|
|
| |
"Yeelimayno In Jananadii Moragan Iyo Xasan Turki oo Ku Caaanbaxay Dabargoynta
Isaaqa ee aanu ku dhaangadaynay Hargeysa in maanta loogu yeedho"
December 18,
2006
Agaasimaha Agoonta iyo Naafadii SNM ee Hoos taga SOOYAAL Mr Cabdi Maxamuud
Warsame,ayaa shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay Magaalada Hargeysa si kulul u
naqdiyay kooxo wadaado ah oo dhawaan Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay
bilaabayaan lacag urur ay ku caawinayaan dadka Wabiyadu khasaaraha u gaysteen ee
dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya.
Cabdi Maxamuud waxa uu sheegay in agoonta iyo Naafadii SNM ay u baahan yihiin
caawimo iyo in wax loo qabto, halka lacago loo ururinayo dadku dhaqan dal kale.
Agaasimaha Agoomaha iyo Naafada SNM waa kale oo shrikaasi Jaraa’id kaga hadlay
sida Mujaahidiintii SNM ay Mar kale diyaar ugu yihiin difaaca dalkooda.
Warsaxaafadeed Agaasimuhu ka akhriyay shirkaasi jaraa’id ayaa u qornaa sidan:
‘’Anagoo ah Bahweynta agoonta iyo Naafadii kus oo waxyeelowbay halgankii dib u
xoraynta JSL waxa aanu halkan ku baahinaynaa waxyaabaha nagu kalifay in aanu soo
qaban qaabino Shir Jaraa’id oo aanu kaga hadlayno Qodobadan hoos ku qoran:
1) Markii ay aragtay Naafadii iyo agoontii JSL in aan wax u danaynayaa haba
yaraatee jirin kuna khasaareen dhamaan shacabkii ay uy soo mareen halgankii ay
ku wax yeeloobeen wax ay go’ansadeen in ay iyagu iskood isku abaabulaan dhamaan
Heer gobol iyo degmo kuna taageeraan Gudoomiyaha Jimciyada Mujaahidiinta SOOYAAL
sidii uu u raadin lahaa xuquuqdii kaga maqnayd aqoontii naafada dalka gudihiisa
iyo dibadiisaba maadaama abaalkoodii laga dhigay hal bacaad lagu lisay.
2) Waxaanu muran ku jirin cidna aanay dafirayn in uu qarankan ku yimid
halyayadii shahiiday iyo waaxyihii Naafada ee kala dhamaalmay cid uga
damqanaysaa aanay jirin sida uu iyaga u damqayo waayo wuxuu kaga yaalaa wadnaha
, maadaama ay kaga samreen aabahood iyo waaxyahoodii iyagoo nool la kala aasay
umana dulqaadan karaan waxa kasta iyo wixii wax yeelo ku ah jiritaanka qarankan
ay ku keeneen dhiiga iyo dhimashada kana horeyn doonaan wax yeelo toos ah oo ah
ashkhaasta ku ashatay in ay dhibaato galiyaan abaalkii iyo tacabkoodii kaga
jiray qaranka.
3) Waxa nagu naxdin ah ayaan daro wayna ah aadna noogu nusqaan ah in uu
shacbigayagii reer Somaliland markii uu ku dhargay xornimada dhiishooduna
buuxsantay uu ku hamiyo in uu yidhaahdo Muslinimaan ku caawinayaa dadka reer
Koonfurka ah anaguna aan weli la agjoogno aafadii iga soo gaadhay ka
badbaadintiisa dadkii reer Koonfureedka ahaa.
Haddaba, waxa aanu si badheedh ah ugu sheegaynaa dhamaan cadowga Somaliland
shisheeye iyo sokoeeyaba in aanay maanta dhayal ku dumin Karin kuna adag tahay
xornimadi Lixdankii sida fudud ku luntay anaguna aanu mar labaad u hori doono
Naftayadii sida aanu markii horeba ugu soo hurnay lana garanayno waxaanu galno
iyo waxa aanu gudnaba Itoobiyana ay ka mid tahay walaalada dhabta ah ee
Somaliland leedahay tahayna wadanka qudha ee aana waligay abaalkiisa gudi
karaynin kuna ool yihiin shacbi ka badan Hal Milyan oo qof oo reer Somaliland ah
kuna dhaqan yihiin toddobaatan Milyan oo Islaam ah kana badan yihiin Afarlabaad
iyo Shan Labaad qolyahan Soomaalida sheegata, waxsaanu garan waynay , iyadoo
ummad Islaam ah la doonayo waxa loogu duulayo ummad Islaam ah , waxaanu u
aragnay xeelad dan gaar gaar ah laga leeyahay lana soo dhuubayo in si yar oo
fudud uu soo galo Jananadii Moorgan ka mid ahaa iyo Xasan Turki oo Magaciisuba
ahaa Dabargoynta Isaaqa yeeli mayo qaadan mayo in hadh wanaag loogu yeedho
gaashaan layaasha aan shalay dhangadeeyay.
Sidaa daraadeed markii aanu aragnay Waxyaabaha dhacayaa ee ka jira Somaliland
dhexdeeda una soo samirnay 16 sano wax kasta oo nagu gaf ah damqayayna
Boogahayagii dhiigayay waxaanu go’aansanay Maanta in Intayada badani in ay Mar
labaad ku shahiido sidii uu u jabi lahaa qarankan Somaliland’’.
Source: Hadhwanaag
******
Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact
[Webmaster].
Last updated: 11/12/06.