Somaliland Horta Website

NEWS


Suldaan Cismaan oo La Sii Daayay
December 15, 2006


(SOHTA - Burco)- Suldaan Cismaan Suldaan Cali saaka ayaa
Xabsigga Mandheera lagasii daayay isaga iyo rag la xidhnaaba.
Qiyaastii laba todobaad ayey xidhnaayeen, waxa loo xidhayna
waxay ahayd in ay abaabulleen shir aanay fasax u haysan;
kaas oo uu ka soo baxay baaq odhanaya Galbeedka Burco wuxuu
go'aansaday inuu shareecada isku xukumo magacaabayna Gudida
Dhaqangelinta Shareecada oo ka kooban 71 xubnood. Siideynta
Suldaanku waxay ka dhalatay go'aano Galbeedka Burco iyo
Masuuliyiin Galbeedka Burco kasoo jeeda ay is la gaadheen.
Isla go'aanadaa waxa ka mid ahaa in Galbeedka Burco Somaliland
wax la qabto. Suldaanku khudbad dheer oo uu ka jeediyay
Kheyriyada Burco wax iska badaley mowqifkiisii isku xukunka
shareecada Galbeedka Burco majirin,inkasta oo uu dastuurka ha
lagu dhaqmo ku celceliyey hadana madaxweynaha iyo kuwa uu ku
tilmaamay munaafaqiinta ku hoosjirtana si cad ayuu khudbadiisa
ugu weeraray.
 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.