Somaliland Horta Website

NEWS


Xabaalo wadareedyadii ugu tirada badan oo saaka laga helay dhinaca waqooyi ee Magaalad Burco
December 14, 2006

 
(muuqaalka madaxyadi dadk laga helay magaalada Burco saaka)
Dhinaca waqooyi ee magaalada Burco waxa maanta laga helay xabaalo tira badan oo ay ku aasnaayeen kumayaal uu xasuuqay taliskii Macangagahaa ee jaale Maxamed Siyaad Bare xiligii ay umada Reer somaliland dagaalaka kula jireen taliskaasi.

Xabaalo wadareedyadan waxa sida ka muuqatay qolfoofka dadkan la laayay qiyaastii xiligi uu socday dagaalkii 1988 marki uu socday dagaalki ka dhaxeeyay ururkii xaq udirirka
Xabaalahan oo ka kooban sadex god oo waaweyn oo ay ku jiraan lafaha meydad tiradooda lagu qiyaasay boqolaal ayaa waxa dibada u soosaaray daadadkii ay soo rogeen roobabkii waaweynaa ee ka da,ayay bilihii u dambeeyay degaanka Togdheer.
Gudoomiyha Golaha degaanka Maxamuud Axmed Xasan (Dhegalaab) oo booqday saaka ,

Xabaalahaas ayaa saxaafada maxaligaa uga waramay sida ay lagu ogaaday arintan,waxaanu Gudoomiyuhu ku jawaabay “Dadka degan agagaarka goobahaas ayaa na soo gadhsiiyay in lafaha maydad badan oo roobku soo saaray ay yaaliin halkaas,masaajidada qaarkoodna waa laga sheegay,ka dibna waanu tagnay xabaalihii oo soo aragnay Aniga ,Badhasaabka iyo Taliyaha Booliskuba.”Ayuu yidhi Gudoomiyaha Degaanaka magaalada Burco.

maayarka magaalada Burco waxa kale oo uusheegay inay amreen in lafaha Maydadka laysugu geeyo meel kaliya kadibna lagu aaso.

Tan iyo intii roobabka waaweyni ka da,een degaanka Burco ayaa dadweynaha qaarkood tilmaamayeen in lafaha maydad kuwada jira meelkaliya ay ku arkeen goobaha biyo mareenada ee ku yaala daafaha iyo hareeraha Magaalada,Balse xabaal wadareedyadan Maanta la helay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee laga helo Burco inta la ogyahay.

Helista xabaalo wadaredyadan maanta la helay ma aha kaw ee waxa iyana jira oo la yaqaana ku dhawaad dhawr iyo toban xabaal wadareed oo lagu xasuuqay kumayaal Shicib ah oo Reer Burco ah oo iskugu jira Ganacsadayaal aad loga yaqaanay magaaladan Burco iyo aqoonyahano fara badan oo iyana ahaa qurba jooga Reer Burco oo iyana iyago ka yimi dalka dibadiisa loo wareejiyay dhinaca badhka oo halkaasi lagu laaayay.

Source: Hadhwanaag


 

 
 
 

 
(muuqaalka madaxyadi dadk laga helay magaalada Burco saaka)

 
(MADAXYADI DADKA)

 
(muqalki qolfoofka dadka)

 
(muuqaalka madaxyadi dadk laga helay magaalada Burco saaka)

 
(madaxyadi dadka)

 
(muqalka qolfoofki dadka)

 

******

Home | News | Literature | Opinions | Photo Gallery | Contact Information | 

 Copyright @ 2006 Somalilandhorta. All rights reserved.
For problems or questions regarding this web contact [Webmaster].
Last updated: 11/12/06.