Somaliland Horta Website

NEWS


Ina Ghele iyo argagixisada Xamar ka amar-ku-taaglaysa
December 13, 2006

Ismail Omar Ghele oo madaxda maxkamadaha Mogadishu u qabiyay Baasaabooro diplomaasi ah.( waa qayb ka mid ah tabaha ina Geele u adeegsanayo dibindaabyada uu ku hayo JIRITAANKA SOMALILAND)

Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa la sheegay in uu 40 Passapor oo Jabuutiyaan ah u Qaybiyay Xubno ka tirsan Madaxda Midowga Maxaakimiinta, si ay fursad ay Dalka Jabuuti ugu Noolaadaan u helaan , hadiiba ay Dhacdo in Xaalada Magaalada Muqdisho ay ku adkaato.

Barnaamijkaan cusub ee Ismaaciil cumar geele uu Passaborada ugu qaybiyay Madaxda Midowga Maxaakimiinta ayaa la sheegay in uu keenay buuq ay qaylo dhaan ka keeneen xubno ka mid ah Midowga Maxaakimiinta, waxaana la sheegay in tirada Passaborada uu Ismaaciil cumar Geele balan qaaday ay ka yaraayeen 40, balse uu nin walba sheegtay in uu madax yahay una baahanyahay Passaborka dalka Jabuuti.
Ina Ghele iyo argagixisada Xamar ka amar-ku-taaglaysa

Dhinaca kale Passaborada ay xubnahaan qaadanayaan ayaa la sheegay inay yihiin Paasaboorada siyaasiyiinta la siiyo, waxaana Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele uu ku jiraa dadaal aad u balaaran oo uu gacan ku siinayo Madaxda Midowga Maxaakimiinta.

Dhinaca kale Cabdi qaasim salaad xasan ayaa Dowladiisu meesha kaliya ay taageerada ka heli jirtay ahayd Dalka jabuuti iyo Ismaaciil Cumar Geele, waloow lagu xanto in dhaqaale farabadan oo cabdi qaasim salaad xasan uu Dalal Carbeed ka helay inay soo mari jirtay dalka jabuuti, Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelana uu ku lahaa qayb dhaqaalahaas Dowlada iyo Shacabka soomaaliyeed loogu deeqay.



Source: Idamaale News

 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.