Somaliland Horta Website

NEWS


DAWLADDA ITOOBIYA OO SHEEGTAY IN SOMALILAND IYO ITOOBIYA HALIS UGU JIRAAN CABSIDA ARGAGIXISADA GOBOLKA KA JIRTA
December 15, 2006


Wasiirka arrimaha Federaalka ee Dawladda Itoobiya Mr. Siraj Fegessa, ayaa dareen cabsi leh ka muujiyay ammaanka xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in labada wadan halis ugu jiraan baqdinta laga qabo argagixisada ka jirta gobolka oo dhan....

Wasiirka oo ka hadlayay kulan uu magaalada Addis-Ababa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali iyo wefti uu hoggaaminayo, waxa uu sheegay in labada dal joogteeyaan wada shaqayntooda si loo ilaaliyo nabadda iyo degenaanshaha xuduudka labada dal, “Ammaanka labada dal, waxa uu xilligan halis ugu jiraa argagixisada cabsidoodu gobolka oo dhan ka jirto,” ayuu yidhi Wasiirku sida ay baahisay Wakaaladda wararka ee Dalka Itoobiya, waxaanu sheegay in labada wadan ay sii xoojiyaan ammaanka iyo degenaanshaha xuduudka labada dhinac oo uu tilmaamay inay horeba uga wada shaqayn jireen “Labada wadan waxay ka wada shaqaynayeen ammaanka xuduudka labada dal, waxaanay is dhaafsanayeen wararka sirdoonka ee la xidhiidha la dagaalanka argagixisada,” ayuu yidhi Wasiirku, isaga oo raaciyay, “Waa in la sii xoojiyaa xidhiidhka labada dhinac ee ku salaysan is qadarinta iyo danaha guud.”

Wasiirku waxa uu sheegay in la sameeyay iskaashi fududaynaya dadka isaga gudbaya labada dal, isaga oo xusay in labada shacbi ee Somaliland iyo Itoobiya uu muddo dheer ka dhexeeyay xidhiidh taariikheed oo ku salaysan Diin, dhaqan iyo Af.
Sida ay Wakaaladu baahisay Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaaciil Cali ayaa isaguna sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Itoobiya kala shaqayso arrimaha xasiloonida iyo degenanaanshaha, taas oo uu tilmaamay inay dan u tahay labada dalba, “Haddii degenaansho la’aani ka dhacdo dal, waxa ay saamayn karaysaa degenaanshaha dalka kale ee ay xad wadaaga leeyihiin.” Ayuu yidhi Wasiirka Daakhiliga Somaliland oo intaas ku daray “Sidaas daraadeed labada wadan ee walaalaha ahi waa inay wada jir ugu istaagaan ilaalinta ammaanka iyo degenaanshaha labada dal.”
Wasiir Cirro, waxa uu ka codsaday dawladda Itoobiya inay ciidanka Booliska siiso tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda, taas oo uu Wasiirka Itoobiyaanka ahina sheegay in Itoobiya sida ugu saraysa wax ugala qabanayso Somaliland waxyaalaha ay u baahanyihiin.
Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Md. Cabdillaahi Ismaacil Cali, waxa uu magaalada Addis-Ababa gaadhay Isniintii toddobaadkan, iyada oo uu safarkiisani ahaa kii ugu horeeyay ee uu ugu baxo dibadda tan iyo markii uu Madaxweyne Rayaale xilkan u magacaabay bishii August ee sannadkan waxaana la filayaa inuu Jimcaha beri dalka ku soo laabto.

Source: Hadhwanaag
 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.