saraakiil sare ah, ayaa sida lagu sheegay qoraal
maanta ka soo baxay xafiiska Gudoomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/llaahir
(C/raxmaan Cirro)waxay martiqaad rasmiya ka heleen Baarlamaanka Somaliland.Sida lagu sheegay
qoraalka maanta kasoo baxay xafiiska Guddomiyaha Golaha Wakiilada C/raxmaan Maxamed C/laahi
(C/raxmaanCirro), waxa weftigan hogaaminaya Garyaqaan lagu magacaabo Paul Kidbugi oo ah
guddoomiyaha guddida Shuruucda ee Baarlamaanka waddanka Kenya, waxaanay booqashada weftigu
qaadan doontaa muddo saddex maalmooda.Muddada weftigu joogaan dalka waxay kulamo la yeelan
doonaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Wasiirka Maaliyadda
Xuseen Cali Ducaale Arrimaha Dibadda C/llaahi Maxamed Ducaale, Komishanka Doorashooyinka
Qaranka iyo Saddexda Xisbi Qaran, waxaanay maalinta Khamiista ee saadame fadhi wada jira kula
hadlidoonaan Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada), sidloo kalena waxay booqan doonaan
suuqa Ganacsiga magaalada Hargeysa, Goobihii xasuuqa ka dhacay iyo magaalada Berbera, waxaanay
xubnaha weftigu ka koobanaa kala ahaayeen sida:-

 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.