Somaliland Horta Website

NEWS


"Mustaqbalka xoolo dambe oo aynu dhoofinaa ma jiri doonaan hadday tani suurta-gasho"Ing.Faysal Cali Waraabe
December 17, 2006



“Jabuuti baa doonaysa, inay 100,000 (Boqol Kun) oo Neef isu-keento, wefti baana loo soo dirayaa oo Sucuudigu u soo dirayaa. Markaa waxay tusaysaa, inay xoolo leedahay oo xoolo keeni karto, markaa xayiraddii ayaa Jabuuti keligeed laga qaadayaa, waxaana la odhanayaa xooluhu waxay ka iman karaan oo keliya Jabuuti, hadday sidaasi dhacdana dib dambe uma jirayo markab Berbera xoolo ka qaada oo Jabuuti ku xidhanaya, ee Baabuurta inta toos xoolaha loogu qaado ayaa lagu geynayaa Jabuuti.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, oo aanu xalay wax ka waydiinay, sida uu u arko tallaabada ay xukuumaddu qaaday ee la xidhiidha dhoofka xoolaha ka tegaya Berbera ee la sii marinayo Jabuuti.

Guddoomiyaha UCID oo arrintaa ka sii hadlayaa, wuxuu intaa ku daray, “Markaa doorkan, intay Berbera ka guraan inay Jabuuti sii maraan waxba inaga may gurteen. Laakiin, mustaqbalka ayay khatar innagu tahay arrintani. Sidaa aawadeed, beenta uu abuurayo Ina Geelle ee uu doonayo inuu dalkeena ku baabi’iyo ayaynu gacan siinaynaa haddaynu ogolaano, Tuug iyo Tuug-kalkaal baanaynu noqonaynaa. Imikina durba 6,000 (Lix Kun) oo neef baa ku dhintay Jabuuti, Adhigii Berbera ka tegay, oo Inkaartii baa ku dhacday.

Markaa, maanta waxaa nasiib-darro ah, halkii Ismaaciil Cumar Geelle innaga caawin lahaa, inuu damcay inuu xoolaheenii sheegto.
Markaa ninkan cadaawadiisu waa fog tahay, arrintana khatar weyn bay inagu leedahay, mustaqbalkana xoolo dambe oo aynu dhoofinaa ma jiri doonaan, hadday taasi suuro-gasho. Waayo, xoolaheena ayaa Jabuuti loo wareejinayaa, oo la odhanayaa xoolahaasi Jabuuti ayay ka yimaadeen, Geeskoo dhana keligii baa la odhanayaa xoolaha keen.”

Faysal Cali Waraabe mar la waydiiyay ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee wax la galay ganacsatada Somaliland, oo la sheegay inuu imanayo dalka iyo arrimo kale oo la xidhiidhaba, wuxuu ka bixiyay jawaabtan. “Ninkaas Baanka adduunkaa qandaraas siiyay, markaa qandaraaskaas inuu fuliyo ayuu doonayaa, ee waxba kama gelin waxa mustaqbalka waddankeena ku dhacaya, ee koontaraatkan ayuu doonayaa inuu socodsiiyo.

Baayac-mushtarigeena, wuxuu markii hore u sheegay inaanu xoolaha Jabuuti marinayn, markaa arrintu waa mid fool-xun oo waxa weeyaan aan is-gawracno.
Anigu cid uu xidhiidh la soo yeeshayna ma garanayee, Laakiin, waxa igu maqaalaa wuu imanayaa oo ilaa berri ayaa la filayaa. Ganacsatadii uu heshiiska la galayna way arkeen inuu heshiiskii ka baxay oo way ogyihiin, koontaraatkay la saxeexdeena kumay jirin Jabuuti in la mariyo, markaa arrintani waa arrin Qaran.”


Source: Hadhwanaag


 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.